Doorashadii ugu musuq maasuqa iyo dulmiga badnayd ee abud ka dhacda Somaliland iyo taarkhiida madaw ee buuga u gayshay siilaanyo iyo xukuumadiisa
Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacbi waynaha jamhuuriyada Somaliland meel wal oo ay ku sugan yihiin gaarahaan shacbi waynaha ku xidhan websites ka sidoo kale waxaan salaam aad u qiimo badan u dirayaa dhamaan shaqaala waynaha webistes ka ee ka aqab tiray dadwaynaha meel wal oo ay joogaanba kolba wax ka socda daafaha dunida intaa ka dib hadaan u soo noqdo u jeedada maqaalka ama aragtidayda waxaa jamhuuriayda somaliland ka dhacay doorashoodii golahayaasha deegaanka ee gobobalada iyo dagmooyinka taas oo ka dhacay dhamaanba wadanka 28/11/2012doorashadaas oo noqotay tii ugu musuq maasuqa badnayd ee abud ka dhcada jamhuuryada Somaliland isla markaa ah doorashdii ugu horaysay ee ay qabato xukuumada manta joogta ee uu madax waynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa waxa ay xukuumadu ku kacday waxyaabo badan oo xataa aan u fiicanayn tartanka cadawga kula jirto ama lagu tilmaami karaba inay ahayd nooc dagaal ah oo aan odhan karo hadaan dadka shacabka ah ka roonaan waaba laysku dili lahaa, hadaba intaanan qaladaadka iyo musuqa gudo galin waxaan wax yar ka odhan lahaa aduunka iyo sida waxa walba loo diiwaan galiyo(recording) oo qofna buuga badaw lagu qoro qofna buuga cad ama qofna taariikh madaw loo qoro qofna taariikh wanaagsan oo amaan iyo ku dayasho mudan loo qoro laguna xasuusto inta uu noolyahay iyo marka uu dhinto ka diba taas oo kale ayaa wadanka ka jirta nin walbana waxa loo hayaa waxa uu sameeyo sida madaxwaynihii hore ee dala mudane Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa madaxwane aad sharaf iyo kaaraamo wadanka uga mudan oo ogaydeen sida uu doorashdii madaxwaynaha ee uu xilka ku tiryey sida uu u qabtay iyo waliba sida raganimada gobanimada geesinimada iyo go,aanka lahayd ee uu uga tagay shacabka dhan ee intaa lee gee uu u talinaayey hadaba waxay ahayd taariikh aad iyo aad u wanaagsan oo loo hayo aan lana ilaabi Karin waxaanu aduunka ku noolaanayaa isaga oo cisi iyo sharaf loo hayo bal aynu garab dhigo doorashdii wadanka ka dhacday 28/11/2012 ee uu gadh wadeenka ka ahaa maxwaynaha imika talada dalka hayaa oo ahayd tii golayaasha deegaanka taas oo noqotay tii ugu dhibta badnayd ugu colaada badnayd ugna dulmiga badnayd ee wadanka ka dhacda qasaarihii wadanka ka dhacayna uu ahaa kii ugu darnayd ee intii doorasho wadanka ka dhacaysay ka dhacda wadanka oo lagu dilay laba nin oo dhalin yar ah lagu haya, Berberna qaar kale lagu dhaawacay Ceerigaabona qaasaare kalae ka dhacay islamaalin kaliya hadaba waxaas oo dhan waxa ka sii daran sanaduuqdii doorashada oo xukuumadu ganacanta ku haysay oo haba yaraateen aan la odhan Karin waxay ahayd doorasho xor ah oo xalaal ah mar hadii doorashdii dhamaydba ay noqotay mid ay xukuumadu maamulanayso iyo waliba commission kii oo bilaa awood noqotay noqdayna substation xukuumadu leedahay waxa dhacday in inamadii ka shaqaynayey markay arkeen sidan waxa loo wado iyo xukuumada oo soo faro galisay laxidh xidhay lana sii dayey markii sanaduuqdii lagu shubtayb madaxwayne ku xigeenka ayaan ka mid ahaa dadka waxaas samyeynayey waxaan leeyahay dadka lug haya lagu dilay waa dadkaagii kuwa aad musuq masuqa ku samaynaysaana waa dadkaagii waxaan ogahay dulmi hadii aad kula heshiiso siilaanyo iyo muuse biixi oo aan dhan, aqoon iyo dadnimo midna hayn inaydin xaqa ku kal tagi doontaan maalin maal maha ka mida adigaana markhaati ahaan doona shalay ayey ahayd markii aad is haysateen mida kale madaxwayne ku xigeen ayad wadanka ka tahay oo lagu soo doortay doorasho ee taana ogaw adiga iyo siilaanyo wadanka waad u simantihiin ee bal niyada gali oo yaanu xirsi awoodahagaaga qaadan doorka aad wadanka ku leedahayna ha noqdo mid wanaaga u horseeda wadanka oo dhan ee yaanu noqon mid xumaha u horseeda.
Wabilaah tawfiiq
axmed kayd
a_kayd98@hotmail.com
————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
