“Berbaraay Kumaan Nicin Haddaan Maayir Cusub Cabdishakuur Kaaga Tagay” Mr Ramaax
Berbara (OWN)- Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Ayaa maanta xilkii badhasaabnimo si rasmiya uugu wareejiyey badhasaabka cusub halkaasina ka soo jeediyey Khudbad taariikhiya, iyadoo Munaasibada Xil wareejintan Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi (Ramaax) uu xilka ku wareejinaayey ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo ka tirsan maamulka gobolkaasi.
Badhaasabka hore Mr Ramaax oo halkaasi kasoo jeediyey Khudbad taariikhi ah ayaa waxaa kamid ahaa Hadalasiisii “Khaalid binu waliid markii xilka laga qaaday ummad badan oo Islaam ah, 120 kun ciidan ah ayuu xukumayay asxaabtii oo dhami way yaabtay, iyadoo ciidankii baxayo oo diyaar yahay ayaa Khaalid xilkii laga tiriyay, halkaana xikmad Rabaani ah baa ku jirta, Nebiguna goobjoog buu u ahaa, bedelka Ramaaxna Berbera waxba u noqon maysaan leeyahay”.
badhsaab Ramaax waxa uu sidoo kale ka waramay Sheeko tariikh hore oo uu sheegay inay is matalaan xilka qaadistiisa waxaana uu yidhi “Dhinac kale waxay ka meteshaa maalintii Cabdillaahi Xaaji-siciid la dilay, markii maxkamadda loo qaadayay intii aan la qabanin, ayaan anigu Geed ku yaala talista ciidanka Burco ayaan aniguu gaadhi magaalada Burco ugu qurux badan wata idhi soo fuul, wuu iga diiday inaan qaado, isagoo ogaa in la dilayo ayaa wuxuu yidhi aabahay salaam iga gaadhsiiya halkaa aan imika fadhiyo markay laygu yimaado in Ilaahay ii naxariisto iigu soo duceeya, markii maxkammadii dhammaatay waa la qaaday, waxaana lagu yidhi maxaad weydiisanaysaa maxkamadda? Wuxuu yidhi Salaadda intaan tukanayo, intaan cadayanayo iyo intaan laba sunne ah tukanayo, intaasaan idin weydiisanayaa intaan layd toogan, qisadaa wxaaan uga jeeda bedelkaygu meel buu ka metelaa”.
Sidoo kale Ramaax waxa uu ka hadlay Badalkiisa waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Bedelkaygu waxa kale oo uu metelaa Nebi Yuusuf, ku dheeraan maayee waxaan leeyahay Ceel dalam ku sii kii dadka u xigay, taana waxaan u dhaafayaa cidkastoo wax fahmaysa.
Berberi waa Berbera, Saaxilna waa Saaxil, taariikhdu way qorantahay, qalinku wuu qalalay, waxaa weeye kuwaan layliga baran ee aan farad-fuulka aqoon ee baradka siyaasadda ku jira, Berbera laba daammood iyo saddex daamood midna noqon mayso. Berbera maamul isku xidhan baanu ahayn, maamulka cusubna waxaan u rajaynayaa inay halkii ka sii wadaan, amaanna kuma lihi waxaannu qabanay .Dadweynaha waxaan leeyahay Berberaay kumaan dayicin haddaan Cabdishakuur (Maayarka cusub) kaaga tegay”.
Oodweynenews.com
Berbara

