|

Gen. muuse biixi cabdi siyaasada halaga fadhiisiyo oo xaga ciidamada ha u leexdo

waad salaamantihiin dhamaantiin asalamu caleykum wrwwb


                  salaan kadib


muuse biixi cabdi wuxuu ahaa nin aad u yaqaaney xaga ciidamada  wuxuu ahaa nin soo bartey khibrada ciidanka markii uu bilaabmey halgankii SNM wuxuu ahaa hogaamiyaashii uugu waaweynaa SNM


wuxuu ahaa ragii wadanka usoo halgamey  laakiin marka la eego dhinaca siyaasada somalilnad wuxuu ka galey taariikh aan fiicneyn


oo hadaan eegno 1994 markii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha    xiligaas oo ay socdeen dagaalo sokeeye  muuse biixi wuxuu ahaa ragii barigaa ay cumaamadu ka dhacdey


wixii markaa ka dambeeyey  muuse biixi somalilnad wax xil ah kamuu qaban intii badneydna wuxuu ahaa mucaarid  


muuse imaka oo uu yahey gudoomiyaha xisbiga talada haya ee kulmiye ayaa waxaa soo baxey in kulmiyey uu galey khaladaad badan


hadaba waxaan odhan lahaa muuse siyaasada faraha haka qaado oo ha u beydho dhinaca ciidanka muuse haloo magacaabo wasiirka difaaca ama abaanduulaha ciidamada   laakiin siyaasada iyo muuse iskuma fiicnee sidaasada muuse halaga fadhiisiyo





by cabdi aadan   swden



cabdi1515@hotmail.com








—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS