|

English Mise Af Soomaali! By: Ceelaabe

Barashada Luqada Englishka Ayaa si xaami ah uga socota Meelo badan oo Somaliland ka mid ah.Magaalo kasta waxa buux dhaafiyey Tirada Dugsiyada iyo Machadyada kala duwan ee Barashada luqadaha u go,ay iyo kuwa ku dhex Dara Maadooyinka kala duwan intaba.Tirada Dhalinyarta Gelinka danbe Waddooyinka iyo Basaska saxmada ka Dhiga Ayaa u badan kuwo Dhigta Luqadaha kala duwan oo 5$ wax ka hooseeya lagu Dhigto.Waa dhab Luqada englishka Ujeedooyin badan Ayaa dadkeena ku kelifa in ay bartaan,Waa mare horta ugu Horeyn Guumeysiga wakhti wadankeena Joogi Jirey Ayaa ahaa Great Britain,Dhinaca kalena Luqada englishka oo Noqotey Mid ka mid ah luqadaha Aduunka sida weyn ugu faafey laguna wada Xidhiidho Ayaa sababtey barashada badan ee wadankeena lagu hayo Luqadani.Luqad la Jecel yahay,La barto,Lacagna lagu Bixiyo,Wax lagu barto,Dugsiyadana lagu Dhigto Ayey noqotey,Luqad la isku tixgeliyo,lagu kala danbeeyo,Shaqooyinkana ka qeyb qaadata Ayey noqotey.Waana sida u Yidhaahdaan waa Furaha Cilmiga.

Marar badan Ayaad idaacadaha ka Maqleysaa Xaflado ardey tiro badan oo kor u dhaafaya 300 lagu gudoonsiiyey Shahaadooyinka Barashada Luqada Englishka.Waxa haddaba weli meesha ku Jira Saddex Arimood,Mida ugu horeysa waxa ay tahay,Inkasta oo barashada luqada englishka sidaasi loo wado Haddana Ardey weli aan Luqadii si fiican u baran Ayaa soo baxeysa lana gudoonsinayaa Shahaado.Ardey badan oo dugsiyada wax ka dhigta ama Jaamacadaha dhex Fadhiya Ayaan Waxba ku qori karin ama Akhriyi karin Luqada englishka haddana Jaamacad ku Jira.Mida kale waa Arin la xidhiidha Dhinaca wakhtiga oo Ardeyga 1 ama 2 sanno wadey barashada Luqada englishka Haddana aan hadal iyo Qoraal ku sameyn karin Maxaa ka khaldan.Luqada englishkuse ma tahay mid aad Dugsi gaar ah ugu Jiri karto 1.5 sanno.Qodobka ugu danbeeya Ayaa ah marka qof kastaa Yidhaahdo waxaan Dhigayaa ama macalin ka Noqonayaa Luqada englishka in Nidaamyo badan oo kala duwan oo dad samee ahi soo Baxayaan.Maxaa yeelay macalinka Lacagta ka fekirayaa wuxuu rabaa in Ardeygu 1 sanno meeshiisa ku soo noqnoqdo.

Luqada England waxa ay noqotey Mid aduunka isku xidhe u ah.Dugsiyada Aduunka lagu Dhigto ama Manhajka waxbarashadu uu ku baxo Englishka iyo kuwa lagu Dhigto luqadaha hooyo,waxa inta badan laga doorbidaa lana Jecel yahay kuwa ku baxaya Englishka.Inkasta oo luqadani markaad ku hadleyso Macnaheedu aanu aheyn in aad tahay qof Maskax badan ama aqoon badan leh,haddana markasta oo aad ku hadasho waxaad soo Jiidaneysaa quluubta dad badan oo qiraya in aad tahay Aqoonyahan Rasmi ah.

Luqada Englishka marka laga tago Dadka bartey kuna hadla waxa sidoo kale Jira marka laga tago England wadamo kala duwan sida U.S.A,Canada iyo Australia oo si rasmi ah ugu hadla.Wadamaasi habka ku dhawaaqida iyo hadalka meelo badan Ayey ku kala duwan yihiin,sidoo kale England goboladeeda kala duwan Ayaa leh lahjado kala duwan oo loogu hadlo luqadani Englishka.Inkasta oo luqadaha Hooyo ay kala duwanaansho Dhaliyeen,Haddana luqadaha sida Englishka iyo Carabiga Ayaa dad badan isku keen haya.Ummado xaga diinta iyo Afka ku kala duwan Ayaa luqado kale ku wada Xidhiidha.

