Xildhibaan Shaaciyay inuu Furayo Xaaskiisa Hadii Ay Xisbi Kale Ku Biirto

Xidhiidhka tobanka sano jirsaday ee lammaane siyaasiyiin ah oo ku nool gobolka Galbeedka Bengal ee Hindiya ayaa qabsaday warbaahinta kaddib markii xaasku ay ku biirtay xisbi kale, isaguna uu dadweynaha hortooda ugu hanjabay inuu furayo.

Talaadadii, Saumitra Khan, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Ra`iisul Wasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa ogeysiis furriin a u diray xaaskiisa, Sujata Mondal Khan, maalin kaddib markii ay ku biirtay xisbiga hayaha talada maamulka gobolka ee Trinamool Congress Party (TMC).

Gobolka West Bengal ayaa muddo bilooyin gudaheed ah isku diyaarinaya doorashada golaha baarlamaanka labada xisbi ee ugu weyn ee ku tartamayana waa BJP iyo TMC.

Shir jaraa`id oo ay Isniintii ku qabatay caasimadda gobolka ee Kolkata (oo hore loo oran jiray Calcutta), ayay Ms Mondal Khan kaga dhawaaqday go`aankeeda ay kaga tageyso BJP waxayna sheegtay sababo dhowr ah oo ay sidaas u sameyneyso.

Waxay xustay in xisbigu uusan wax xushmad ah u muujin, isla markaana ay xisbiga ku soo dareen dhowr “hoggaamiyeyaal musuq ah” oo ka tirsanaa axsaab mucaarad ah.

“BJP wuxuu noqday kooxda B ee Trinamool. Sidaas darteed maxaan u sii joogayaa xisbigan? Maan aado kooxda A oo ah TMC?” ayay tidhi.

Saacado yar kaddib, shir jaraa`id oo degdeg ah oo ay weriyeyaashu ku tilmaameen “ruwaayad”, ayuu Mr Khan, oo 40 jir ah, isagoo ay caro ka muuqayo wuxuu ku dhawaaqay inuu “jari doono xiriirkii tobanka sano” ee xaaskiisa.

Wuxuu xaaskiisa ka codsaday inay u dhigto magaciisa. “Fadlan jooji isticmaalka magaca ‘Khan’ hadda iyo hadhowba, fadlan ha isku tilmaamin xaaska Saumitra Khan. Waxaan ku siinayaa dhammaan xorriyaddaada siyaasadeed,” Press Trust of India ayaa hadalkaas ka soo xigatay xildhibaanka.

Wuxuu kaddib ku eedeeyay Trinamool “inay gurigiisa burburiyeen”.

“TMC waxay xadeen xaaskeyga, jaceylkeyga ayay la tageen,” ayuu yidhi.

Sujata Mondal Khan ayaa Insiintii ku biirtay xisbiga Trinamool Congress
Weriye sare oo magaalada ka soo jeeda ayaa sheegay inay ahayd “ruwaayad siyaasadeed oo nooceeda aan hore loo arkin” sidoo kale sheekada qoyska is furaya ee laga sii daayay telefishinnada ayaa ka yaabiyay dad badan.

Tan iyo shirarkii jaraa`id ee Isniintii, warbaahinta ayaa baadi goob u gashay lammaanaha dhowr jeer ayayna wareysiyo bixiyeen, waxaana isku dhafmay danaha shakhsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed.

“Waxay ahayd jaceylkeyga. Waxay ahayd xaas aad u fiican. Waxay ahayd daciifnima keliya ee aan qabo. Dabcan, waan murugeysnahay. Waxaan isla nooleyn 10 sano,” ayuu Mr Khan ku yiri mid ka mid ah weriyeyaasha.

Wuxuu garwaaqsaday doorkii ay xaaskiisu ku lahayd guushii uu doorashada ka gaaray sanadkii la soo dhaafay – maxkamad ayaa ka mamnuucday inuu tago deegaanka laga soo doortay sababo la xiriira kiis dembi ah oo loo heystay xaaskiisa ayaa si xooggan ugu ololeysay iyadoo isaga mataleysa isla markaana albaab walba garaaceysa oo dadka weydiineysa inay u codeeyaan, waxay sidoo kale booqaneysay meelaha miyiga ah oo ay hadallo ka jeedineysay.

“Balse sheekadeenna way dhammaatay. Wax xiriir ah lama lihi,” ayuu yiri. “Waan oggolaaday – Sujata mar dambe ma rabo.”

Weriye kale oo uu wareysi siiyay, wuxuu ku beeniyay hadalka xaaskiisa ee ahaa inaysan xushmad ka helin BJP. “Mr Modi wuxuu ku tilmaamaa sida walaalshiis oo kale. Maxaa kale oo ay dooneysaa?” ayuu yidhi.

Ms Mondal Khan ayaa sidoo kale ku ilmeysay wareysiyo ay bixineysay iyadoo seygeeda ku eedeysay inuu dayacay muddo 10 bilood ah.

“Wuxuu ku mashquulsanaa siyaasad. Wax waqti ah iima hayo. Muddo bilooyin ah, iskuma uusan dhibi jirin inuu i weydiiyo inaan wax cunay iyo sidaan u seexday,” ayay tidhi.

Sujata Mondal Khan ayaa ku eedeysay BJP inay aqbaleen hoggaamiyeyaal “musuq ah”
Waxay hoggaamiyeyaasha BJP ku eedeysay inay “soo dirayaan” seygeeda ayna isku dayayaan inay “burburiyaan guurkeeda”.

Ka goosashada xisbi iyo falcelinnada ka dhasha kuma cusba Hindiya. Taasina ma aha inay la yaab ku noqoto Mr Khan – wuxuu xirfaddiisa siyaasadeed ka soo bilaaay xisbiga Congress, wuxuu u wareegay TMC sanadkii 2013 kaddibna wuxuu BJP ku biiray bishii January 2019.

Sidoo kale, ma aha wax cusub inay isla noolaadaan dad siyaasadda ku kala aragti duwan. Dalka Hindiya, waxaa jira xubnaha qoysas badan oo taageera axsaab mucaarad ah isla markaana si farxad leh u wada nool.

Gobolka Bengal sidoo kale, Ms Mondal Khan waxay sheegtay in dhowr siyaasiyiin gobolka ka soo jeeda – aabbeyaal iyo wiilal, adeerro iyo carruur waalid loo yahay iyo walaalo – leh aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan “ay si farxad leh ku wada nool yihiin isla markaana qofna uusan ku amrin inay is furaan”.

“BJP ayaa sababta leh, waxay kula talinayaan inuu iga tago,” ayay u sheegtay qof wareysanayay. “Balse waxaan u maleynayaa siyaasadda iyo guryaha inay kala gaar yihiin ayna tahay in la kala duwo.”

Sujata Mondol Khan with BJP chief Amit Shah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker