|

Ucid, Umada iyo Dalsan Maxaa Hadhista Loogu Saadaliyey? By: Abdirahman farah abdi (baxsane)

hadaan is ku dayo jawaabta suaashan oo ah suaal aad u adag in jawaabteeda si fudud loo helo hadana waxaan ka soo qaadan doona wax yaabaha dadweynuhu carab ka u saaren oo ah wax yaabo is ka muuqda maaha dedaalkooda oo yar mana aha nacayb si gaara loo neceb yahay balse waa taagerada shacabka oo ay badh lumiyen badhna aanay hayn ba markii hore taas oo  keentey sababtan dur ba looga dar daar wari nayo soo baxis tooda balse aynu kala qaadno

             1 UCID
xisbiga ucid waa xisbi in badan soo jirey in badana soo dhacay taas oo dad badan is weydiinayaan waa maxay sababta keenta in aanu ucid markasta uu dhaco waana jawaab is ka fudud oo maaha magaca ucid ee waa hogaamiya xisbiga oo ilaa hada ah gudoomiyaha xisbiga oo maalin ba af ku hadla  dab badan oo taagersan ayaa doorasho kasta naca markuu hadlo oo u arka nin aan noqon karin hogaamiye waxana aad loola yaaba markii marka la dhagaysto hadalkiisa doorashadii 2010ki isagoo boorame jooga xiligii ololaha doorashada maxaxweynaha waxa u yidhi reer booramaw i doorta oo haday daan i dooranayn doorta madaxweyne riyaale is la maalmo ka dib isagoo olalihiisa sii wada waxa u isago burco jooga yidhi i doorta oo hadii aydaan i dooranayn doorta siilaanyo mar kale waxa u yidhi doorashadii waxa ii codeeyey reer kayga inta gobolada kale iiga codaysay na waa intii reerkayga gobolada kaga kaga noolayd waxa kale u u yidhi reer burco wey hunguri weyn yihiin waxaanu haynay na wey naga cuneen codna ka manaan helin iyo wax yaabo aan la soo tirin karin dhinac kasta oo laga eego ucid waxaa reebay reebayana waa faysal cali waraabe oo afkiisa eersaday mar kasta

              2 Umada 

ururka umada oo u hogaamiye ka yahay maxamed cabdi gaboose isaga waxaa lugta haya isla gaboose oo maaha in uu cid kale eersado shalay waxa u laha madaxweyne siilaanyo waa nin wacan maantana waxa waxa u lee yahay waa nin xun taas oo muujinaysa in aanu mawqif lahayn oo u afkuu doono ku hadlayo ta labaad ururku wuxuu ku faanana wax mucaarad ah anaa jira oo mala waxa u mooday in dadweynuhu jecel yihiin mucaaradada balse waxa muuqata in cis kasta oo shacabka mi mida aanay jaclayn is ku qaylin iyo dig dig balse deganaanta iyo af gobaadsigu ku jirto danta dalja ta labaad ee ururka umada dib u dhigtey waxa weeye gaboose oo aan la shuraakayn siyaasiyiin cudud leh isla markaana kuwii ku jirey ka caayen iyagoo qaar badan oo ka mida u digo rogteen ururo kale iyo xibiyo ay dantooda moodeen

              3 Dalsan
ururka dalsan waxa hogaamiye ka ah nin looga bartey siyaasad murugsan oo hanjabaad iyo cago juglayn ku salaysan waxana dad badan xasuusan yihiin xiligii u ahaa wasiirka arimaha debeda oo dalka marar badan khal khal galiyey waxana dad badan u arkaan in aanu ahayn nin masuuliyad sidaa u sii ridan anay ku jirin oo wasiirnimadii u soo maray lagu daawaday film kiisa oo dhan waana urur aan ba is ku hawlin dad urursi iyo olole aad u sii buran oo waxan ba ka dhex muuqan miisan siyaasadeed oo ismaacil yare maahe cid kale oo bulshada magac weyn ku dhex leh inta badan kama dhex muuqato ismaacil xiligii u wasiirka ahaa mooye hada waa nin qunyar socod ah balse xigaa muxu sameeyey.

                                   Xasuus

Dareenka wadaniyada ka horeysii duruuf kasta oo daaran
Ha moodin deel qaaf waxii dalkaaga dulaynaya in aad ka diido
        Abdirahman farah abdi (baxsane)
            baxsane1@hotmail.com

 

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS