|

Barnaamijkii TAXANAHA TAARIIKHDA SHEEKH ISAXAAQ : Qaybtii 7 aad

Dhamaantiin waxaan idin leeyey السلام عليكم ورحمة الله وبركاته. Salaan ka bacdi waxaa inoo socday barnaamijkii taxanaha ahaa ee taariikhda Sheekh Isaxaaq bin Axmed Al-Haashimi. الشيخ اسحاق بن أ…حمد الهاشمى. Waxaynu maraynay gabagabadii kulankii Khuzaaci iyo Xassan Bin Axmed Bin Muxamad oo ay kala qaateen wararkii ku saabsanaa Sheekh Isaxaaq iyo halka uu ku danbeeyey. Waxa hadaba jiray nin kale oo la odhan jiray Muxamad bin Al-Xasan محمد بن الحسن oo ahaa reer Masar waxaanu qoray kitaab la yidhaa Al-Diibaajah الديباجة waxana uu yidhi Alle ha u naxariistee “Waxaan ahaa nin had iyo jeer isha ku haya oo jecel inuu ka war hayo ahlu baydka sharafta leh Ilaahay iyagana raali ha ka ahaado aniga iyo inta iyaga jecelna ha nagu anfaco kalgacaylka aanu uqabnee. Waxay ahayd sanadkii 621 ee Hijrada Nabi Muxamad SCW, waxaan ahaa socoto iyadoo socdaalkaygu ahaa mid ganacsi oon ku iibgayn jirey roodhida, iidaanka roodhida lagu cuno, caanaha iyo xabagta dhirta. Waxaan maqlay markaa inuu jiro nin suufi ah (saahid ah) oo aad u fadli badan ninkaasoo la iisheegay inuu joogo magaalada Maydh iyadoo weliba sheekada la ii raaciyay inuu xirfad u leeyahay alaabooyinkan aan anigu ka ganacsado. Naftaydii baan la faqay oo waxaan is idhi: Maanta laba sad midkood baad soo helaysa ama labada waad soo helaysaa; ganacsi iyo duco. Markii aanu soo foodsaarnay magaalada Maydh ayaa waxaanu kusoo degnay Sheekh Isaxaaq bin Axmed. Markii aan indhaha saaray sheekha ayaan gartay isaguna wuu i gartay kolkaas baan intaan adimadiisa qabsaday oohin ku dhuftay. Sheekhu intuu gacantayda qabtay ayuu saddex jeer i qanjiidhiyay kolkaas baan dareemay inuu ileeyey qari garashada aad i garanayso. Waan is hayn kari waayay haddana oo waxaan idhi, sayidii ma waxaad i leeday qari aqoonta aan kuu leeyey? Sheekha waxa uu iigu jawaabay haa, markalaanan si fiican kaaga farxin doonaa.

Waxaan idhi لا حول ولا قوة الا بالله waa maxay waxan idinku habsaday hadii aad tihiin Ahlu Baydka

Wuxu yidhi sheekhu: Khayr ayay noqon doontaa Ilaahay agtiisa maalinta noolaha oodhan loo garnaqayo

intaas markaanu iswaydaarsanay ayuu sheekhu gaar iila baxay kolkaasu i waydiiyay adeerkii Xamsa iyo ubadkiisii siday ku ahaayeen Masar. Waxaan adeerkaa horta wuu dhintay ee Alle ha u naxariisto muddo laga joogo laba sano ka hor balse ilmaadeeradaa waxaan kaga imi khayr Ilaahay baanan ku dhaartee haday ogaan lahaayeen halka aad joogto maanta way jeclaan lahaayeen inay ku arkaan.

Sheekhu waxa uu yidhi: Bin Xassanow, Ilaaha aan isaga cid aan ahayn lagu dhaaranin baan ku dhaartee, marka aan xasuusto ehaladaydii iyo qaraabadaydii iyo katagitaankii aan kasoo tagay waxaan ku dhawaadaa inaan u millmo sida milixdu ugu milanto biyaha oo kale laakiin Ilaahay ayaan ula dacwoonayaa oohintayda iyo murugodaydaba. Kolkaas buu sheekhu ooyay oo weliba oohintii ku dheeraaday markaas baan anna la ooyay Ilaa uu oohintii kasoo miiraabay oo uu igu yidhi: Muxamadaw, aniga walaahi u qaadan waa iguma aha wax kastoo igu dhacay oo daal iyo dhiif iyo mashaqo aduun ah mar hadii aanan samayn wax Alle iyo rasuulkiisa SCW ka cadhaysiiya, raali baan ku ahay wax kastoo igu dhacay.

