|

Daraawiishi yey ahayd ? Rashiid Jaamac, (qeybtii 2aad)

 Aw Jaamac Cumar Cuiise oo si  badheedha ah u badalay taariikhda

 

Qeybatan waa qeyb aan si toos ah ugu cadaynayo siday Aw Jaamac iyo ardaydiisu si ula kac ah taariikhdii Daraawiishta u adeegsadeen ujeedo beeleed iyo mid collaad hurin beelaa kale. Qeybtan waxan tusaale u soo qaadanayaa shan qodob :

 

1- Sidu Aw Jaamac u qoray taariikhda dagaaladii Afbakayle iyo Fardhidin oo ugu horeeyay, iyo sida dhabta ah ee ay u dhaceen.

 

2- Ismaaciil Mire oo kaalin aanu shaqo ku lahayn loo sameeyay, nimankii Daraawiisheed u cuslaana ka riixaya muqadinimada oo dhaxal guurinaya.

 

3- Koofil iyo Dagaalkii Dul Madoba , sida loo daday, loogana been sheegay beelo kale na dusha looga saaray, si Dulbahnate ayaa Daraawiish ah loo surto galiyo.

 

4- Manhajikii Jamhuuriyada Soomaaliyeed fasalada suugaanta sida isir-neceybka ardayda loogu abuuri jiray ayadoo la barayo taariikhda been ah oo sarbeebaysan ayadoo loola jeedo beelo gaar ah.

 

5- Sida badheedhka ah ee u Aw Jaamac u aaso taariikhda Daraawiish aan beeshiisa ahayn, arinta Darwiish Xirsi Kooshin iyo Darwiish Xirsi Axmed Amaan iyo gabayga ina Cabdulle Xasan uu Aw Jaamac yidhi wuxu u tiriyay labadaas nin mid.

 

Early next morning our patrols began coming in at intervals with prisoners, and we heard for the first time of Captain M-Neill’s fight at Sanala, and the accounts they gave us turned out subsequently to be very correct. More patrols were sent out during the course of the morning, and several small skirmishes took place with stray parties of the enemy, and we secured about 20 horses. At I p.m. numerous horsemen were seen by our patrols passing along the open plains to the north, on the far side of the ridge, and evidently making for the central opening to our valley, whilst some 4,000 odd spearmen were heading for the western entrance. As The Camel Corps and Mounted Infantry were sent on ahead, whilst we proceeded with all our transport to cross the afore- mentioned nullah, which consisted of a pre- cipitous descent into a river-bed, and an equally precipitous ascent on the far side. Barely half the column was across this when the Mullah, Sultan Nur, and Hadji Sudi, with some 200 horsemen, appeared through the northern opening to the valley, and wheel- ing into two lines came straight for the rear of our column. In Pursuit Of The Mad Mullah By Captain MacNeill 1903.

 

Qoraalkaas waxan ka soo xigsaday buug u qoray sarkaal Ingiriis ah oo dagaalkaas Afbakayle April 1901 abaanduule ka ahaa, waa dagaalkii ugu horeeyay wuxu dhacay wax yar ka dib markii Hayes-Sadler iclaamiyay qabashada shanta nin ee Daraawiish ugu sareeyaysay een hore u soo xusay, sidu dagaalku u dhacay ayuu sheegay MacNeill, geel iyo xoolo laga soo qaaday Dhulbahnate jilibo ka mid ah , qaarna maamulka Ingiriiski hore dhac iyo boobka safrada ku eedayay jilibada qaar sida Jaamac Siad iyo qaar lagu eedayay gacan saar bay la yihiin Daraawiishta. Xoolahaas markii la qaaday ayaa beelii xoolaa laga qaaday u qaylo doonteen Daraawiish, sidu sheegay MacNeil colka isaga iyo colka Sawayn-Cawar waxay kala joogeen laba aag, Suldaan Nuur ayaa biday in ay wiiqi karaan awooda labada ciidan ka ManNeill , sidaas ayay Daraawiish iyo beelii raacdada ahaa u galeen colkii MacNeill, 4000 oo raacda ah iyo ilaa 200 oo Daraawiish ah oo kala hogaaminayeen sedexda hogaammiye iyo ciidankii Ingiriiska ayaa is galay, goobtaasna beelaa raacdada waxa lagaga dilay tiro Ingiriiskii yara buunbuuniyay , ciidamada Daraawiishtana waxa laga dilay ilaa 60 nin sidu MacNeill sheegay oo ciidanka Daraawiishta wuxu beelaa raacdada ah kaga duwanaa qaabka dirayska duubka ay Daraawiishta Sudaan kaga daydeen.

 

Aw Jaamac Cumar Ciise sidaas ku cad buugaas uma dhigayo, wuxu kaliya oo ku soo koobayaa, goobtu dagaalku ka dhacay magaceedii hore oo Afbakayle iyo Haradhiig, ka dibna wuxu ku soo gabagabaynayaa xamaasad lagu laayay “gaaladii” xaqiiqaduna waxa weeye gaalo meesha ma joogine waxa ka dagaalamayay qabaailkii Daraawiish geelasha ka dhaceen 1899 iyo 1900 iyo 1901 secedes sanadood, waana laga guulaystay Darawiishta oo sutidaa loo qabtay inkastoo Darawiishtu 100 jeer ka ciidan badnaayeen Tribal Levy ga ( ciidan beeleedyada). Wuxu ku xidhayaa dagaalkaas  dhimashada oo u buuga af carabiga ee “Thair Min Soomaal” ee la qoray 1964kii isagoo xigsanaya ayuu sheegayaa tirada ka dhimatay Daraawiish

 

Dagaalkan Daraawiish wuxu Ingiriisku xusayaa qabaailda ka qeyb qaatay se reeraa iyo wuu kala soocayaa Daraawiishta Duubka cad waxa  ka mid ahaa reerahaas , Dhulbahnate ilaa 5 jilib oo dhulbahnate oo u badan reeraa raacdada ah iyo Adan Madoobe iyo Majeerteen ah oo ayagu Daraawiishnimo meesha keentay. Abaanduulaa Ciidamada Daraawiishna waxay kala ahaayeen Ina Cabdulle Xasan , Xaaji Suudi iyo Suldaan Nuur , intaas midna aw jaamac ma sheegin oo wuu d’daa. Waxa kale ee ka maqan meesha ee ah in lagu daro Ingriisku 1901 labadaas dagaal ee ugu horeeyay wuxu u ciqaabayay jilibada Dhulbahnate danbiyo hore ay ugu galeen safarada oo ay dhexda ku dhici jireen oo isla reerarhooda ah sida nimanka Jaamac Siyad oo hore dad u boobay waxa xoolaa looga qaadayay ma ahayn Daraawiishnimo ee waxay ahayd ganaax danbayaday hore u galeen. page 73 History of Official Operations volume 1.

 

Hadaba bal aynu eegno dagaalka labaad ee la magic baxay goobtu ka dhacay Fardhidin sidu Aw Jaamac kaasna u dhigay:

 

“Waxaa laga wariyay Darwiish dagaalkaas kujiray, oo la odhan jiray Jaamac Ismaaciil Dhoon-oo Dhulbahnata ah,-wuxuu yidhi gaal aanan magiciisa garnayn asay Daraawiish ubixisay Af-carbeedle,oo colka Ingiriska aad u dagaal galinaayay, ayaa Darwiish la odhanjiray Xaaji Maxamuud Dheri oo geesinimo loo ogaa kadibna dagaalkii Cagaarwayne ku shihiiday ayaa ku dhaartay inuu ku jana tago Gaalkan muslimiinta dhibay ee sheekadisuna soo caan baxaday, Xaajigii intuu Qorigiisii garabka gashaday,Seeftiina gacanta midig ku qabsaday ayuu colkii dhexqaaday asagoon cabsi lagu arkayn ,in kastoo gaalkii Af-carbeedle xabado badaan bastoolad kaga soo riday Xaajiga , hadana dan muusan kagaline intuu gacanta ula tagay ayuu Seeftii kurka kaga jaray. Xaaji Jaamac ismaaciil Dhoon oo sheekadan wariyay wuxuu yidhi labadayda indhood waxaan ka qaaday isgoo Darwiishkaasi madixii gaalka wato oo uu luqunta faraskiisa ka laadlaadiyay. Taariikhda Daraawiishta Iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Aw Jaamac Cumar Ciise 1976.

 

Sawayn Cawar oo daglkaas tilmaamaya wuxu yidhi markaanu soo gaadhnay goobta Fardhidin anakoo ka soo kicininay Weyla Lagu Xidh iyo Yeyle ,ayaanu ku weeraranay Daraawishta goobtaas, ciidanka Daraawiishta ee Majeerteen waxay siteen qoryo kala nooc ah sita Lebel iyo maadhiin laakiin ciidanka Daraawiishta waa kala daadsanaayeen, Majeerteenka aad baa loo laayay iyo qoyska Wadaadka seedigii Qeybdiid waa la dilay iyo laba nin oo kale oo hablihiisa qaba , Haaji Sudina walaalkii iyo inamo u adeer u yahay baa ayaguna ku dhintay goobtaas,geel u suldaan Nuur lahaa iyo lo’ in Cabdulle Xasan lahaana waa lagu qaaday ilaa Hawdkna waanu u riixnay.

 

On getting this news I moved my force from Bohotele via Yaheyl and Weyla Hedd  to Firdiddin, and attacked the Mullah at later place. The Mullah’s Mijjertein rifelmen were in considerable strength with Lebel and Martini-henry rifles. His force were however scattered, and he himself was driven back into Italian territory.The Mijjertein lost heavily, and also the Mullah’s own family. His brother-in-law, Gaibdeed, was killed, as well as two sons-in-law, Haji Sudi’s brother and nephews, &c. Sultan Nur’s camels and the Mullah’s cattle were captured. The pursuit was carried on into the bush in the  Haud” Command Papers volume 69 1902.Page 15.

 

Dagaalkaas Fardhidin Ciidanka Ingiriiska waxa la socoday 300 oo Dhulbahnate ah siday sheegan Swayn Cawar iyo Hayes-Sadler ba.

 

It will be observed that Mahmud Girad, the powerful tribe occupying the northern Dolbahanta, joined the expedition, but would not face the Mullah’s rifles. This is typical of the Situation throughout; the tribes are powerless against the Mullah’s rifles. Consul-General Sadler’s despatch to Lord Salisbury.

 

 

Dagaalkaas Firdhidin Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu ka saaray meesha in ciidanka Ingiriiska ay la socodeen ilaa 300 oo Dhulbahnate ah page 77 , wuxu kale oo been cad ka sheegay dhimashadii Captain Friedrichs (Kabtan Af-Carabi) oo dagaalka xabadii ugu horaysayba la kacday maydkiisna Daraawiish u soo dhawaanba ,  taariikhdaas qoran ayuu Aw Jaamac ogaan intu iskaga indho tiray jeclaaday inu sheekada nin Dhulbahnate ah ka dhigo taariikh si umada soomaaliyeed looga dhaadhiciyo gaalkii la dilaba Dhulbahnate baa dilay oo kurtana ka jaray, waa sheeko aad u Aw Jaamac ula jeclayay beeshiisa (u fiirso Koofil iyo Ismaaciil Mire). Waxa kale ee u Aw Jaamac halkaas ka reebay in Ciidanka Daraawiish sidu Swayne sheegay iyo Ingriiskuba u badnaayeen beesha Majeerteen ,taas Aw Jaamac lafteeda kuma darin taariikhda waana reerka ay u badantay inay xabadadoodu dishay Kaptain Af Carabi ayagu lahaayeen laakiin Aw Jaamac Daaroodka kale laftooda lama jecla libtaas. Waxa kale oo u Aw Jaamac ka saaray meeshaas ka sokow hogaanka Daraawiishta ee dagaalkaas gaar ahaan labada Isaaq sida Suudi iyo Suldaan Nuur, sida war bixinta Swayn ku taal in Daraawiishtii waaweynayd ee la yaqaanay laga dilay 6 nin , 3dex ay ina Cabdulle Xasan Xidid ahaayeen iyo Xaaji Suudi walaalkii iyo inamadiisii.

