Beesha Toljecle Way Soo Dhawaynaysaa Tirinta Dib Loogu Noqday, By: Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle
Doorashooyinkii deeganka waxay dhaliyeen fadeexaad iyo musuq aan hore uga dhicin dalkeena, waxayna dibada dhigeen rajadii laga qabay in somaliland hesho doorasho xor iyo xalaala, waxaana markiiba soo if baxay ku shubasho aan loo aabo yeelin iyo is daba marin loo kasay.
Hadii aanu nahay beesha Toljecle waxaa loo gaystay duudsi iyo gef lagu maroor saday xaqii beesha lahayd iyo codkii musharax Mowliid Sidci, waxaana la yaab nagu noqotay in Codkii uu helay ee waraaqda lagu siiyey saxeexeedii ee uu la hoyday iyo wixii uu ka arkay najiitadii doorashadu ay noqotay laba aan is lahayn iyo waxa aan la qaadan karin.
Waxaanu soo dhawaynaynaa najiidada la laayey waxaanu ku niyo sanahay in wax laga qaban doono qaladka foosha xumaa ee aan loo baahnayn oo sida ugu cadaalisan loo saxo, waxaanu sidoo kale ku rajo waynahay in la saxo wixii khalada ee dhacay.
Waxaanu la dareen nahay beelaha kale ee tabashada iyo cabashadooda la dhagaytay waxaanu la talo nahay cid kasta oo doonaysa cadaalad sinaan iyo in ku shubashadu tahay xaaran, waxaanu soo jeedinaynaa in aan ceebta maanta dhacday dib uga dhicin dalka.
Waxaanu sidoo kale tacsi u diraynaa dhamaan dadkii ku dhintay gacanta dawalada waxaanu leenahay dawladu waa in ay xaal ka bixisaa hawsha dhacday oo aay maga dhow siisa dadkii la laayey dadkoodii.
Dawladu waa in ay sida ugu dagan uga hortagtaa hawlahan oo aanay xabad u qaadan dadki codkooda la dhacay waxaanu u soo jeedinaynaa cid waloo tabanaysa in ay wadada nabad galyada u maraan oo ayna raacin tubta rabshado u hiilinaya uun cadowgeena.
Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle
Ahmed Ali Khayre
Sweden
