BAHAL CAYDHIN MA DAAYO NINA CAADI MA BAAJO (FAALLO)! By: Abdi Shotaly
Waxa la yidhi “Nin an xishoonayn dagaal xeeli kama hayso” aniga poo ana dhiiri gelinayn foodad iyo buuq, iska daba wareeg, muran iyo is qab-qabsi, oo intaba si weyn uga soo hor jeedda, waxan maanta qalinka u qaatay hayeydda ka yeedhay doorashadda deegaanka ee dhamaan saamaysay tuulklo, degmo iyo gobol bogcad kasta oo ku taal Somaliland iyo indho isku qabashadda maamulka Kulmiye ee sidda qayrul-macquulka ah uga dhergay, isaga oo ku dhaw in uu dib u soo matago wixii ku tegay hamuun gorayaddii uu qawlaladda ka dhaamiyey. gobolka Daadmadheedh ( oodweyne) oo ay u suuro geli wayday mooyee intii kalle-ba waad aragtaan, waayo waxa weeye aniga baa ciidan leh.
Waa la filaayey in uu Kulmiye aanu marna cadaaladda ka talinayn, qayllo dheerna waa laga dhigay, waxa-se u qaadan waa ah, tani maaha tuugo iyo wax sacab lagu qariyo ee waa badheedh aan meela loogu soo gaban, geed-na aan foodda loo soo saarin, waa wax ka fog insaannimadda, waxana muuqata maanta in ay tahay waxan doono baan samayn karaa ee yaa juuq ii odhan kara, waxa uu maamuylka Kulmiye ku tallay gallay waa foodad abuur iyo Somaliland Burburis aan ka doodis iyo muran midna aanu ku jirin, oo uu rabbo in uu baalalka u laalaabo qaran-nimadda Somaliland, cadaystay-na in uu ku socdo wixii la sheegaayey ee ahaa wuxu odaygu inagu wadda meel uu niyadda ku hayo oo ah in uu Somaliweyn ka noqdo madax.
Waa arin lagu fadhii-siyey in la isla oogsado oo mar qudha ay samadda isku shareeto, dagaal iyo qas ka yimaado oo si aan gabasho lahayn loogu diyaar gareeyey, qorshe abaabulan oo mudo la dedaayey meel la mariyo la la’aa, haddii aanay sidaas ahayn, sidee bay u dhici kartaa ku shubashadda waalidda ah ee ay sameeyeen askarta weligeed-ba ku caanka ahayd xumaanta ee madaxa looga dhiugay weliba kii la yaqaanay ee boobk ku haysta Beertii Ciidanka asluubta, Iibsaday dhaamkii hargaysa ee uu bile rafle dhisay, Biyihii uu shiinuhu geliyey Geed deeb leh ee ummadda Caasimadda ku nool loogu tallo galay ka ganacsdaday ee laga buuxiyo caagadaha ummadda dib looga iibiyo ee qanda-raaska lagu siiyey labadda shirkadood ee Hargaysa ka soo jeedda, ummadiina ka iyo la’dahay, waa ninkii la odhan jirayRaggii ma adigaa ka hadhay ( Ina gudoomiye ku sheegga Kulmiye) oo ah nin aan caafimaad qabin ee buka, dawona ana lahayn cudurka hayaa, iyo kuwii kulla jiray dagaalka sokeeye ee weli ku xigeenka u ah. waxa meesha ka qab-qable ah kii uu Illaah ha u naxariisto’e M.X.Ibrahim Cigaal u bixiyey Usama Binu-Laadin, oo iska dhigi jiray wadaad, kana mid ahaa baarlamaankii reeraha waa ku ku magacaaban Wasiirka Duulista Hawadda ee la yidhaaho Ina Xaashi ( markuu u bixiyey magaca Usaama lama aqoon), oo ah aabaha qabyaaladda, aqoon uu leeyahayna aanay jirin ee dugsi sare ka baxay iyo koolaj uu inyar ka qaatay Ingiriisi ah, wax ug ahooseeyaana aanay jirin.
Waa kuwii Cabdiraxmaan Axmed Cali, M.X.Ibrahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin intaba doonaayey in ay mar af-duub ku qabsadaan, ee hadh iyo habeen u kalla tirin jiray, oo maanta hellay kii ay raadinaa-yeen oo ah Siilaanyo, isaga oo haatan ah lax dhukani abaar moog, oo askartu sidda ay doonto ka yeesho, waraaq uun laga saxeexo, inagama qarsoona af-caasha iyo akhlaaqdda Raggii Ma adigaa ka hadhay, oo ah Hunguri wad ma Arko.
Waxan Ummadda Reer Somaliland ugu baaqayaa waa aragtaan Reer Kulmiye, waxa ku cadaaday magacii lagu sheegi jiray ee ahaa “Qudhmiye“, in ay u diyaar garoobeen aynu is dillo oo aanay sinaba wax u hambaysan, ee ay seefta gacanta ku haystaan, una soo qalab qaateen burburka Somaliland, meel kalle-na ay u hanqal taagayaan oo ah Somali-weyn laga-la soo baxay jeebka , ilayn sidan may sameeyeene, waxn-se leeyahay yaan lala qasan, oo aan loo hir gelin waxa ay tahay tala-doodu oo ah in dagaal ka dhex qarxo Somaliland beela-heedda oo ay halkaa ku ban-jarto, ee nabadda la ilaayo, laga roonaado, way iman malain aan fogayn oo ay ka hadhsan tahay 2 sano, in ay si toos ah hawadda uga bixi doonaan, waa argataan oo way gawraceen Somalilande, haragga yeynaan ugu sii siibin.
* N.B La hubsay oo goroyo haad noqtay.
Abdi-shotaly,
Oodweynenews.com.