 

Waxan arkay niman ku dooda Gaalo-Faruuro ayay ahayd ciidankaas Dhulbahnate ee la socoday Captain Af Carbi, hasayeeshee wax cadayn ah oo caqli gal ah nimankaas kama maqal , halkay arintan Gaalo-Faruuro ka keeneena may sheegin. Se waxa la hubaa oo qoran inu Sawayn yidhi Dhulbahnatii markay xabadii ugu horaysay dhacday ayaya xaska galeen, markii aanu jabinay ciidankii Daraawiishna way ka soo baxeen ayagoo xoolii laga yaacay boobaya maydkiina baadhanaya.

 

Ismaaciil Mire maxuu ka ahaa Daraawiish

 

During this period, the Sayyid does not seem to have joined the war of words. Other men, like the Khusuusi (council of advisers) member Afqarshe and Ismaaiil Mire, both of whom were poets of note, acted, so to speak, as ministers of propaganda. Space and thematic coherence do not permit a detailed description of how the Sayyid throughout the early days of the struggle employed other men to conduct the war of propaganda. SOMALIA: A Nation’s Literary Death Tops Its Political Demise By Said S. Samatar

 

Midhkaas sare ee Said Samtar 1900kii dagaalkii Jigjiga yidhi Ismaaciil iyo Afqarshe ayaa noolaa kama fiirsan , Ismaaciil Mire 1900-1904 dagalaadii midna kama qeyb galin isaga laftiisa afkiisa lagama hayo xataa , goobta kaliya ee Ingriis iyo Ismaaciil isku arkeenba waa boobkii geelii tolkii ee dagaalkii Dul Madoobe.

 

Had iyo jeer markay Daraawiishta ka hadlayaan dhowrka nin een soo magacaabay markay xoogaa ka sheekeeyaan Maxamed Cabdulle Xasan , waxa u caado ah inay ku ladhaan Ismaaciil Mire ayagoo ka dhigaya inu Daraawiish ka ahaa ninka labaad ee soo raaca ina Cabdulle Xasan. Aw Jaamac , Siciid  Samatar, Axmed Idaajaa, Cabdisalaam Ciise-Salwe iyo Abdi Sheekh Cabdi iyo odaygii gabayada duubi jiray ee Daahir Afqarshe (dhi. 1996), had iyo jeer Ismaaciil Mire iyo Koofil iyo dagaalkii Dul Madoobe ama Ruga, intaas ayuu Ismaaciil Mire ka sheegaan ka dibna ilaa 7 gabay oo u ka tiriyay dhac iyo duulaan qabaail somaliyeed ayaa lagu siiyaa darjada mujaahid.

 