Sheekhu hadalka wuu sii watay oo waxa uu yidhi ” Awoowgay Maxamad bin Al-xussayn (Ilaahay ha u danbi dhaafee) ayaa nagasoo raray Ciraaq anaga oo wax uu dhalay iyo wax uu awoow u yahayba dhawr iyo sagaashan qof ah. Markii aanu Madiina soo galnayna way nagu adkaatay noloshii ilaa markii danbena ay nagaga sii dartay noloshii oo uu godgalay awoowgayo Muxamad bin Al-Xussayn. Geerida awoowo ka dib waxaanu iska noqonay sidii geel ooda laga rogay oo kale, sababtoo ah waxaanu kusoo hiran jirnay oo na isu kaaya keeni jireey awoow balse markii uu meeshii ka baxay ayaa qofba meel u cararay.

Markaanu Saamira’ joognay waxaanu iskaga noolayn nolal qurux badan waxaanay dadku noo keeni jireey sakada xoolahooda iyo hadyadahaba. Anagu maanan wax maal ah ka urur san jirin balse waxa naloo keeno waxay noqon jireen wax aanu cunay iyo wax aanu sadaqadaysanay. Waxaa shaqo joogta ah noo ahayd cibaadada Alle waxaanan ku foognayn korodshiga aqoonta diimeed iyo wax kastoo Alle raali ka yahay waananu ka wada sinayn arrintaa dhamaantayo Ahlu Baydka Xassaniyiin iyo Xussayniyiin ba ilaa ay taladii muslimiintu usoo wareegtay ubadkii Al-Muctasim bi Al-laah المعتصم بالله. Waxa jiray wiil uu awoow u ahaa oo la odhan jiray Al-Muctaz ama المعتز oo lahaa basaasiin badan oo ka tirsan Banii Umaya. Reer banii Umaya waxay isku dayayeen in ay kursiga ka tuuraan Cabaasiyiinta marka waxay bilaabeen inay Cabaasiyiinta gacanta u geliyaan dhiiga tafiirta Cali iyagoo ka shidaal qaadanaya hadal uu qoray Cabdilmalik bin Marwaan عبد الملك بن مروان oo uu usoo qoray ninkii markaa u joogay Madiina oo la odhan jiray Xajaaj bin Yuusuf Al-Thaqafi حجاج بن يوسف الثقفي qoraalkaas oo Cabdilmalik ku amray Xajaaj inuu faraha kala baxo dhibka uu ku hayo Ahlu Baydka Calawiyiinta ah waxaanu ku amray inuu sii daayo cid kastoo Ahlu Bayd ah oo Madiina ku xidhan “Maanta laga bilaabo hadaad mar danbe u noqoto hadimadooda waxaad filataaba waa aniga oo gacantayda kugula xisaabtama. Ma waxaad rabtaa in inkaartooda Ilaahay talada naga xayuubiyo oo aanu boqortinimadayada sidaa ku wayno” ayuu qoraalka ku yidhi Cabdilmalik.” Maalintaa ka dib Xajaaj far danbe muu saarin cid kamida Ahlu Baydka waxaana isla maalintaa dil ku xukunaa oo uu rabay inuu madaxyada ka guro 11 ruux oo uu ku jiro Muxamad bin Al-Xanafiyah (Cali bin Abi Daalib wiilkiisii) محمد بن الحنفية dhamaantood na ah tafiirtii Cali bin Abi Daalib balse warqadan ka timi Cabdilmalik ayaa badbaadisay dhiigagaa daahirka ah. Markii muddo lagu jiray nabad galyo iyo badbaado ayaa waxay Banu Umaya dileen Zayd bin Cali bin Xusayn bin Cali bin Abi Daalib زيد بن على بن حسين بن على بن ابى طالب iyo wiilkiisii Yaxya bin Zayd يحيى بن زيد waxaanay sii kordhiyeen dilkii qoyskan oo ay qudha ka jireen qof alle qofkii ka mida qoyska Cali ee ay u helaan jid ay usoo maraan.

