Barnaamijkii Taxanaha Taariikhda Sheekh Isaxaaq: Q 3aad
Waxaan dhamaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka وبركاته الله ورحمة عليكم السلام salaan ka dib, Waxaan halkeenii ka sii wadan doonaa barnaamijkeenii aynu kaga hadlaynay Taariikhdii, Socdaalkii iyo Waayihii Sheekh Isxaaq, halkii uu kasoo kicitimay, wixii hayaankiisa u sababta ahaa, iyo, halkii uu geedigii Diinta Iyo Dacwadu uu ku furay Sheekha, Inagoo hadddaba dib uuga sii amba qaadayna halkii uu Taxanuhu inoo maraayaay oo ahayd geedigii Sheekh Isaxaaq awoowgii Muxamad bin Xuseen uu usoo guuray Madiina isaga oo kasoo qaxay magaalada Siru Man Ra’aa ee Ciraaq راى من سر oo maanta loo yaqaano سامراء kuna taal gobolka صلاح الدين . Waxaynu hore usoo sheegnay inuu sheekhu Alle ha u naxariistee kasoo cararay Cabaasiyiin-tii iyo xasuuqii ay ku hayeen qoyskii ay kasoo jeedeen Muxamad Bin Xuseen iyo ehelkiisu ee Calawiyiinta ahaa. Sheekh Muxamad Bin Xuseen wuxu ahaa nin aad u cilmi badan oo magaaladii uu joogay xiligaa ay cilmigiisa ku xidhnayd, iyadoo bulshadu ixtiraam iyo qadarin badan u haysay aqoontiisa diineed dhanka kalena ay ku maamuusayeen nasabkiisa sharafta badan maadaama uu ku abtirsado hooyo dumarka oo dhan ugu maamuus badan iyo Aabe jacaylkiisu ka buuxo qalbiyada muslimiinta, waa Faadumo Bint Muxamad (SCW) iyo Cali Bin Abi Daalib labadoodaba Alle ha ka raali noqdee. Ala ha u naxariistee Muxamad Bin Xuseen waxa uu dhalay sagaal caruur ah oo kala ahaa:
Muxamad oo ugu waynaa, Axmad (Sheekh Isaxaaq aabihii) oo ku xigay, Xamsa , Yuusuf , Cabdallah, Xaydar, Cabdi Qaadir, Cali iyo Xassan Al-Ma`muun oo iyaguna kusoo xigay inkastoo laga yaabo inay isku xigidooda aanay sidaa wada ahayn.
Hooyooyinka kala dhalay sagaalkan wiil ah ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan:
1) Muxamad, Axmad (Sheekh Isaxaaq aabihii) iyo Xamse waxay ahaayeen isku hooyo waxaana wada dhashay gabadh Ahlu baydka ahayd oo la odhan jiray Caatika Bint Cali Bin Muxamad Bin Cali Bin Muxamad Al-Jawaad عاتكة بنت على بن محمد بن على بن محمد الجواد
2) Yuusuf, Cabdallah, Xaydar iyo Cabdi Qaadir waxaa iyana dhashay hooyo Faarisiyad ah (Iiraaniyad) oo addoon ahayd waxaana taariikh yahanadu ka gaabsadeen magaceeda
3) Cali iyo Xassan Al-Ma`muun waxa dhashay hooyo iyaduna Ahlu Baydka ahayd oo la odhan jiray Um Al-Khayr Bint Cali Bin Zaid Bin Yuusuf Bin Cali Bin Yaxya Bin Zaid Bin Cali (Zain Caabidiin) Bin Xuseen Bin Cali Bin Abi Daalib, Alle ha ka raali ahaado Xuseen iyo Iyo Cali Bin Abii Daalib labada.
Muxamad Bin Xusseen waxa uu ku sugnaa magaalada Madiina isaga iyo ubadkiisuba muddo todoba sano ah ilaa sanadkii 505 ee Hijrada sanadkaas oo uu Alle ha u naxariistee ku geeriyooday magaalada Madiina.
Geerida aabahood waxay ku noqotay arrin aad u culus ubadkii uu ka tagay sababtuna waxa ay ahayd ugaadhsiga lagu hayay iyo maskaxdii kala hagayasay oo meesha ka baxday.
Waxay bilaabeen in ay kala cararaan oo ay Madiina aamini waayaan iyadoo ay geeridii aabahood kasoo wareegtay sanad iyo bilo qudhi. Waxaana Yaman nafta ula baxsaday Axmad oo ah Sheekh Isaxaaq aabihiii iyo Muxamad iyo Xamsa oo ah walaalihiisii ay isku bahda ahaayeen. Waxay Yuusuf iyo walaladiisii yaryaraa ee Cabdalla iyo Xaydar u hayaameen xagga buuraha siraat سرات ee ku yaal dhulka galbeedka Sucuudiga una dhaw magaalada hadda layidhaa Abha أبها . Cali iyo Xassan Al-Ma’muun iyaguna waxay u guureen dhanka Masar iyaga oo degay tuulo yar oo la odhan jiray بنها العسل .
Dhamaan wiilashani waxa mid waliba wuxuu dhidibada u aastay noloshiisa gaarka ahayd dabcan. Waxaanay isticmaali jireen xeelado ay kaga dhuuman jireen cadawgii Shiicada Cabaasiyiinta ee ku dabo joogay iyaga oo sababtaa awgeed abtirsiintoodana ka dhigay sir aan dhexdooda ka gudbin.
Haddaba Sayid Axmad Bin Muxamad Bin Al-Xusayn السيد احمد بن محمد بن الحسين waxa loo dhalay caruur shan ah waxaanay kala ahaayeen: 1) Al-Naasir 2)Al-Daahir 3)Sufyaan 4)Muxamad 5) Isaxaaq (AUN).
1: Taariikhdu waxay xustaa in Al-naasir uu degay tuuraha loo yaqaan Fiitiin ama قاع فيتين halkaana uu ku dhalay ubad kuna abtirsadaan ilaa hadda.
2: Sayid Sufyaan iyo Al-Daahir iyagu waxay degeen magaalada Mukhan oo imika loo yaqaaano Mukhaa’ مخاء halkaasoo ay iyana ku tarmeen.
3: Sayid Yuusuf taariikhdu waxay iftiimisay inaan ubad ka tafiirmin oo uu dhintay isaga oo goblan ah.
4:Hadaba waxa aynu usoo soconay Sheekh Isaxaaq Bin Axmed oo aynu taariikhdiisa wadnaye waxaa sheekha la sheegay inuu degay magaalada Saba’ halkaas oo uu ka guursaday gabadh ka dhalatay, reer la odhan jiray Reer Darcaan ( ال درعان , halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyey lana jeclaaday aqoonta diineed ee uu xambaarsanyahay sheekhu. Dadkii uu dhex tagay ayuu bilaabay inuu baro quraanka iyo cilmiga diiniga ah, gabadhii uu halkaa ku guursadayna Illaahay wuxuu ka siiyay laba wiil oo sheekhu aad ugu farxay waxaana uu u kala bixiyay Darcaan oo uu ugu magacdaray awoowgii hooyo iyo Shariif, iyada oo ilaa maalinkaa maanta ah ay tafiirtii labadaas wiil joogaan ama degaan dhulkaas.
Muddo markii uu sheekhu deganaa Saba’ ayaa waxa dhex maray isaga iyo xididkii uu ka qabay gabadha, muran badan waxaana uu sheekhu go’aansaday inuu ka guuro goobta isla markaana ka kaxaysto ubadkiisa iyo xaaskiisa, balse taas waxa ka diiday reerkii uu la xididka ahaa iyadoo ay xaaskiisina taladii reerkooda ku raacday. Sheekhu ma aqoon qaadashada cadquudheedka iyo baryada toona, ee wuxu ka dhaqaajiyay reer dhan oo buuxa iyo waxii uu xoolo iyo beero iyo agab ba dhaqday waxaanu ka door biday gobonimo inuu ku noolaado oo uu iskaga dhex baxo duulkan aan meeqaamkiisa iyo martabadiisa toona qadarinayn. Sheekhu waxa uu uguuray dhanka gobolka Al-Jawf layidhaa isagoo halkaa ka yagleelay nolol cusub iyo reer cusub. Reer Jawf na si balaadhan ayay usoo dhaweeyeen oo aadbay uga heleen imaatinka Sheekh Isxaaq iyo aqoontii diimeed ee aadka u qotada dheerayd ee uu bulshadooda ku sookordhiyay.
Xididkii Sheekhu kaga yimid Saba’ qaladkoodii ayay dib ka garwaaqsadeen waxaanay ergo badan usoo direen Sheekha si uu usoo noqdo islamarkaana ubadkiisii iyo xaaskiisii markale majaraha u qabto balse Sheekhu wuu ka dhago adaygay isagoo ka doortay inuu madax banaani iyo milge ku noolaado……LA SOCO QAYBTA 4AAD