Waxa lagama maarmaan ah inay ka jawaabaan nimankaas Ismaaciil Mire buunbuuniyaa goorma ayuu Ismaaciil Mire Daraawiish ku soo biiray? , dagaalkee aan ahayn Dul Madoobe 1913 ayu ka qeyb qaatay? Ismaaciil Mire waxa hubaal ah inaanu ahayn Daraawiishtii hore ee dagaaladii 1899-1904 ka qeyb qaadatay, Ismaaciil Mire Daraawiish wuxu ku soo biiray wakhti ku beegan 1910kii, wakhtigaas isaga ah Daraawiishi waxay ahayd 11 jir dagaal waxa ugu danbeeyay 1904, kii ku xigay kaasna wuxu ahaa sanadkuu dayuuradaa 1920 waxa dagaal la odhan karaa oo dhacay oon ku saabsanayn dhac iyo boob mudadadaas 15 sanadood ah 1904-1919 waxa weeye Dul-Madoobe ka dib markii la weeraray Shimbir Berris 1914kuu , wixii u dhaxeeyay waxay wada ahaayeen guluf iyo geel qaad, Ismaaciil Mire wuxu ahaa raacii danbe , oo maantaba inamadiisii ayaa nool laba ka mid ah. Midna 1988kii ayuu boolis Burco ka ahaa oo lagu dilay dagaaladii. Arinta labaad , darjada Ismaaciil Mire haday ahayd siday sheegayaan oo u ahaa nin caan ah oo abaanduule Daraawiish ah maxaa loo heli waayay meel u isticmaarkii arintaas ku sheegayo,ilay Daraawiishtii kale ba Ingiriisku waa wada sheegaye , oo bil kaste iyo sanad kaste waxa la qori jiray “intelligence report” oo macanihiisu yahay “ Warbixin Sireed” oo dhaqdhaqaaqyada Daraawiish Ingiriis kaga war bixin jiray saraakiisha u fadhida jiidaa hore, Buhoodle, Buurdhaab iyo Burco sida General Lord Ismay. Ingiriisku ma ka suurtoobi kartaa nin darjadaas ciidan Daraawiishta ku lahaa ( waa siday sheegaan dhowrkan jaalee) inaanu haba yaraatee u war haynba. Ismaaciil Mire maxuu kaga duwanyay ragan la wada xusay:

 

1- Mahdi Cabdulle Xasan , abaanduulaa Darawiishta Koonfur (wuxu dhintay 1920 furuqii dilaacay sandakaas awgii)

2- Ibraahim Xasan “Buqul” abaanduulaa Daraawiishta Waqooyi (waxa lagu dilay dagaalkii u danbeeyay ee Taleex 1920gii inu ahaa abaanduulaa Darawiish Waqooyi na waxay ku taal Douglas Jardin The Mad Mullah Of Somaliland)

 

Qodobka sedexaad, Ismaaciil Mire dowrkiisa gabay ee Daraawiish u ka tiriyay tolow shaqadiisa iyo kaalintiisa ma laga dhugan karaa? Waxa jira gabay u Ismaaciil Mire kaga cabanayo Abshir Dhoore oo u diiday hashii gabayaaga oo geel booli ah oo malaa la soo dhacay Ismaaciil yidhi hashii dheeraadka ahayd ee gabayaaga halay siiyo:

 

 

 

Wax caqli gal ah ma aha Isamaaciilkay lahaayeen wuxu ahaaba Abaanduulaa ciidamada Daraawiish ee Waqooyi oo dhan ayaa Abshir Dhoore need xoola Ismaaciil Mire ka baryayaa, waxa halkaas laga dhugan karaa inu Abshir Dhoore ka darajo sareeyay Ismaaciil Mire, haduu Abshir Dhoore ba ka sareeyay Ismaaciil ma noqon karo Darwiish weyn oo kaalin culus haystay, waxa taas sii cadaynaysa 1919kii ayaa Caarshe Dheere duulaankii dayuuradaa ka hor waraaqo u diray Boqor Cusmaan , isagoo u sheegaya in nimanka Daraawiish ugu weynaa hadii la soo qabto in lacag dhan 10,000-5,000 oo ruubaydood midkiiba laga bixin doono ragaas ka sokow Ina Cabdulle Xasan iyo Xaaji Suudi waxa ka mid ahaa Ibraahim Buqul iyo Abshir Dhoore, Ismaaciil Mire kama muuqan waraaqahaas.