Sheekh Isaxaaq isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi ” Markii ay bilaabeen dilkii duriyada Cali ayaa lagu kacay Banu Umaya waxaana kacdoonka bilaabay reer Khuraasaan (Qaybo ka mida Iran, Afgaanistaan iyo Turkumaanistaan). Kacdoonka Khuraasaan waxa hogaaminayay Abu Muslim Al-Khuraasaani ابو مسلم الخراسانى sidaas baana lagu riday dawladii Umawiyiinta. Cabaasiyiintii markay qabsadeen taladii umadda ayay luflufkii ka hadhay reer Bani Umaya bilaabeen inay u basaasaan nimanka cusub ee talada qabsaday si ay uga talaabsadaan jarkii iyagu ay ka dhaceen oo waxay ku direen tafiirtii Cali iyagoo ku soo eedaynaya danbiyo inqilaab iyo dad kicin. Anaga iyo Ilmaadeeradayo Cabaasiyintu waxaanu ahayn walax qudha ilaa ay nasoo kala dhex galeen Umawiyiintu oo ay is jeclaysiiyeen ilmaadeedayo iyagoo u qurxinaya boqortinimada iskagana dhigaya saaxiibo wanaagsan oo la talinaya. Cabaasiyiintu way aamineen nimanka warka u keenaya ilaa ay u daayeen shaqada ay wadaan ee sirdoonka ah oo ay ku haleeyeen. Umayiintu waxay bilaabeen inay ninkasta oo xoolo yar hela oo tafiirta Cali ay kusoo eedayaan inuu ciidamo urursanayo si uu ula dagaalamo Cabaasiyiinta kolkaasaa la dili jiray ninkii isagoon wax danbi ah lahayn. Tafiirtayadii Cali waxa nasoo food soortay dhibaato badan, Banu Umayana waxay arrintu ka ahayd inay jar uga talaabsadaan Cabaasiyiinta oo waxay Umayiintu aaminsanaayeen in inkaarta tafiirta Cali iyo Faadumo ay xukunka ka ridayso ninkastoo ku kibra iyagoo khibradaa kasoo bartay awoowyaashoodii hore iyo warqadii uu qoray Cabdilmalik. Anagana idanka Ilaahay waxa nagu dhacay gumaad baahsan oo nalagu gumaaday gacanta Cabaasiyiinta ilaa ay dhuunteen ama isqariyeen tafiirtii cali dad aad u badan. Waxay diideen inay sheegtaan abtirsiintoodii milgaha lahayd iyagoo u cabsanaya nafahooda iyo qoysaskooda iyo ubadkooda.

Ibnu Xussaynow maalinta qiyaame ayay dad badan ceeboobi doonaan, maalintaas naf waliba waxay iman doontaa iyadoo lafaheeda u garnaqsanaysa oon cidkale dan ka lahayn maalintaa naf walba waxa la siin doonaa abaalkeedii oo buuxa iyadoon cidna la duudsiyayn يوم تأتى كل نفس تجادل عن نفسها وتوفى كل نفس ما عملت وهم لا يظلمون* سورة النحل اية 111.

Cid dhawrtay xuquudayada may jirin dawladii xiligaa jirtayna may raacin dardaarinkii rasuulkuu uu nagu dardaarmay ee uu ka hor jeediyay dadkii faraha badnaa Xajatu Widaac حجة الوداع waxaana uu yidhi “عن زيد بن أرقم – – عن النبي – - أنه قام خطيباً بماء يدعى خماً بين مكة والمدينة، فحمد الله وأثنى عليه ووعظ وذكر، ثم قال :” أما بعد : ألا أيها الناس، إنما أنا بشر يوشك أن يأتي رسول ربي فأجيب، وأنا تارك فيكم ثقلين، أولهما : كتاب الله، فيه الهدى والنور فخذوا بكتاب الله واستمسكوا به، فحث على كتاب الله ورغب فيه، ثم قال : وأهل بيتي، أذكركم الله في أهل بيتي ،أذكركم الله في أهل بيتي “، أذكركم الله في أهل بيتي “، فقال له حصين بن سبرة: ومَنْ أهل بيته يا زيد، أليس نساؤه من أهل بيته؟ قال: نساؤه من أهل بيته، ولكن أهل بيته من حرم الصدقة بعده، قال: ومن هم؟ قال: هم آل علي، وآل عقيل، وآل جعفر، وآل عباس. قال: كل هؤلاء حرم الصدقة ؟ قال: نعم. والحديث رواه الإمام أحمد

