Dhaxalkii Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland ee 2012
Doorashadii golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland sannadkan 2012 waxay ahayd tii 4aad ee ay u dareeraan shacabku, doorasho kastaana waxay iska lahayd waayeheeda iyo wacyigeeda ku xeernaa, markii aan aad u fiirsaday tan hadda dhacdayna waxaa iiga soo baxay 4tan qodob oo aan filaayo in dadka sida furan wax u eegaana ila dareensanyihiin, murti soomaaliyeed baa odhan jirtey “Alifkii kaa xumaadaa Albaqruu ku dhibaa” oo macneheedu ahaa haddii bilaw arrinka wax kaa qaldamaan gadaal baad dhibtiisa heshaa. Waxaynnu kasoo bilaabaynaa xulistii xildhibaanadii aynu tartanka ku galnay, ololihii doorashada, codayntii iyo natiijooyinkii kasoo baxay, intaas oo dhacdo oo mid kastaaba khaladaadkeeda iyo tuura-tuureheeda lahayd una baahnayd in xusuus looga reebo shacabka si cashar qoran ay ugu noqoto mustaqbalka, waxaan ku soo koobi doonaa afartan qodob oo mid kasta aan hoosta ka xariiqi doono wixii ugu weynaa ee inooga soo baxay:
-
Xildhibaan qarash garoobay: musharaxa kasta oo ku guuleystay doorashadu wuxuu soo maray 28 maalmood oo olole qadhaadh ah, oo qarash iyo baahi badan oo wadnuhu cadaaday dhamaan tartamayaasha, iyada oo ay intaasi u dheereyd qarashka muraaqibiinta iyo codbixiyayaasha oo iyaga qaarkood laga iibsaday codkooda.
Doorashadu waxay inoo dhashay tartamayaal qarashgaroobay oo bilaa lacag ah meesha ay u ordayeenna ay bilaa mushahar tahay. dadkii soo doortayna abaal celin ka sugayaan.
-
Balwad iyo dhaqan xumo: Mudaddii uu socday ololaha doorashadu dadka ugu badan ee lasoo saaraayay ama wareegayay dariiqyada magaalooyinka waxay ahaayeen dhallinyaro isugu jirta hablo iyo willal oo qaar kood mudadaaba ka irdhoobeen goobihii wax barashada, guryohoodii iyo qoysaskoodiiba. Dhallinyaradaas oo sedkooda ugu wanaagsani ahaa Qaad/Jaad, qaylo iyo qaanacnimo(xayraan).
Dhallintaas intooda badan oo balwado horleh u bilaabay oloaha doorashooyinka taasoo ay sababta ugu weyn lahaayeen tartamayaasha oo u sahlaayay helitaanka balwadahaas. Somaliland waxay ka dhaxashay doorashada tirobadan oo dhallinyaro ah oo balwado kaladuwan bartay, kana saaqidday waxbarashadii.
-
Dhaqaale Burbur: Dhaqaalaha ku baxay doorashada Somaliland oo lagu qiyaasay in ka badan 6 milyan oo Dolaar oo ay kala bixiyeen dowladda Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha ka caawiya Somaliland doorashooyinka ayaa marka laga tago dhaqaalahaa la xusay hadana waxaa jira dhaqaale intaas ka badan oo aan cidna u xisaabsanayn oo ka baxay musharixiinta u ordaysay doorashada iyo ururada/axsaabta, dhaqaalaha ugu badan wuxuu ku baxay Qaad iyo Shiidaal(Baasiin) oo labaduba ah wax wadanka dibadiisa inooga yimaadda, sida qaadka oo inooga yimaadda Ethiopia iyo Shiidaalka oo inta badan inooga yimaadda Imaaraadka Carabta, taas oo ka dhigaysa labadaas wadan cidda faa’iidada ugu badan ku qabta doorashada Somaliland. Waxaa intaa dheer dhaqaale badan oo si aan toos ahayn ugu baaqday ololaha iyo doorashada iyo rabshadihii ka danbeeyeyba.
Waxay Somaliland ka faa’iiday dhaqaale xumo/burbur muuqda iyo shacabka iyo dawladda oo laga yaabo inaanay kaba xisaabtamin sida dhaqaaluhu u baxay iyo meesha uu maray toona.
-
Qabiil kala irdhoobay:Sida aynu ka baranay doorashooyinkii ugu danbeeyey oo ka qabsoomay Somaliland sida tii wakiiladda, madaxtooyadda iyo tan hadda ee golayaasha deegaankaba waxaa soo xula ama soo sharaxa tartamaha odayaasha qabiilka uu kasoo jeedo iyagoo is reebreebka kasoo bilaabaaya gudaha qabiilka ayaa waxay soo qadimaan musharax. sida inta badan dhacdana qabiilku kuma heshiiyo tartame keliya, taas oo keenta in qabiilku u kala jajabo labo ama saddex musharax oo dabadeedna ku tartama reerka dhexdiisa. taas oo inta bandanna dhalisa xifiltan iyo tartan xanafaysan oo dhex mara reero awalhore arrin, aduun iyo ood wadaag lahaa oo ku kala irdhooba musharixiin tartantay. Inta bandanna waxay sabab u noqotaa in laguba kala baxo danihii iyo arrimihii ay soo wadaagayeen reerahaasi muddo qarniyo ah.
Doorashadu waxay u dhitaysay (dhaxalsiisay) qabaail ka Somaliland inay ku kala fogaadaan tartan maalmo kooban soconaaya, dabadeedna ay dib uga qoomamoodaan marka la iska illaabo tartankaas iyagoo u baahda in dib loo dhayo boogihii dillaacay xilligii tartanka.
TALO: aduunyada horumartay ee gaadhay koboca dhaqan dhaqaale waxay halkaas ku gaadheen wixii soo maray wixii ka qaldamay ayay saxeen waxna way ka barteen, innaga (Somaliland) waxaynu u baahanahay inaynu suntanno qaladaadkeena isuna diyaarinno daawayntiisa, sidaa daraadeen waxaan halkan ku soo jeedinayaa dhawr qodob oo talo ah:
-
In shacab iyo dawladba dib looga tashado sixitaanka qaladaadka ay lahaayeen doorashooyinkeenu iyadoo laga fekeraayo sidii loogu heli lahaa xal cilmi ku dhisan tirade doorashooyinka oo aan innaba ahayn wax danta dalkeena ku salaysan.
-
In xal loo helo qaabka xulashada xildhibaanada oo laga bilaabo golayaasha hadda la doortey, laga fekero sidii doorashooyinkeena hab deegaaneed loogu bedeli lahaa oo hab qabiileedka looga guuri lahaa.
-
In wax laga bedelo fikradda dadkeenu ka qabaan doorashada, iyadoo loo samaynaayo aqoonayn iyo wacyigelin cilmiyaysan, (hanuunin) kuna salaysan baahiyaha inoo gaar ka ah.
-
In Somaliland dib uga tashato dhaqaalaha sida qiimo darrada ah ugaga baxa debedda ee inta badana kaga baxa wax aan habayaraatee faa’iido u lahayn.
Abdirahman Osman Gaas
Email: gaas96@gmail.com Tel: 4009009