 

Aw Jaamac , Idaajaa iyo Siciid Sheekh Samatar waxay malawaaleen sheekada ah Ismaaciil Mire ayaa hogaamiye ka ahaa geel qaadkii sababy dagaalkii dhicista geelaas ee ka dhacay  Dul Madoobe ayagoo adeegsanaya weedha “abaanduulaa ciidamada daraawiish ee Ismaaciil Mire“, arintaas waxba kama jiraan oo tiro sedex boog waxay cadaynayaan inu abanaduulu ahaa Aw Yuusuf Bare, Ismaaciil Mire gabay ayuu meesha hal geel ah kaga qaatay, ciidanka geela boobayna waa la socoday. Dhacdadaas Dul-Madoobe waxay udub dhexaad u tahay taariikhda Ismaaciil Mire ee 1974kii la habeeyay , Ismaaciil Mire sidu sheegay Xaaji Maxamuud Daallin ayay u dhawday runtu inay kaalintiisa Daraawiish ahayd , wuxu Xaaji Daallin oo Daraawiish soo gaadhay oo dhowr goobood isku hirdiyeen inu Ismaaciil Mire ahaa fardo yaqaan wadaadka fardaa u xanaanayn jiray.

 

Hadaba Dul Madoobe maxay ahayd? , Koofil wuxu ahaa weynu ka dharagsanay oo wuxu ahaa askari Ingiriis ah oo loo xil saaray inu dhaca iyo boobka beelaa ka hor tago isaga iyo ciidankiisu, waxa ciidanka Camel Corps ka la sameeyay 1912kii markii dhicii iyo boobkii reeru bateen ee dalkaba ka qarxeen dagaalo b’an oo mudo laba sandood ah galaaftay reero dhan waa sanadii Xaaraamo Cune (1910-1912) ciidankaas Koofil , dhowr jeer waxy is hirdiyeen reeraha Habar Yoonis, Habar Jeclo iyo Ciidagale oo weeraro iyo boob joogto ah isku hayay mudo laba sanadood ah marna ku duuli jiray reeraa kale. Koofil hashish  labaad waxay ahayd inu dhiiri galiyo u si dadban uga difaaco Daraawiish reeraa Dhulbahnate. Byatt oo wakhtigaas ciidanka Koofil la sameeyay ahaa maamulaa Ingiriiska wuxu ka waramay ujeedada loogu talo galay ciidankan 150 ka askari ah ee camel corps , ka sokow in reeraa geela kala qaadaya ama kala aarsanaya la dhex galo in dhanka Dhulbahnate na lagu dhiiro galiyo inay iska difaacaan Daraawiish oo dhulkoodii ka wada qixisay.

 

“Byatt suggested its increase to 150, and that number was sanctioned. It was organised during the winter of 1912, and Mr. Corfield was brought from Nigeria in order to take command. It was most successful in its action in the western portion. It settled disputes; it did excellent work in the Hargeisa district and among the Sulagudab; it restored order in the West; it induced the tribes who had looted the Abyssinians to restore the stock; and Mr. Byatt asked for leave for the Camel Corps to move to Burao in the direction of Ber in order to inspire the Dolbahanta to take the initiative or to fight the Dervishes if they were attacked. It did a great deal to stop the spread of anarchy in Burao, and the excellent results that were obtained in Burao are borne testimony to on page 26 of the Blue-book. HL Deb 30 April 1914 vol 15 cc1144-801144

 

Reerkaas Dhulbahnate Daraawish waxay ku soo qaadeen dagaalo is daba joog ah oo kii ugu horeeyay dhacay 1908, sandakaas waa sanadkii Caamir Cagoole Dhulbahnate oo Nugaal laga qixiyay ugu baaqay haday Daraawiish ku soo biiraan in dhulkooda loo ogalaan doono xoolana la siin doono, waxa ku xigtay 1910, 1911 hadana waa la soo weeraray oo waxa Daraawiish dishay ciidankii Dhulbahnate ee Ingiriisku hubka siiyay abaanduulihiisii Faarax Dacay, 1912 Daraawiishi waxay qabsadeen Buhoodle waa marku Cali Dhuux Adan Goroyo dalkaba ka haleelayo.

