DIR SOOC qaybtii 1 ( IBRAAHIM GADHLE)!
Caloolyaw, way iyo aduun waayo camal-kiisa, ragga gabaygga ciil baa baree cidi ma kuu sheegtay? abwaaniinta waxa lagu kalla gartaa inta ay muwaadinima-diisu le-eg tahay, kollba sidda uu uga sii damqado waxa yaabaha ku soo aadan, iyo ifa-faalaha laga sii werwer qabo, buu sidda gallawgga ama-se fiinta roobka soo onkodaya ka sii artata-baysata uu sii naawilaa abwaanka aan dhoola tuska ku shaqayni, waxana ay ka soo riddaa, ka sii nax uu uga baqo dad-kiisa iyo dalka-kiisaba, in ay wax yeello ka soo gaadho, wuxuna meello badan ka eegaa cidhibta ay ku lahaan doonto noloshoodda, taas u ku salaysan jacaylka u haya ummadiisa, iyowaxa ku soo beegmi doonaa tallaw ma noqon karaan laba isumeesaaman, mise way uga sii dari, isga oo arimahan iyo kuwo badan oo kalle kuu soo abn dhigi doona abwaan Ibraahim Gadhle Ilaah naxariis-tiisa jano ha ka waraabiyo’e si wacan ugu fiirso akhristaw murtidda aan ku hor keeni doono.

Ayaamahan waad la socotaan in la isu ab-tirsaday ( waa dhanka doorashadda’e), waxa la isku haystaana ay tahay anaka baa leh Maayarka magaallo heblaayo, iyo maahee anakaa leh, tixdan oo ah mid aad u dheer oo aan mar la sii wadda dayn karin, oo aan qaybo u qaybin doona, waayo, mar la wadda dhamayn kari maayo ee waa lagu xiiqayaa, waxa la yidhaahaa dir sooc, waxa tiriyey ilaah janada haka waraabiyo’e abwaankii weynaa ee Ibraahim Gadhle, sababta ku dhalisay in uu curiyo waxa ay tahay sida laga soo sheegay, markii uu arkay af-lahaarkii dalqa-weyne in uu beryihii ugu dambayey ka sii baxayo meesha oo ay u dhamaatay, meel uu ka soo noqdaana aanay jirin, baa waxa wel-wel galay Ibraahim Gadhle ah taloow sidee bay noqon, tan is wada nacday, marka la soo koobi micanaha ku jiraa uu yahay “ taloow miyey ka sii dari mise kuwo dhaama baa ilaah u kicin doonaa“, miyey is cuni? ma waayo’arag bay noqon? ma af-lahaarkii bay dib ugu yeedhan oo inta ka hadhay baa iil-koodda loo dareeri? may ka faa’iidaysan oo dad may noqon?, talloow ka u iman doonaa ma ahaan mid u dhaama kii meesha ka cararay? Mid ka sii xun muu ahaan? sheekh iyo wabiin, ururiye, kalla erye kee bay ku dambayn? iyada oo cayn-kaas ah xaajadu, baa Ibraahim uu tixdan curiyey hoos ku qoran,sababta aanu u soo qaatay-na waxa ay tahay, bal in aan is xasuusino maalmahii adkaa ee hore in aynaan weli ku waayo’arag ee aynu iska nahay lax dhukani abaar moog, iyo dabayshaa dhacaysaa kolba halka ay inala tagto, oo sidda maqashii aynu daybal-raacayno wakhtiba ka-ka dambeeya, ama aynu iska cadceedsanayno siddii geelii casarka cqoraxdda ka daba jeesan jiray, yaan kaa waalin, ee afarata qaybood ee tixdan u diyaar garaw haddii aynu wax ku qaadanayno iyo haddii kalleba, waana tan ee iga qabo qaybtii koowaad:-
Maan-sooy nin kugu duul, nina maalin kugu dood,
Nina dhuuni kugu doon, nina derejo kaa dhigay,
Nina nabarka kugu damaq, nina dakharka kugu dhayey,
Nina doogta kugu kici,nina ololka kugu dami,
Nina nabbadada kugu didi, nina belada kugu dadab,
Nina dookha caashaqa, kaa dhigay daf loo tumo,
Oo ka doorkan joogiyo, dura gaba-yaddii jiray,
Intuu heesta kuu daro, jacayl kugu dalaan-dali,
Marna daraya-muuskiyo, dhaclahii dunta ahaa,
Aduu kuu dirays yahay, dumar kugu buraan-bure,
Boodhari dharaartuu, ku dar-daarmay ee yidhi,
Ma duugoo-bin weliyoo, waa dhaxal dad-weynaha,
Diiwaanka ugu yiil, waana laga-ga daydaa.
Anna kuma dayacayee, dunidaan ku barayaa,
Waxan doodan ugu shubi, dhegihii dadaaloo,
Waxa laguugu daabici, dugsiyada tacliintoo,
Meelaha dal-xiiskaa, laga daawan doonaa,
Adigu-na ma duud-sidid, maskaxddii ku dihatiyo,
Dibnihii ku tiriyaa, magaciyo dad-weyniyo,
Waxaan duunyo goyn karin, adaa dooday ii dhalay,
Maantay duciyo khayr-kaba,ninka kugu dareer-shiyo,
Dabka ruuxa lagu shiday, ninba dawgu kula rabay,
Dareen-kiisa kugu mari, maansooy dul-qaad badan,
Maanta kii ku daadshaa, berita-na ku doon-doon,
Afartaa daruur-shoo, dejiyoo dhameeyee,
Taariikh da’weynoo, degma-deennu lee-dahay,
Aan idiin dul-xaadh-shee, lixdankii dad-yawggii,
Mar-kaad dawlad-nimaddii, diiqada u bixi-seen,
Deg-deg-siinyo mooyee, doqoniimo ma ahayn,
Manay-daan danbaa-bine, shanta kala dal-raacdaad,
Dermo qudha u gogo-sheen, isku duubni-deeniyo,
Daacad baad hor-seedeen, geeluba haduu dido,
Duq baa loo hogaanshaa, sida loogu dayduu,
Geesi-na u diriraa, uu gacanta daashaa.
Si aan u soo yarayno waxan isu raaciyey laba-laba bayd, oo aan hakad u dhaxay-siiyey, waxa aan imka halkan ku qoray 34* 2= 68 bayd , haddii aan sidaas la odhana , waxay noqonay-saa intaas oo la is hoos dhigo oo kaa qaadata dhawr xaasha-dood, markaas sidaas baan ku soo gaabiyey, oo aan ku wadaynaa ee la soco, wxana laga yaabaa in uu ka yaraado siddii aan hore kuugu sheegay, marka qaybtan loo qoro, weli fari kama qodna ee samir weyn lahaw akhris-toow, haddii ay jiraan erayo ay xarfuhu khaldan yihiin waa il-duuf ee raali ka ahaw, oo adigi saxo haddii aad kayd garaysa-nayso.
La soco qaybta 2aad,
* N.B Geeluba hadduu dido, duq baa loo hogaanshaa!
abdi-shotaly,