Barnaamijkii TAARIIKHDA SHEEKH ISAXAAQ: Qaybtii 8 aad
Dhamaantiin waxaan idin leeyey السلام عليكم ورحمة الله وبركاته. Salaan ka bacdi waxaa inoo socday barnaamijkii taxanaha ahaa ee taariikhda Sheekh Isaxaaq bin Axmed Al-Haashimi. الشيخ اسحاق بن أح…مد الهاشمى
Waxaynu maraynay kulankii dhex maray ninkii ganacsadaha ahaa ee Muxamad bin Al-Xassan iyo Sheekh Isaxaaq bin Axmed.
Markii uu sheekada dheer qaybtii hore uu dhameeyey Sheekh Isaxaaq isla markaana uu ka waramay sida ugaadhsiga Ahlu-Baydku kusoo bilaambay, ayuu Muxamad bin Al-Xassan su’aal waydiiyey Sheekh Isaxaaq waxaana uu yidhi Muxamad: “Ilaahay madax furashadaada ha iga dhigee, maxaad la kulanteen Alle ha unaxariistee geeridii awoowgaa ka dib?”
Sheekhu waxa uu yidhi:
Haa, anagu waxaanu ahayn kuwo isku duuban markii uu awoowo noolaa , balse markii uu Alle u kaxaystay dhanka naxariistiisa balaadhan, ubadkiisii iyo kuwu awoowga u ahaa toona kumay sii jirin isku duubnidii uu nagaga tagay awoowo. Geerida awoowo markaa waxay noqotey tawstii ugu horaysay ee na haleeshay iyo qalladii ugu horaysay ee ku dhacday gurigayaga sidaas awgeed bay Aabahay iyo walaaladii u door bideen inay kala kooxoobaan iyadoo intii isku hooyo ahiba ay gees u kacday. Markaa anaga iyo Aabahay waxaanu u baqoolnay xagga bariga Yamaneed, adeerayadona midba dhan buu u jihaystay.
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in markii aabihii geeriyooday ay isaga iyo walaaladii laftoodu sii kala irdhoobeen oo midiba Yaman meel ka galay waxaana uu yidhi ” Anigoo waan iska socdaalay iyadoo wiil yar oo keli ahi ila socdo waxaanan soo degay dhulka Mukhwaan (Mukha) oo dadka Bakiil (qabiil reer Sab’a ah) deganaayeen. Halkaas baan iskaga dhacay oon dadka quraanka u marin jiray. Waxaan kaloo bari jiray arrimaha diintooda waxaanan ku dhex faafin jiray cilmiga Nabi Muxamad SCW ilaa ay si fiican ii barteen oo aan caan ka dhex noqday kana mabsuudeen joogitaankayga. Waxa dhacday markii danbe inuu iiyeedho ninkii talada umadaa u hayay laftiisu oo iisoo bandhigay guurka gabadh aad u qiimo badan oo uu dhalay. Dadku aadbay iigasii heleen iyagoo qadarinaya Nabi Muxamad iyo weliba gabadhooda oo qiimo wayn u lahayd.
Waxa ay ii dhashay laba wiil oo mid aanu bixiyay Darcaan anigoo awoowgii ugu magac daraya midna aan ubixiyay Shariif oo aan ugu magacdaray abtigii. Carabtu dhaqan bay lahayd, hadii ninka ilmo loogu magac daro inuu siiyo waxa uu xoolo hayo ee fardo iyo xoolo dhaqan ahba leh. Shariif waxa uu siiyay inanka uu abtiga u yahay xoolo aad u tiro badan iyo weliba saddex geenyo. Waxa kasoo wareegtay labo sano markaas ayuu geeriyooday Shariif waxaana isna kusii xigay walaalkii Suldaan Xussayn. Kolkii uu Suldaan Xusseen geeriyooday ayuu Amiir Axmad bin Sinaan oo wiil ay u adeer yihiin ahaa nagu bilaabay xaasidnimo iyo nacayb. Saddexdii geenyo ee nala siiyey waxa ay dhaleen saddex geenyo oo kale waxaanu Amiir Axmad afka ka dhigi waayay fardahayagii oo u markasta ku taami jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu usoo galay eedadii (xaaska sheekha) oo uu ku yidhi ” Eedo waxaan rabaa inaad ii ogolaato inaan kaxaysto fardaha uu adeerkeey siiyay wiilkaaga, sababtoo ah wiilkaagu hadda wuu yaryahay anigaana siin doona fardo marka uu waynaado waanad ogtahay fardahan waxa dhashay “Hayfaa” oo ah geenyo uu aabo lahaa mana jecli in taranta Hayfa ay gacanta u gasho cid aan aniga ahayn oo arrinkaas aad buu ii ciilayaa. Edadii ayaa ku tidhi “Walaalkay dhalyoow, horta Ilaahay baan kaaga baryayaa inaanu baahi iyo saboolnimo ku tusin. Hadii aad maanta baahi u qabto fardahan iskadaa fardahee nafahayaga ayaanu kusiin lahayn, laakiin eedo hodan baad ka tahay oo uma baahnid. Ta kale eedo maanta adigaa dhulkan ka taliya, hadii dadku maqlaan waxaas na waa lagaa sheekaynayaa oo ceeb bay kugu noqonaysaa balse Shariif waa inankaagii oo abtaad u tahay ee hadii aad adigu ku dhagto codsigaaga adigaa go’aanka leh.
Arrintu jiq bay ku noqatay Suldaan Axmad, sideed yeesha ayuu is yidhi. Wux is yidhi “Shariifkani (Isaxaaq) waa Ahlu Baydka nabi Muxamad waana sheekh Mufti ah oo ducada Alle ka aqbalayo hadii aanay raganimadaadu kaa kaxayn maanta oo aanad iskaga tagin fardahan maadaama aanay baahi kuu haynina wax kalaa dhici kara. Dadku waxay ku sheekaysan doonaan Shuldaan Axmad bin Sinaan arrintan gardarro iyo habaw baa u geeyey muxuu uboobay shariifka xoolihiisa miyaanu xitaa u naxariisanayn ubadka uu abtiga u yahay”. Cid hor istaagi karaysay may jirin runtii suldaanka, hadalka eedadiina waxa uu ahaa uun waano iyo tusaalayn waa intaas oo uu ka noqdaaba go’aankiisee. Hadalkii intuu dhagaystay oo u diyaargaroobay jawaabteeda ayuu madaxa kor u qaaday waxaanu ku tiraabay:-
“Islaantaadan asaasaqday, ma waxaan kuula muuqdaa nin hadalkaagu uu ka wareerinayo ama la amakaagaya mise waxaad moodaysaa inuu iga horjoogsanayo waxa anigu aan rabo? Hadii aanay ceeb igu ahayn qof dumaruu dilay adigaaban kaa bilaabi lahaa waxaanan ku labayn lahaa saygaaga duco yeelka ah “مستجاب الدعوة” waxaanan ku saddexayn lahaa ubadkaaga balse waan kuu naxariisanayaa ma saynayo waxaanan kuu sheegayaa inaanan hadda laga bilaabo cidna kala tashanayn arrinta fardaha. Fardihii ayuu amar ku bixiyay in xadhkaha laga furo waanu dareersaday dhamaan.
Sheekh Isaxaaq wuxu yidhi” Anigu xiligaa waan maqnaa oo laba reer oo is hayay baan soo kala dhex dhexaadinayay iyadoo arrintu waliba khusaysay Suldaan Axmad abtigii hooyadii la dhashay oo la odhan jiray Nasr bin Ziyaad. Aniguna Suldaanka abtigiibaan ku degay oon la cunayay oo isoo dhaweeyey. Wiilkaygii yaraa ee Shariif markuu arkay abtigii oo fardihii dareerinaya ayuu qayliyay oo uu yidhi “ABTII” kolkaasuu isna, bilaa naxariisbuu ahaaye, shaabuug goga u geliyay wiilkii yaraa. Shariif isagoo qaylinaya ayuu xagga hooyadii u cararay kolkaasuu intuu usoo galay isagoo ooyaya usheegay wixii dhacay isla markaana tusay shaabuugii. Shariif hooyadii intay soo baxday ayay qaylo dhaan ku dhufatay kolkaasay dumarkii xaafadoo dhami isu soo baxeen iyagoo sawaxan isku wada daray oo umadii oodhan isu soo kiciyay.
Xaaskaygii dadkii oodhan bay ku wargelisay sida walaalkeed uu bahdilay ilaa markii danbe arrinku soo gaadhay abtigii oo aan anigu markaa la joogay. Suldaan Axmad abtigii ayaa yidhi ” Aniga wiilkan aan abtiga u ahay wax qadarin ah oo isiiyay haba yaraatee ma jiro imikana wuxu bilaabay inuu tiisa nagu socodsiiyo oo maantaba wakaa edadii ka bilaabay”.
Nasr bin Ziyaad intuu isoo eegay ayuu yidhi ” Sayidii, ninkan anigaa warqad u diraya sababtoo ah xaaskaagu waa inaadeertay Axmad na isaga abtaaban u ahay, markaa waxaan eegi waxa uu kusoo war celiyo. Laba arrin mid uunbaanad iga sugaysaa: inaan kuusoo celiyo fardihii iyo wixii gurigaaga uu ka kaxaystay Axmad iyo inaan kuugu mag dhabo toban laab intii uu kaxaystay .
Sheekh Isaxaaq wuxu yidhi ” Waxaan aan arkay sansaan degaal oo ka muuqda indha Amiirka Nasr bin Ziyaad (Suldaan Axmad abtigii) oo aan horena u ogaa inay ilmaadeer ahaayeen suldaankii dhintay ee Axmad adeerka u ahaa. waxaanan la socday in Nasr bin Ziyaad dhankan aan hadda joogo uu isagu ka taliyo eraygiisana aan eray laga danbaysiin karin oo weliba dhulka labada nin kala joogaan saddex dharaarood oo qudha loo kala socdo. Waxa uu Nasr hadyado iyo fariimo u diri jiray xaaskayga waxaanu ku war galiyay inay u diyaar garawdo geerida Axmad bin Sinaan iyo guusha Nasr Bin Ziyaad hadii Alle yidhaa. Sheekh Isaxaaq markuu sheekadaa halkaa marinayo ayuu gabay tiriyay.
Si aynu u wada aragno gabayga doorkan sheekhu tiriyay fadlan LA SOCO Q 9aad ee isniinta soo socota xiliga magaalada sooyaalka ah ee Maydh inshaa alaah.
Nagala soco: http://www.facebook.com/pages/History-of-Somaliland/210204385674648
Naglasoo xiriir: historyofsomaliland@gmail.com

