Beesha Madaxweyne Siilanyo Oo 5 Xildhibaan Awoodiisa Kaga Heshay Gobolka Saaxil Qormaddi 2-aad.
Sida la ogyahay waxaa todobaadkan lagu dhawaaqay natiijadii gobolka saaxil iyada oo la sheegay in xisbiga talada dalka hayaa uu degmada saaxil ka helay 9 xildhibaan, arintaasi oo markii ay soo baxday ka yaabisay shacabka reer somaliland guud ahaan gaar ahaana reer saaxil waayo dadka ku dhaqan gobolka saaxil waa la ogyahay inay xukuumada siilaanyo ay u hayso cadaawad aan la garanay ilaa hada meesha ay salka ku hayso arintaasi oo soo ifbaxday markii xukuumada uu hogaamiyo siilanyo ay talada dalka la wareegtay oo siilaanyo uu siiyay reer saaxil cad quudheed oo ah in la siiyo hal wasiir oo aan ahayn wasaaradaha miisaanka culus sida maaliyada iyo arimaha gudaha waxaa taasi u sii dheerayd siilaanyo oo aan siin beesha gobolka saaxil agaaimayaashii ay xaqa ugu lahaayeen inay ka helaan xukuumada uu madaxda ka yahay isaga oo siilaanyo siiyay laba agaasime oo kaliya labadaasi oo loo dhiibay wasaaradaha aan awoodaha lahayn sida wasaarada deegaanka oo aan wax shaqo ah oo la taaban karo aan qaban, waxa kale oo madaxweyne siilaanyo carqalad ku noqday shirkii beesha gobolka saaxil ku qabsanaysan deegaanka Dubur ee ay kaga tashanaysay danaheeda siyaasadeed iyo kan gobolkaba waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay madaxweyne siilaanyo sidii uu u burburin lahaa shirkaasi inkasta oo uu ku guul daraystay shirkaasi isaga ah, waxa kale oo iyada aysan ilaabay shacabka gobolka saaxil sida uu wasiirka wasaarada Duulista oo uu siilaanyo adeer u yahay ula dhaqmay shaqaalihii madaarka Berbera oo uu shaqadii ka eryay wixii reer saaxil ahaa ee uu u arkayay inay yihiin dadka deegaanka iyada oo fashilka iyo qabyaalada ku dheehan ee wasiirka iyo shaqalaha uu adeerka u yahay ee uu ka shaqaalaysiiyay madaarka ay ku kacaan qabyaalad fool xun oo ka baxsan dhaqanka dadka reer somaliland tusaale marka dadka rakaabka ahi ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee berbera waxaa la weydiyaa qolooyinka ay ka soo kala jeedaan kuwa ka soo jeeda beesha madaxweynaha waxaa loo fududeeyaa adeega ay u baahan yihiin iyada oo aan wax baadhis ah lagu samyan halka kuwa loo arko inaysan ahayn beesha madaxweyne siilanyo gaar loo faquuqo iyada oo ay ugu sii daran yihiin kuwa ka soo jeeda gobolka saaxil oo shaqaalaha haysta madaarka iyo wasiirkuba si gaar ah u cadaadiyaan, hadaba akhristow ma laga soo eeg madaxda ugu saraysa madaarka berbera waxa inama yar yar oo uu wasiirka duulsitu adeer u yahay oo isla weyni badani ku jirto , hadaba iyada oo ay jirto cadaawad aan la garanayn meel ay kaga timid beesha gobolka saaxil ayaa waxaa dhacday cadaaladaradii ugu weynayd ee xukuumada siilanyo ku kacdo intii lagu guda jiray doorashadii golayaasha deegaanka iyada oo hore loo ogaa in hal xildhibaan ay hore u lahaayeen beesha uu ka soo jeedo madaxweyne siilanyo ayaa waxaa la soo saaray oo codad xaqdaro ah lagu soo saaray 5 xildhibaan oo madaxweynaha ay isku beel yihiin iyada oo la sheegay in siyaabo kale duwan lagu soo saaray 5 xildhibaan ee ay madaxweynaha isku beesha yihiin halka la sheegay in qaar ka mid ah si sharci daro ah loogu shuban codad si gaar ah loogu diyaariyay sanaaduuq suuqa madaw lala maray iyada oo kuwa kalena lagu soo saaray lacagtii dekeda iyo madaarka berbera oo sifo sharciga maal barsan loogu taageeray xildhibaanadaasi ay madaxweynaha isku beesha yihiin, hadaba akhristow dib u baadhan dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay taageerayaashii xisbiga UCID maalintii codayta ee safafka dhaadheer ku jiray kuwaasi oo ay xukuumadu il gaar ah ay ku eegaysay iyada oo markasta hadii aad joogtay magaalada berbera aad maqlasay dhawaqa rasaasta oo si sharciga maal barsan loogu kala eryayay taageerayaashii xisbiyada ay xukuumadu u malaynaysay inay yihiin kuwa codadka ugu badan ka helaya gobolka saaxil, iyada oo la ogyahay in shacabka gobolka saaxil uusan wax taageero ah u haynin xukuumada uu madaxda ka yahay siilaanyo oo siisay beesha gobola saaxil cad quudheed hadana ugu dartay inay sifo sharciga maal barsan oo ku salaysan deegaamaysi qotodheer iyo dhul balaadhsi————————-
La soco cadadka danbe ee qormooyinkan—————————————–
Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/somaliland
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
