Dhalliilaha Natiijada Doorashadii Degaanka Ee Komishanku Soo Saareen Oo Isasoo Taraya iyo Maxkamadda Gobolka Oo Go’aamisey In Codka Sanaaddiiqda Dib Loo Tiriyo.
Ceerigaabo(OWN)- Tan iyo intii ka danbaysey galabnimdii shalayto oo lagu dhawaaqay natiijo ku meelgaadh ah oo komishanka doorashooyinku ka soo saareen tartankii golayaasha degaanka degmada Ceerigaabo iyo sidii loogu kala guulaystey ayaa waxa isasoo tarayey kacdoonnada bulshadu arrintaas ka samaynayeen iyo saluugga caddaaladeed ee murashaxiintii tartanku ka dhexeeyey iyo taageerayaashooduba ka muujinayaan natiijadan.
Waxa xusid mudan natuiijada xilligii lagu dhawaaqay oo ahayd goor gaaban oo gabbal-dhac ah ayaa waxa si deg deg ah gudaha magaalada Ceerigaabo uga bilawday kacdoon dadweynaha Ceerigaabo ku tageen Xarunta Komishanka, halkaasoo Rasaas ay isu adeegsadeen dadweynahaas iyo ciidanka ammaanku.
Waxa kaloo subaxnimadii saaka iyaguna Badhasaabka gobolka Sanaag kula kulmay xarunta maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo xubno tiro badan oo murashaxiintii ururro dhawr ah oo ka cabanaya natiijada doorashadan oo ay sheegeen in aanay caddaalad ku salaysnayn. Kuwaas oo kulanka badhasaabka kaddib maxkamadda gobolka u gudbiyey dacwado goonni-goonni ah oo ay kaga dalbanayaan in dib loogu tiriyo codka sanaadduuqdaas gudaha ugu jira.
Taasoo duhurnimadii sida ku cad qoraal kazoo baxay maxkamadda gobolka Sanaag go’aan ku gaadhey codka gudaha ugu jira sanaaddiiqdaas in dib loo tiriyo si dhinacyada cabanaya loo qanciyo.
Waxa kaloo murashaxiintan iyo mas’uuliyiinta urur-siyaasadeedyada qaarkood saxaafadda ugu soo bandhigeen suuqa Ceerigaabo qaar ka mid ah buwaagtii waraaqaha dadweynuhu ku codaynayeen oo iyagoo aan wax calaamad ah lahayn dusha lagu sito taasoo sida ay sheegeenna sanaadduuqdii buwaagtani ku jirtey cod aan jirin oo la sheegay in uu gudohooda ku jiro lagu kala tirsaday komishanka oo ururrada siyaasaddana loo kala qoray. Taasoo ay markhaanti uga dhigayaan natiijadani in ay tahay mid aan caddaalad ku salaysnayn.
Halkaasoo murashaxiintii iyo mas’uuliyiintii goobtaas ku sugnayd qaarkood farriimo cad cad u gudbiyeen saxaafadda uguna baaqeen hay’adaha sharciga iyo komishanku in ay wax ka qabtaan natiijadaas xaaraanta ah.
Waxa sidoo kale iyaguna jira shakhsiyaad gacanta ku haya buwaagta xaashiyaha codayntu ka dhammaadaan qaybtooda danbe oo ay tahay marka sanduuqa la xidhayo in gudaha loogu rido si loo ogaado tirada xaashiyaha iyo buwaagta goobtaas lagu isticmaalay.
Waxa iyaduna aan meeshaka maqnayn musuqmaasuqa ururrada siyaasadeed qaarkood dhexdooda ka dhacay gaar aaan ururka umadda oo qaar ka mid ah murashaxiintiisa codkoodii tiro ahaan loo qoray qaar kale oo aan iyagu codkaas xaq u lahayn taasi darteedna la tibaaxayo qaar aan xaq u lahayni codadkaas in ay kusoo bexeen.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office



