|

Dagaal Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Kismaayo(OWN)- Waxaa Dagaal u dhaxmaray   ciidamada Dawlada iyo Al shabaab ayaa waxa la sheegayaa inuu dhacay dagaalkaasi  saaka  xaafad Farjano oo ka tirsan  magaalada kismaayo ee xarunta Juabada hoose.

 

Waxaa weerarka ay soo qaaday AlShabaab ,qasaaraha ka dhashay  dagaalka ayaa inuu hal qof oo ku dhintay  oo sida la sheegay ay shabab halkaasi dhaawac kasoo gaadhay   isla halkaasina  ilaa saddex qof oo rayid ah ayaa iyagana ku dhaawacmay dagaalkaas.

 

Kismaayo ayaa ilaa intii lagala wareegay gacan ku ahaynteeda waxa Alshabab ay ka gaaysanayeen falal iskugu jira dilal ,qaraxyo, iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku soo qaadayanaa  ciidamada Dawlada iyo kuwa Kenya oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo.

 

 Saraakiisha Ciidamadda militeryga Soomaaliya ee ku sugan magaladda Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose ayaa waxa uu ka warbixiyay Dagaal saaka waabarigii ka dhacay magaaladdasi  Cabdilaahi Coloow  ayaa  sheegay in dagaalka ay ku soo qaadeen rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaa oo kayimid dhanka Baadiyaha.

Oodweynenews.com/Muqdisho office

COMMENTS