Rasuulku SCW waxa uu xadiiskan yidhi “Dadyahaw anigu waxaan ahay bashar waxaana laga yaabaa inuu ii imaado kii Alle iisoo diray aniguna aan raaco waxaanan dhexdiina kaga tagayaa laba culculus, kooda koobaad waa kitaabka Alle, isaguu ku jiraa hanuunka iyo nuurku, markaa qaata kitaabka Alle kuna faro adayg. Rasuulku SCW wuxu markaa aad ugu booriyay dadka kitaabka Alle waanu jeclaysiiyay kolkaasuu haddana yidhi ” iyo Ahlu Baydkayga, Ilaahay ban idinku xasuusinayaa Ahlu baydkayga, Ilaahaybaan idinku xasuusinayaa Ahlu Baydkayga, Ilaahay baan idinku xasuusinayaa Ahlu Baydkayga” Xusayn bin Sabrah ayaa yidhi: oo waa ayo ayu Ahlu Baydkiisu Yaziidow, maanay dumarkiisu ahayn Ahlu Baydkiisa? kolkaasuu yidhi dumarkiisu waa Ahlu Baydkiisa laakiin Ahlu Baydkiisu waxa weeye cidii laga xarimay sadaqada nabiga dhimashadiisa ka dib. Wuxu yidhi waa ayo kuwaasi. Yaziid wuxu yidhi: waa Tafiirta Cali, Tafiirta Caqiil, Tafiirta Jacfar iyo Tafiirta Cabaas. Kolkaas buu haddana sii waydiiyay Xusayn oo uu yidhi kuwaas oo dhan miyaa laga xarimay sadaqda? markaasuu ugu jawaabay haa. Waxa wariyay Axmad.

Sheekhu sheekadii qiiradii badnayd ayuu sii watay oo waxa uu sheegay inay jiraan axaadiis kale oo badan oo Bukhaari ku jirta waxaanu sheegay in umaddani tahay umad khilaaf dishooday oo aan hadiyo jeer iswada raacsanayn. Waxa kale oo uu sheekhu sheegay in umadan Ilaahay uga digay inay kala qaybqaysanto “منيبين اليه واتقوه واقيموا الصلاة ولا تكونوا من المشركين * من الذين فرقو دينهم وكانو شيعا كل حزب بما لديهم فرحون * سورة الروم ايات 31 و 32 Ilahaahay wuxu yidhi aayadahan: ” Noqda kuwa xagga Alle usoo noqda markasta, Alle ka cabsada, ooga salaada hana noqonina qaar ku darsama kuwa Alle wax lawadaajiyay . Kuwii diintooda kala firdhiyay ha noqonina ee isu badalay kooxo yaryar.” Sheekhu aayadahan wuxu ku fasiray in umaddu ay kula tagtay jacaylka iyo nacaybka ehlu baydka isagoo sheegay in kii Ahlu Baydka necbaa uu ku qasbayay kuwii jeclaa inay badalaan hadalkii rasuulka oo ay qaataan wax la malmaluuqay. Dadku waxay ahaayeenbuu yidhi sheekhu qaar iska daba socda boqorradooda iyadoo baqorraduna ay ugaadhsanayeen Ahlu Baydka qofkii ka hadla arrintaas ee hadal xaq ah sheegana waa la dili jiray ama waa la ciqaabi jiray. Dadkii hadalka xaqqa ah ee ay sheegeen laga raacay ee ku ciqaab mutayna waxa ka mid ahaa ayuu yidhi sheekhu: Imaamu Maalik, Imaamu Shaafici iyo Imaamu Axmed bin Xanbal iyo qaar kale oo faro badan.

Muxamad bin Al-Xassan oo ah ninka markan sheekha la fadhiya ee ka dhagaysanaya taariikhdan dhuuxa galaysa iyo cilmigan qiimoha leh ayaa waxa uu yidhi “amakaag iyo yaab baan qaaday markaan intaa ka dhagaystay sheekha waxaanan sii macaansaday sheekadii oo aan aad uga fikiray aqoontiisa qotoda dheer iyo xeel dheerida hadalkiisaa kolkaas baan idhi………….”

Si aynu u ogaano arrintaa uu Muxamad sheekha waydiiyay sheekha si uu sheekada ugusii wado fadlan LA SOCO Q 8aad ee Isniinta danbe insha alaah wakhtiga magaalada Maydh.

nagala soco: http://www.facebook.com/pages/History-of-Somaliland/210204385674648


nagala soo xiriir: historyofsomaliland@gmail.com

COMMENTS