|

Guddoomiyaha Baarlamanka Jabouti Oo Muqdisho Tagay

Muqdisho (OWN)- wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha  baarlamaanka JaboutiI diris Arnaa’ud Cali  halkaasi oo ay  masuuliyiinta xukuumadda Somaliya ay ku soo dhaweeyeen  madaarka Aadan Cadde Airport o f Mogasho.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.
Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

 

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.

 

Oodweynenews.com/Muqdisho

COMMENTS