Afsoomaaliga in wax lagu barto sidee Ayaad u aragtaa.Gudbinta hadalka iyo fahanku waa Dhab wuxuu ku sareeya xawaarihiisuna ku xoogan yahay markaad ku hadleyso luqadaad u dhalatey.Wax badan waxaad Jeclaan laheyd in luqadaada hooyo laguugu sharaxo.Xaga fahanka iyo waxbarashadana inta badan waxa la doorbidaa luqadaha wadanku gaarka u leeyahay.Inkasta oo Manhajka lagu diyaariyey Luqadaha englishka ama carabiga,haddana wuxuu macalinku kuugu Sharaxayaa waa Soomaaliga aad u dhalatey.Dad badan Ayaa aaminsan fahanka iyo waxbarashada ardeyda luqadaha badan Yaqaana in ay ka fiican tahay kuwa Luqad Keliya barta.

Manhajkeena Englishka ah lama heli karo Macalimiin si Faseex ah english ugu Sharaxda gaar ahaan marka la soo gaadho Dugsiga sare iyo Jaamacadaha.Af  soomaali waxba ha ku baran Ayaa meelo badan laga rumeysan yahay,Haddana sharaxaada waxa lagu rabaa in Soomaali lagu dhageysto,Qoraalkuna english noqdo.Qiimaha waxbarashadu ku leedahay Luqada hooyo Ayaa hoos u dhacaya marka luqado kale laga doorbido.Miyeynaan ilaa heer Jaamacadeed ilaa Xafiisyada shaqooyinka ka wada dhigi karin Af soomaali.Wadankasta Aduunyada wuxuu leeyahay Jaamacado lagu dhigto luqadaha wadankaasi u gaarka ah,Ardeydaasi oo shaqo ku hela Afka iyo waxbarashada wadankooda u gaarka ah.Ma jirto somaliland Jaamacad soomaali wax ku dhigta ama buugaagta loogu qorey.Mana Jiro xafiis si rasmi ah luqada Soomaliga ugu hawl gal,English Ayaa meel uun kasoo galaya.Sida xaga hadalka ama Qoraalka intaba.Warqad kasta oo Documentary ah oo aynu Sidanaa waa English.

lama aqoonsana dugsiyda soomaaliga wax ku dhiga,Kuwa englishka Ayaa ardeyda la qoraa.Dadka faqiirka Ah ayaa gala meelaha soomaaliga wax lagu dhigto,kuwa tujaarta ahi waxa ay raadsadaan english.Miyaan danyartii mustaqbalkana shaqooyinku ku adkaan doonin.Waxa la aaminey ama la rumeysan yahay in wax lagu barto luqada englishka laguna helo sida shaqo iwm.Luqada Soomaaliga in lagu hirgeliyo buugaag waxbarasho ku qoran oo laga Turjumo kuwan englishka ah si ardeyda qaarkood Mustaqbalka soomaali ugu bartaan Ayaa ah fikrad ila ah mid Shaqeyn karta.Jaamacado 10,000$ lagu bixiyo oo luqadah englishka ah Ayaa laga soo baxaa.Haddii ay soomaali ama luqad af kale ah tahay lama galeen.

Waxaan Arkey Ardey 12 sanno Arabic wax ku dhigan Jirey,haddana imtixaan Entrance ah la soo hordhigey Luqada englishka,Kaasi oo Dalbadey in Arabic lagu siiyo Imtixaankiisa.Waxa uu ardeygani rabaa in uu Dhigto Jaamacad Luqada englishka wax lagu qoro laguna Akhristo la iskuna Imtixaamo.Marka laga hadlaayo Siyaasada dawlada ee ku Wajahan Luqadaha waxbarashada ma odhan karnaa dawladeenu arintaasi waxba kamey qaban,Englishka ayaa One ah,Arabica Ayaa ku xiga waxaana ugu Danbeeya Soomaaliga.Ardeyguna Marka uu macalinka ku arko waxooga kalmado English ah Ayuu u arkayaa in uu yahay Macalin wax garanaya.Dhalinyarta luqadaha ku fiican Ayaa hadd iyo jeer Hormood ka noqda goobaha waxbarashada gaar ahaan Dhibcaha imtixaanada kala duwan.

Isku soo wada duub Barashashada luqada Englishku meelo badan Ayey muhiim u tahay,Waana luqad Qaaradaha kala duwan midba hab gaar ah ku Joogta laguna dhigto,lagagana hadlo sida Africa,Asia iyo America intaba.hase ahaate Jaamacado ama dugsiyo sare oo aqoonta sare ku bixiya buugaag iyo Sharaxaad soomaali ah ama Xafiisyo ku shaqeeya from Speaking ilaa Written Soomaali miyaa la heli karin.Wadamada Kale waxa Jira wadan kasta Jaamacado ku shaqeeya Local Language-ka.

 

 

By: Ceelaabe

————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS