|

Dr.Gaboosow Xabaalaha Malko-Durduro Ma Noqon Karaan Kaftan Siyaasadeed!

Asalaamu Calaykum

Aniga oo si weyn u soo dhawaynaya taalabada uu Dr. Gaboose ku aqbalay natiijada doorashada, isla markaasna ku baraarujinaya in Ururrarada iyo Xisbiyada tartamayayba ay aqbalaan natiijada, ayaa waxaan aad uga xumaaday weedhaha aan loo meel dayin ee Digtoorku kaftan siyaasadeed kaga dhigtay Xabaalaha Malko durduro oo ay ku aasan yihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah oo uu Xasuuqay Taliskii Siyaad Barre, kuwaasi oo ahaa dad aan danbi galin oo loo xasuuqay isirkooda oo kaliya uuna ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Aabahay Cabdilaahi Maxamed iyo saaxiibadii.

Digtoorku waxa uu yidhi waxaanu naxash ku sidnaa Dimuqraadiyadii oo aanu ku sii wadno xabaalaha Malko durduro! Waa arrin aad u foolxun iyo dheel-dheelid in goob dadkayagii lagu xasuuqay uu yidhaa Dimuqraadiyad ayaan ku soo aasayaa. Waxaan Digtoorka ka rajaynayaa inuu Raali galin ka bixiyo arrintaas aanuu ka fiirsan oo si weyn u damqaysa dadkii dadkooda la xasuuqay ee ay lafahoodu ku jiraan Xabaalaha Malko Durduro, waxaanan ka rajaynayaa in uu dariiqyo kale u maro legdenka siyaasadeed ee uu ku jiro.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Hargeisa. Somaliland

kaysar@diplomats.com

—————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS