|

Doorashadani Ma U Egtahay Food-qasaarihii 1967 Ee Laga Dhaxlay Afgenbigii Millateriga Mase La Odhan karaa Waxayba Ku Habboonayd Sanduuqii caddaa iyo Sanduuqii Madoobaa oo Keliya.

Ceerigaabo(OWN) Waxaynu in badan waayeellada xilligaas soo joogey iyo taariikhaha qoran ka maqalnay in 1967-kii doorashadii ka dhacday waddanka Somalia loo bixiyey magaceeda Food-qasaare . taariikhduna ma duugowdo wax kastaana waxay maankaaga kusoo dhacaan marka aad la kulanto ama ay kusoo maraan  sawir ahaa wax u eg ama ku xasuusin kara.

Haddaba waxa mudan isweydiinteeda sababta isla markiiba doorashada xilligaasi magacaas (Food-qasaare) saamiga ugu yeelatay iyo natiijadii markii danbe ay dhaxalsiisay bulshada iyo xukuumaddii waqtigaas ka dhisnayd Somalia ee rayidka ahaydba.

 

cid kastaaaba jawaabtu way u fududdahay waayo waxay in badan meesha ka saartay hoosna u riddey hankii iyo kalsoonidii bulshadu xilligaas ku qabeen xukuumaddooda rayidka ah waxana meesha soo galay saluug caddaaladeed iyo wax is daba-marin weyn oo laga tirsaday xukuumaddii iyo ciddii waqtigaas doorashada maammulaysey.

Taasi beddelkeedana waxa dareenka bulshadu ka sinnaatay niyad-jab iyo jeclaysi cid maruun beddesha hoggaanka waqtigaas hayey hannaanka talada dalkooda waana sababta keentay oo fududaysay in uu dhaco inqilaabkii 21st October 1969 millaterigu kula wareegeen taladii dalka (Somalia).

Waxa iyaduna innasoo martay xilliyadii dawladdii Siyaad Barre in waqtiyada qaarkood dalka laga qabtay doorasho loo gelayo laba sanduuq oo keliya (Sanduuqii caddaa oo lagu ridayey warqadaha HAA ah iyo Sanduuqii Madoobaa oo lagu ridayey warqadaha MAYA ah) oo la kala dooranayo Dawladdan ma rabtaa mise ma rabtid.

Sanaadduuqdaas waxa dhici jirtey qofka codkiisa ku ridda MAYA iyadoo kolleyba marka danbe laga daadinayo in haddana dabagal fara badan iyo xadhig iyo cagajuglayn lagula kici jirey taasi darteedna xataa qofku isagoo diiddan wuxu ku qasbanaa in uu codkiisa ku rido sanduuqa HAA. Arrintan labada sanduuq waxan leeyahay doorashadii 28th November 2012 dalkeenna ka dhacday  ma ku habboonayd in la kala doorto laba sanduuq oo keliya (Kulmiye ma rabtaa) HAA iyo MAYA.

Sikastaba ha ahaatee doorashadani marka dhinacyo badan oo caddaalad-darradu ugu weyn tahay laga eego ma u getahay Tii 1967 (Food-qasaare) mase laga yaabaa waxyaabihii laga dhaxlay oo ay ugu weynayd in aan doorasho danbe oo rayad ahi dalka ka dhicin aynu ka dhaxalno. Mase ku habboonayd kol haddii Kulmiye meel kastaba codkeedii shubtay oo noqday Xisbiga Qaran ee maanta hoggaaminaya Somaliland ahna xisbiga talada haya in markii horeba bulshada la kala doorransiiyo labada sanduuq ee HAA iyo MAYA oo keliya.

 

Oodweyenews.com/Ceerigaabo Office.

 

COMMENTS