Dhibatada iyo dhimashada dhacday waxaa ka masuula dadka munaafiqiinta, waxma garadka, iyo danaystayaasha abuuray Xeerka asxaabta ee ogalaaday in dalka lagu abuuro ururo qabiil iyo shakhsiyo iska leeyihiin.
Marka hore waxaan u hanbalyaynayaa, dadka Somaliland ee codkooda dhiibtay, Komishanka Somaliland oo intii awooda ah isku dayay in doorashadu u dhacdo si xor ah oo xalaal, iyo xukuumada Somaliland ee nabada galyada dalka sugtay si doorasho u dhacdo.
Waxaan mudo u olalaynay in ururada siyasada la furo. Waxaanu ka digaynay in siyaasada (dimuqradiyada) iyo qabyalada la kala ilaaliyo. Waayo qabyalada iyo siyaasadu waa isku cadaw, nabada dalka ka jirtana way ku burburin doonto haddii aan la kala ilaalin. Waxaa in badan ka dignay in xeerka lagu maamulayo ururada/xisbiyada (Xeer-14) in la dhamaystiro, si ayna xusbiyada soo baxa u noqon kuwa ay hogaaminayaan KAABO QABIILO.
Dimuqradiyada lixdameeyada dalka ka dhacday, waxay u fashilantay markii ay qabiilkastaba ama (Jilibkasta) uu furtay urur siyasadeed. Hadaba waxaa Dimuqradiyada dhicisawday laga bartay in xusbiyada qaranka lagu koobo 3 xusbi oo kaliya.
Saddexdii xusbi ee dalka ka jiray tobankii sano ee ugu danbeeyay waxaa ahaayeen xusbiyo u xidhan shakhsiyada, iyo beelo . Marka waxaan ka filaynay in xeerka asxabta siyaasada (Xeer-14) inuu wax ka qabto qaladaadka ka dhex jiray xusbiyada qaranka, si dalka looga badbaadiyo khal khal iyo isku dhac siyaasadeed. Lakiin dadka hogaaminayay dalku waxa ka doorbideen nabada iyo isku duubnida dadka in ay dantooda ka horaysiiyan oo abuuran xusbiyo ay iyagu leeyihiin, oo tageeran beelaha ay ka soo jeedan. Ururada siyasadeed ee doonayay in ay badan xusbiyada jira, way iska indha tireen qaladaadka ka jiray xusbiyada, waxa ay u arkayeen haddii ay saxan qaladadaadka ka jiray xusbiyada in ay caqabada ku noqon doonto haddii ururkoodu u gudbo xusbi.
Xeer-14 waa xeerka ogalaaday in qabiil iyo shakhsiyad yeeshan ururada/xusbiyada siyaasada. Waxaa kale oo nasiib daro ah in Gudida Diiwaan galinta Ururada in ay ka gaabiyeen in ay u olaleeyan si ay u helaan sharciga u hawl yareeya shaqadan loo dhiibay ee ah in dalku helo ururo/xusbiyo dimuqradiyadi ka dhex jirto oo qabiil ku salaysnayn. Gudida Diiwangalinta Ururadu, waxa kale ooy ka gabiyeen awooda Xeer-14ku siiyay, oo ah in ay sameeyan Rules & Regulations ay ku xakameeyan ururada/xusbiyada si ay u noqdan kuwa dadka Somaliland wada leeyihiin.
Hadaba, iminka way kooban tahay waxa Gudida Diiwangalinta Ururada Siyaasada qaban karan. Wayo urur/xusbi waxaad xukumi kartaa marka la yagleelayo. Haddii si kale u dhigo, marka qofku seeska gurigiisa dhisayo, ayaad ka adagtahay ood wax u sheegi kartaa. Lakiin haddii uu guriga dhisto, albaabka ayuu kaa xidhanya cid wax ka qadi kartaana ma jirto. Sida kuwii hore u shaqaynayeen ayayna u shaqayn doonan xusbiyada soo baxana.
Madaxwaynaha, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Gudida Diiwan galinta Ururada waxaa mudaba dhawr jeer u qornay in nabada, iyo dalku ay khal khal ku keenayso haddii aan la dhamaystirn Xeer-14. Marka shakhsi ama qabiil yeesho urur/xusbi, waxaa noqonaysa in ay hantidooda iyo codkooda isku geeyan si uu ururka/xusbigu u soo baxo. Marka waxaa ay noqonaysaa Geel ay leeyihiin oo kale. Waanay ku dagalamaan haddii ay ku qanci wayan sida wax loo wado, ama qaladaad ku yimado doorashada. Doorasho Somaliland ka dhacaysa, oo waliba diiwan galin la’aan lagu galayo in qaladaad dhici waayaan ha ka yaabin. Hadaba, waxaan ku talinay, si dhibta looga hortago in dadka wada yeesho ururada/xusbiyada, oo qabyalada lagu salayn ururada/xusbiyada.
