|

Abaalkii Xabsiga Galay !! Cumar Seerbiya

Hargeysa (OWN)-“ Oo Imaka miyuu igaga dhabeeyey ?“ , “ Adiga yaa ku yidhi waqtigan oo kale  nagu soo hagaag”? .

 

 Waa tiraab dhex -martay laba nin oo  saaxiib ahaa  oo intay muddo kala maqnaayeen  waqti dheer ka dib kulmay .

 

Magaalada Hargeya ayaa waxa ku noolaa muddo haatan laga joogo 15 sanno  nin magaciisa la odhan jirya  Maxamed ,Maxamed waxa  uu ahaa nin aad  u fir-fircoon , duruufo nololeed oo soo waajahay  aw-geed waxa uu ka baxay magaalada Hargseysa isaga oo  u  jihaystay dhanka dalka Kenya si uu nolol dhaanta tii uu Hargeysa  ku haystay u helo.

 

 Maxamed horedhinacna uma dhaafin magaalada Hargeysa, waxayna noqonaysa safarkiisii ugu horeeyey uu ku baxo .

 

 Maxamed wax sahay  ama jid mar ah ma haysanin, habqan iyo sii jeedid ka dib waxa uu gaadhay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ,Maxamed oo magaalada Nairobi galay waqti galin dame ah isaga oo haba yaraatee magaca mooyaane aan cid iyo meel uu kaga hagaago toona garanahaynin ayaa waxa  markiiba indhaha ku dhuftay  (Arkay) nin isagu dhalasho  ahaan ka soo jeeday   Hargeysa kaasi oo ka dareemay in uu yahay nin socdaal dheer soo galay dhiif iyo marti nimona  ka muuqato  Maxamed korkiisa.

 

Ninkii waa uu u yeedhay Maxamed isaga oo halkaasi  kula sheekaystay una kexeeyey guri uu ka daganaa magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay somalidu ku badantahay ee Islii.

 

Ninkii reer Nairobi ahaa  si fiican ayuu u soo dhaweeyey Maxamed isaga oo uu muddo la daganayaa gurigiisa  halkaasina uu kula noolaa.

 

Maxamed waxa uu kala bartay magaaladii sidoo kale waxa uu wax ka bartay  luuqadaha  ingiriiisiga iyo Sawaaxiliga  , oo ah labada luuqadood ee ay badi dalka Kenya lagaga hadlo,   Maxamed waxa uu helay shaqo  halkaasi oo uu xogaa lacag ah ka urursaday .

 

 Muddo ku dhaw  8 sideed sanno ka dib ayaa waxa uu Maxamed ku soo laabtay halkii uu markii hore ka tagay  oo  ahayd magaalada Hargeysa ,  hadda nolosha Maxamed uu ku haysto Hargeysa  waxay aad uga fiicantahay tii uu kala tagay markii hore ,

 

 Maxamed haatan nolosha waxa badan ayuu ka fahamsanyahay waxa uu soo arkay dad badan oo kala dhaqan iyo arragti ah , waxauu diyaar u yahay in  dalaal u sii galo kor u qaadista heerskiisa nololeed.

 

 Waxa uu ka mid noqday Maxamed  saraakiil   ciidmada  Somaliland  loo tobobarayey  waxa uu muddo aan badnayn ku jiray  tobobarkii , markii uu dhammaaday   tobobarkii Maxamed  oo muujiyey dadaal iyo   karti badan  waxa loo dalacsiiyey ka dib markii uu muddo kooban ku shaqaynaayey  waxii la baray taliye mid ka mid saldhigyada  Magaalada Hargesay .

 

 Maxamed oo aan muddo badan haynin xilkii taliyenimada ayaa waxa maalin si ka dis ah ugu soo baxay ninkii ay magaalada Nairobi ay macaariifta ku ahaayeen, Maxamed waxay ku noqotay layaab  maxaa yeelay meesha ka muu filanahaynin  ninka ay saaxiibka ku ahaayeen majaraha nolosha muddadii ku  noolaa Kenya.

 

Is xog-waraysi ka dib waxa uu  ninku uu Maxamed u sheegay in uu muddo bil ah ku noolaa Magaalada Hargeysa  taasi oo uu haatan damacsanaa in uu si dhuumasho ah uga baxo ka dib markii ay ka dhamaatay sahaydii u sitay   uuna iska qarinayo dad ku yeeshay  gashi , waxaanu intaasi ku daray  in uu doonayo ciddii wax ku leh in u soo diro marka uu tago  dalkii uu ka yimi.

 

Maxamed markii  uu intaasi ka dhagaystay sheekada ninkii ay saaxiibka ahaayeen ayaa inta uu dhaqaaqay  waxa uu si hoose u faray laba askari uu la socday in ay saldhigii uu taliyaha ka ahaa ku xidhaan ,  waxaanu yidhi: ” Ninkii ila hadlaayey  waxaad samaysaan ku xidhi saldhiga”.

 

 Labadii askari waxay qabteen ninkii  waxayna u taxaabeen  saldhigii , ninkii waxa uu filayaa in ay soo dacweeyeen dadkii ku lahaa gashiga  , waxaanu weydiiyey labadii askari  sababta loo xidhay , waxay u sheegeen in uu u xidhanay ninkii uu markii dhaweyd la hadlaayey oo ah saaxiibkii .

 

Waa uu yaabanyahay oo xaataa kumuu ogayn saaxiibkii in uu  yahay askari ama taliye toona, markii loo sheegay in uu saldhigan uu ku xidhanyahy isagu ka taliyo  ayaa waxa uu yidhi tiraabtan “ oo hadda miyuu igaga dhabeeyey waa side tolow ninku xumaa miyaanu  ahayn ninkii I yaqaanay “.

 

Waxa uu ku xidhnaa saldhigii  muddo 17 cisho halkaasina waxa loogu keeni jiray cunto uu taliyaha saldhigu uu meel hotel ah ugu balamiyey oo looga soo qaadi jiray .

 

Maalintii 18  ee xadhigiisa ayaa waxa u yimi Maxamed oo ah taliyihii saldhiga  isla markaana ah ninkii amray in uu muddo 17 cisho ah uu ku dhex nagaado Jeelka, markii uu arkay  ayaa inta uu qaliyey ninkii Maxbuuska ahaa yidhi:   “ Waar waa ku sidee miyaad sidaasi iigu abaal  guday ?”   , Maxamed ayaa inta uu amray in la siidaayo , ayaa waxa uu u sheegay saaxiibkiisa uu xidhay sababta uu ku xidhay  in ay tahay ninkan oo uu u arko in uu agtiisa qaali ka yahay madaama uu nolol dheer oo duruufteeda leh ka soo saaray , iyo isaga o o uu  hadda ku soo hagaagey isaga oo aan wax adduun ah haynin ka dibna uu u sheegay inlagu leeyahay dayn uuna doonayo in uu ka baxsado magaalada Hargeysa , uuna u xidhay si uu adduun ugu uruuriyo , markii uu  ogaaday in aanu sugaynin inta uu lacag  uu u helaayo  xadhigana uu u arkay meel uu ku sugsiin karo waxa uu siin lahaa  waxaanu Maxamed ku yidhi saaxiibkii isaga oo ugu caqli-celinayaana sababta uu ku xidhay “, “ Adiga yaa ku yidhi waqtigan oo kale  nagu soo hagaag”? .

 

Ninkii haddaba waxay  ku noqotay in uu u garaabo Maxamed  uuna is-ilawysiiyo ciilkii   ku dhexhayey  xabsiga ee uu lahaa “ Waar ileen waxaad noqotay ninkii Waraabaha carbistay ee uu isagii cunay”. Ugu dambayntii waxa uu Maxamed Ninkii guddoonsiiyey adduunkii u diyaarinayey intii uu saaxiibkii ku riday xasbiga  taasi uu uu ugu talagalay in uu bal ugu horayn iskaga bixiyo  gashigii lagu lahaa ,

Sheekadan oo uu iiga sheekeeyey nin aanu saaxiibnahay oo markaasi ninkan xidhnaa xasbiga ku booqday ayaa waxaan anna ku darsaday  Abaalkii Xabsiga Galay.

 

Cumar Cali Xasan  (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com

Oodweynenews.com,Hargeysa Office

COMMENTS