|

Muwadin Dimuqraadiyadu Maaha I Dooro iyo Calamo Lalulo

Kampala (OWN) Waxa Muwadiniinta isku xigay laba dareen oo kala fog, waxay mudo ku naaloonayen Damashad, Olole Nabdoon, iyo Isku-soo baxayo ay ku dheehantay Ilbaxnimo, Bisayl iyo Fahanka hananka xisbiyada badan, taaso ku dhisnay Dhe aan ku dhagayste iyo Maqal markayga, Kadib waxay 28-Nov-2012 u dareenen sanduqi si loo kala saaro Musharixinti iyo waliba Xisbiyadi faraha badna.

Muwadinintii markay dhankooda kasoo baxen shaqadoodi, waxa nasiib daro dhacay gabood falyo fara badan, Waxa la maqlayey Dhawaqa Siyasinta Qaar sida fiinta uga qaylinaya siday wax u socodan, Oday dhaqamedyo isku abaabulay si belaysan oo ka cabanaya Sanaduq laguy yareeyey ama shaqele si gaara loga wareejiyey, dhanka kale waxa deeganada Qaar lagu boobay Sanaduuqdi, kuwe kale Rasaas aya ooda lagaga qaaday Shaqalihi  doorashoyinka, hala kuwe kalena lagaba soo celiyey agabki dorashada kadib markii laysku afgaran waayey Mabadi’diiguud ahanba, arimahanoo dhan dhag looma dhigin, lagamana jawabi sababta dhabta e dhalinaya

Mudo waxa socday soo bixida natiijoyinka heer Degmo ama Gobol, waxay midkasta culays sii saaraysay hananka doorashada dalka oo Daal iyo Tacab badan kamuuqday, waxa soo ifbaxday waraqo banan oo kuwi dorashada, Videos mujinaya nooc kamida boobka, sanaduq laga halay codod kabadani kuwi lo asteeyey, Tarikada Gawadhida G/ Dorashoyinka oo Foojariya iyo fadeexado waawayn, dhag looma dhgin ee waxa heeshi aan toos ahayn lagu gaadhay yaa maantun ina dhafiya ama Yaa Harageedi inagaga celiya.

Isku soo wada duubo doorashadan oon ahayn tii u horeysay ee nooceeda, Dawlada dalka oo u hogaminayo Ruug Cada siyasadeed kaso daremi kara xanunka Musuqa iyo Maamul xumada,  kasokoow dagalki dheera ee uu uso galay Dalka, iyo Gudiga oo iyaga laftoodu shahadoyin iyo amaan ku helay shaqooyinkoodi hore aya Muwadin kasta is way diinaya waxa qaldamay,

Si tan loo ga jawaba qolo Mudaharad ayay maciinsatay kaso keenay dhimasho Muwadin ka qaalisan waxa loo ordayo, kuwo kale Samir iyo Dulqad aya Door bideen kadibay markay Ceeb io wax laga xumado ku tilmamen wixi dhacay, halka kuwo kalena Anfariir iyo Yab dhabanada Haystan.

Hadaba; Muwadin Waxa qudhe inaga maqani wa inan badalno Fahanka Shacabka ee Doorasho, doorashadu maaha Olole, Codayn, Damashad iyo Cabasho ka danbaysa, balse doorashadu wa Qaranimo, doorashadu wa Bisayl la gaadho, waa Hanan Umadi ku doorato Xulkeeda Mudo Cayiman, wa hanan u bahan Shurudahan, Goolaya Sharci dajined oo Qaan gaadha, Xisibiyo Xiyasadeed oo Jirintan Mabda le, Xeer ilaalin Gacan adag le, taso Sharciga ka taqan Masuulka, Ciidamo u dharasan dalkooda, Muwadinkana u yaqan Maqsadka Shaqo ee dirayska u wato,

Inta Hanankan oo lagu gaadho Samir, Dadaal iyo Tajribo ha layabin inad maqasho Reer Hebel Xisib hebel ayay kaso baxen, Dawladu waxay Samaysay Musuq, G. Dorashadu waxay sameeyen qalad,  Waayo wali waxan ku jiran Fasalaadi u horeeyey nolosha iyo Mabaa’dida Dimiqraadiyada aan dooranay.

 

Mustafe Baroud Abdi

Faalo Qoro Arimaha Siyasada iyo Maamul Wanaaga.

Kampala

 

 

COMMENTS