|

Doorashadii Golayaasha Deegaanka: Qiimihii Qabyaalada oo cirka isku shareeray iyo hoos u dhac ku yimi wadaniyadii!! By: Samakaab Cumar

Mahado dhami haw sugnaato allaha weyne ee ina abuuray inagana dhigay dad muslina oo ab ku ab ku abtirsada diinta islaamka. Rabiga weyn ee doorashadii golayaasha deegaanka inoogu dhameeyey si nabada. Mahadinta eebe kabacdi, doorashadu waaayheeday wadatay waynuse is diidsiin inaynu waayaheeda dul istaagno, waayo maaha mid aynu ka gayooneyno hadaynu inaba isku dayno inaynu fara fareeno. Balse aan hoos ugu daadego oo u guuro godkaan geediga ku ahay. Dadka wada dega dhulka barakeesan ee Somaliland ka hor doorashadii golayaasha deegaanka ee bishii hore qabsontay, waxay u muuqdeen dad inta badan ka fog iskana ilaaliya cudurka dilaagaa ee ‘Qabyaalada’ loogu yeedho. Hase ahaateee waxa waxbadani iska bedeleen shuruucdii ka taalay isticmaalka qabyaalada,iyadoo dadka intiisa badani ay ku talax tageen isticmaalka qabyaalada, kuna bedeleen booski wadaniyada iyo isjacaylka ee astaanta u ahaa reer Somaliland.


Run ahaantii waxa marag madoonto ah in tartankii ururada siyaasada ee dalka ka socday uu bulshadii reer somaliland kala dhex dhigay is nacayb,is xulafaysi,is qabyaaladaysi iyo kala tafaraaruq aad marmarka qaar is odhanaysid malaa dadkan aad arkayso ama maqlaysaa maaha dadkii lagu tilmaami jiray jacaylka walaaaltinimo iyo wadaniyada aan xadka lahayn. hadaba arintan masiibada ku noqon karta umadda reer somaliland waxa loo baahanyahay in ka hor tag iyo dabaqabatayn balaadhan lagu sameeeyo, hadiise ay halkaa imika ay marayso sii dhaafto oo heerka qabyaalada iyo sixir bararku cirka isku sii shareero waxa laga yaabaa ilahay inama gaadhsiye inaynu gaadhno heer aynu kasoo waaqsan kari weyno. 



Waxa dhamaan suuqyada Somaliland oo dhan laga dareemaayay mudooyinkii dambe gaar ahaan meelaha mujtamacu ku kulanto iyo weliba yaanan ka reebine warbaahinta madaxa banaan haday website ahaan lahady iyo haday TV ama idaacad ahaan lahaydba in qiimihii qabyaaladu cirka isku shareeray isla markaana hoos u dhac balaadhani ku yimi wadaniyadii iyo dad jacaylkii ay umadda reer Somaliland caanka ku ahayd, kuna soo caano maashay mudadii ay jirtay.

waxan talo iyo tusaale kusoo jeedin lahaa in arintaaa loo istaago oo sidi bulshada cudurkaaa ka dhex dilaacay looga talaali lahaa falawgeeda la qabto intii uu gaadhi lahaa heer dawo loo waayo ilahay kama dhigee. waxaanan ku baraarujinayaa dhamaan umadda reer Somaliland inay dalkoodaa yar ee hodankaa ilaashadaan, walaaltinimadooda iyo jacaylka ka dhexeeyana ay ku mitidaan, oo aanay marba urur siyaasadeed iyo nin dan gaara wataa ku kacsan awrkiisa. Tartan siyaasadeed waala galaa oo aduunka aynu jognaba way ka dhacdaa, lkn waxa xun tartan siyaasadeedka sida xun loo fasirto ee arimo ka baxsan muraadkiisa lagu soo daro isla markaana dadka iyo dalkaba dhawaca soo gaadhsiinaya. 



Ugu dambayn waxan ilahay ka baryayaa inuu arintaa ugubkaa inaga hayo, isla markaana dib aynu usoo ceshano jacaylkii walaaltinimo,wadaniyadii qaaliga ahayd iyo midnimadeenii.  

Samakaab Cumar

sammo1900@live.com

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


COMMENTS