Fariin HAMBALYO By: Hodan Axmed Cabdilahi
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacab-weynaha Somaliland, gudo iyo dibaddaba, sida nabad gelyada iyo dimqraadiyadu ku dheehnayd ee doorashooyinkii inoogu soo gebogebaysmeen. Waa maalin kale oo sharaf u soo hoysay qarankeena Somaliland. Tartankii doorasho ee la galay maxsuulkii ka soo baxay waa guul si gaar ah iyo si guudba aynu u wada leenahay.
Waxaanan hambalyaynayaa intii kale ee dhigay ahayd ee ku guulaystay doorashadii deegaanka Hargeysa iyo weliba guud ahaan dalkaba. Masuuliyad qaran baa idin fuushay hadeer, inaad ka dhab sheegtaan ayaan idinku dardaarayaa. Ilaahayna xilkaasi aad qaadeen ha idiin dhib yareeyo.
Gunaanadkii, tartankii dheeraa iyo hawshii badnayd waxaynu uga dan lahayn u shaqaynta dadkeena iyo dalkeena. Waxaynu garawsanahay maanta inaynu is wada nahay, oo aynu nahay tiir midba ka kale dhisayo. Ulajeedadii uu qarankani lahanaa si cuddoon loo beegsaday.
Guul iyo gobanimo,
Hodan Axmed Cabdilahi
Xisbul Xaakimka KULMIYE
—————————————————–Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