Hadaba, si dadka Somaliland u wada yeeshan dalka, waxaan u soo jeedinay in saddexdan qodab la isla meel dhigo:
1) In gudoomiyaha Urur/Xisibi uu yahay ku meel-gadh, marka uu ururka/xusbigu la siiyo shahaada Xusbi Qaran in bilo gudahood (ugu badnaan saddex billod) la doorto gudoomiyaha xusbiga ee heer Qaran, Gobal iyo Degmo.
2) In Gudoomiyaha xusbiga Qaranku uu noqdo maamulaha (Managerka) xisbiga lakiin aanu isagu noqon musharaxa xusbiga. Haddii uu doono in musharaxa Madaxwayne/Madaxwayne-ku-xigeen noqdo waa in uu iska casilo shaqada uu xusbiga u hayo sanad ka hor.
3) Xusbiyada qaran waxaa iska leh dadka tageersan (ama u-codeeyay). Sida daradeed, waa in uu jirto GUDI-WAYNE xusbiga u diiwan gashan oo matala dadka tageersan (ama u-codeeyay).
In musharaxkasta oo golaha deganku u sharaxani haysto 10 qof oo isaga tageersan. Ururkasta/xusbikasta waa inuu u gudbiyo gudida diiwangalinta ururada musharaxa golaha daganka iyo 10 qof ee tageersan. Hadaba, marka golaha dhexe/fulinta ee xusbigu soo xulo musharaxiinta u qalma jagada. Waa in GUDI-WAYNAHA xusbigu u diiwan gashani ay soo xushaan musharaxa (musharaxiinta) xusbigooda ee doorashooyinka qaranka uga qayb galaya. Tusaale ahaan, GUDI-WAYNAHA xusbiga ee heer qaran waa in ay soo xushaan musharax xusbiga ee Madaxwaynaha/Madaxwayne ku-xigeenka. GUDI-WAYNAH heer gobalna soo xushaan musharaxiinta xusbiga uga qayb galaya Golaha Wakiilada/Guurtida.
Hadaba, haddii uu ururka/xusbi ku hadho doorashada golaha deganka, musharaxiinta doorashada golaha daganka-ku-guulaysta iyo xubnaha u diiwan gashanba waxaa ay ku biiri karaan ururada/xusbiyada u gudba xusbiyo qaran.
Mar haddii ay Xusbiyada qaranka ay leeyihiin dadka Somaliland, waa in cidii Somaliland iska soo sharaxi karan xusbiyada dhexdooda. Dadka Somaliland uma diyaara aha is qab qabsi joogta ah iyo shaqsi sheegta xusbi qaran. Somalidu waxaa ay tidhaa “Ninka waxa jooga garani, waxa soo socdana ma garto”.
Hadaba, markii la laalay diiwan galinta waxaan u sheegnay Komishanka in ayna doorashadan ay dalka khal khal ku keenayso, haddii diiwan la’aan lagu galo doorashada, loona baahan yahay in ay qiimaha doorashada hoos loo dhigo. Waxaanu u jeednay in saddexda qodab ee kor ku qoran in la hirgaliyo. Waayo qofna uma dagalameen urur/xusbi soo baxi waaya, marka uu ogyahay in xusbiga soo baxa dadku wada leeyahay oo qofkii ururkiisu/xusbigiisu dhaco uu kuu doono ku biiri karo, iskana soo sharaxi karaan.
Dhibatada iyo dimashada dhacday maanta, waxay dadka Somaliland ee calamka ictiraafka ka doonayana u soo jiiday sumcad xumid. Hadaba, dhibatada iyo dimashada dhacday maanta, waxaa ka masuula dadka munaafiqiinta, waxma garadka, iyo danaystayaasha ee Xeerka asxaabta dalka ka hirgaliyay. waxaa kale xilkooda ka gabiyay dadka isku-sheegaya wax garad ee qaladadka arkayay, lakiin qaladaadka ku dawanayay ama tageeraya urur/xubiyada. Dadkeenu waxa ay wax fahmaan marka ay iyaga waxa doonayayeen waayan ama dhib dhaco ama dhiig daato. Waana nasiibdaro!!. Inaga oo wado-cad oo wanaga, horumarka, dimuqradiyada isku duubnaan inoo horseedaysa, ayaynu wado qardo jeexa oo inagu hogaamisa is qab qabsi, khal khal, dhimasho iyo nabad galyo xumo ka door bidnaa.
Omar Yousuf
Oakland, Californaia
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