 

Mar u maamulka Ingiriiski kala tashanayay qabaailka nabadayn ayaga iyo Daraawiish u socotay 1909kii ayaa waxa dalka yimi Sir Wingate Pasha oo ahaa The Governer Of Sudan, wuxu u imanayaa baadhitaan iyo diraasad xalaada , wuxu bishii May 1909kii kula shirayaa qabaailka oo dhan tiro ilaa 70-100 Caaqil oo isugu jira Habar Yoonis , Habar Jeclo , Dhulbahnate iyo Ciise Muuse.Dolbahanta: Interview with Musa Sherri of Dolbahnata Ba Arasama, Who Acts As A Dragoman. May 1909.

 

Cuqaasha Dhulbahnate oo ay ku jiraan Cali Geri waxa maalintaas shirkooda tarjumaan ka ahaa Muuse Shire (eriga dragoman waa tarjumaan) oo Ba-Ararsame ahaa, wuxu sheegayaa Sir Wingate in Dhulbahnate aad u amaanyeen Captain Dansey (Oolitical Officer Of the Ain Vally Force)  oo ahaa maamulaa dhulka Dhulbahnate ee Cayn (Ain Vally waa Caynaba) , aadna uga cabanayeen Risaldar Xaaji Muuse Faarax , waxay cuqaashi Dhulbahnate ingiriiska ka codsadeen dhowr qodob:

 

1- Ina laga qabto ninka Xaaji Muuse Faarax  oo aad u dhibay Dhulbahante markay u qaxeen dhulka Isaaq.

 

2- In dawladu barigii hore shaki ka qabtay beeshooda laakiin ay maanta yihiin niman u hogaansan maamulka kana codsanayaan maamulku inu hub siiyo si ay iskaga caabiyaan Daraawiishta dhaca iyo boobka ku haysa.

 

3- In aan Ingiriisku haba yaraate nabad ka ogalaan Ina Cabdulle Xasan oo ay ka tahay khiyaam oo u dhaca iyo boobka sii wadi doono, waxay ku dareen “anakaa naqaan ninkan oo waa nagu soo dhex koray , nabadu waxay ka tahay meel ku gaadh”.

 

4- In Sarkaal Ingiriis ah Buhoodle la keeno si ay arimaha ka khuseeya Ingiriiska kala xaajoon lahaayeen , iyo Qaadi u gaar ah ayaga si ay uga maarmaan Qaadiga Burco.

 

5- Inu maamulku dhexdhexaadiyo ayaga iyo beelaa Habar Jeclo , Habar Yoonis oo heshiisiiyo.

 

Sanadkaas sanadkii ku xigay ayuu maamulka Ingiriiski ku dhawaaqay inaanay jirin baahi ay u joogaan dhulkaas dhaafsan xeebaa. Waxaanu Ingiriisku ogalaadau sidii cuqaashu codsadeen beelaa in la hubeeyo ama loo ogalaado in hub ay Daraawiishta iskaga caabiyaan laga iibsadaan. Siciid Samatar wuxu ku qoray in beelaa Isaaq-uun la hubeeyay ama wuxu ugu yeedhay isago “the freindlies” isagoo is leh erigaas ku sumad Isaaqa. Beelaa jiidaas oo dhan waa la hubeeyay, weliba Daaroodka waxa hubka ugu badan helay Majeerteen iyo Dhulbahnate oo waxa ragaas la hubeeyay abaanduule u noqday Cumar Dhoore (Majeerten)iyo Faarax Dacay iyo dhowr nin oo kale oo wada Dhulbahnate ah.

 

Mr Philip Glazebrook

 

While affairs are getting worse and worse among our friendly tribes, the other problem, that of the Mullah, advanced one more step, by a raid on the Dolbahanta tribe in February, 1912, as a result of which a large number of the Dolbahanta became destitute refugees. We must remember that the Dolbahanta tribe is one of the friendly tribes who have taken our side in previous conflicts with the Mullah. I admit that the Camel Corps was not formed for the purpose of protecting them against the Mullah, but it was formed very shortly after, that date, and was ready by December, 1912. House Of Commons. 24 February 1914

 

Mar baarlamaanka laga waydiiyay Earl Of Crew 1910kii wuxu maamulka Ingiriiska ee xeebta wax uga qaban waayay 800 oo Dhulbahnate ah oo Daraawiishi dishay , wuxuna ku jawaabay Dhulbahnate hub badan ayay heleen markaas ayagaa weerara Daraawiishta.

 

That is not so. There has been a good deal of desultory fighting between the Mullah and the Dolbahanta for some time past. What really happened is that the Dolbahanta are now so well armed that they thought themselves strong enough to go and attack the Mullah. The Earl Of Crew HL Deb 06 April 1910 vol 5 cc556-98556

 

Eriga “freindlies” beel kaste oo dagaal kula jirin waa loogu yeedhi jiray sida doodaas baarlamaanka Ingiriis laga yidhi 1912kii oo eriga “freindlies” loo adeegsaday Dhulbahnataa. Waxa ogaan looga been sheegayo ma adka in laga sal gaadho runta , oo waxani maaha wax Somali ka been sheegi karto waa taariikh inaga iyo Isticmaarkii ina dhex martay oo qoraaladooda ka buuxda , had iyo jeer se dhowrkaas nin arimo aan la leexin Karin ayay is yidhaahdaan reer hebel ku leexiya. Proff. Issa-Salwe ayaa waraaqdiisa Daraawiish State/Daraawiish Resistance wuxu yidhi isagoo ka hadlaya Geelaas la qaaday ee sababy dagaalkii Dul Madoobe wuxu ahaa Geel Habar Yoonis.

 

In August 1913 a Daraawiish force led by Aw-Yuusuf Sheikh Cabdulle, the brother of Sayid Maxamed Cabdulle, raided a Habar Yoonis settlement near Bura-o and looted a vast herd of camels. A contingent of the Camel Corps chased the Daraawiish raiders. After hot pursuit the Camel Corps and the Daraawiish confronted in Dulmadooba, near Oodweyne in the east of British Somaliland. Fierce fighting resulted in which the British commander, Colonel Corfield, was killed. The victory of the Daraawiish enhanced the prestige of Sayid Maxamed and following that event he composed the famous and brilliant poem “The Death of Richard Corfield.”[64]. For the full text of the this poem see B. W. Andrezejewski and I. M. Lewis, Somali Poetry: an Introduction, op. cit.

 

Sumada 64 ayuu arintaas yidhi way ku caday ee hoose ka eega ,markaan waraaqdii qeybtaa footnotes ka eegay waxa ku taal cadaynta arintaas (in geel ay lahaayeen Habar Yoonis) ka eega gabayga ina Cabdulle Xasan ee “adaa koofilow jiito” waa khiyaano cilmi oo jaamacada dhan lagaaga burin karo.

 

Geel qaadkaas sababy dagaalkaas Dul Madoobe sidee buu u dhigay arintan Aw Jaamac Cumar Ciise?

 

 

 

 

 

“Degmo Tiil Burco iyo agagaarkeeda” waa weedh sarbeeb ah oo u Aw Jaamac si maldahan u leeyay xoolahaas la dhacay iyo dadkaas xoolahaas lahaa ee “ gaalo raaca ahaa” waa siday hadaladooda u dhigaane waxay ahaayeen beelaa Isaaq oo Koofil la socoday. Wuxu ku darayaa in Koofil madaxiisii iyo gacantiisii midig Taleex la keenay? Waaka marku hadlayo yidhaahda Ismaaciil Mire ayaa keenaye waa maxay sababtu qoraal ahaan uga leexanayo? Mise arintaasi horta ma jirtaaba?

 

La soco qeybta 3xaad sidii naxaliga Aw Jaamac loogu dhigi jiray fasalada Suugaanta  .

 

Rashiid Jaamac

Gusuf78@hotmail.com

 

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS