Hadii layga Badiyo Doorashada Waa lagu shubtay oo ogaan Baa la iireebay!!!!!!. By: Bassim hussain
scw r Dhamaan akhristayaasha sharfta Mudan,
Kadib markii ay soo Baxday natiijada hor dhaca ah ee ururada tartamayaa ay ka soo hooyeen Doorashadii golayaanka Degaanka ee dhowaan Dalka ka dhacday, Markiiba ururadii guul daraystay iyo taageerayaashoodu waxay mar marsiinyo ka dhigteen in ku shubasho dhacday oo inta iyaga laga eexday ogaan loo reebay, hadaba saaxiibayaal waxa layidhi gari laba kama wada qosliso, waxaad ubadheedheen in aad tartan gashaan lagu kala hadhayo , tartankaa waxaad gasheen idinka oo ku kalsoon dhexdhexaad nimada gudida doorashooyinka markaa maxaad iminka laqaylinaysaan?? maxaad markii hore kalsoonida usii seen gudi da doorashooyinka oo aad u odhan waydeen maaha dhexdhexaad oo anaka way na reebayaan ururo kalena way soo saarayaan???.
Doorashada Dalka ka dhacday may ahayn wax qarsoon oo gudida Doorashooyinka oo qudhihi gacanta ku hayeene umada somaliland oo dhan ayaa la socotay, muraaqibiintii axsaabta ayaa goob walba joogtay oo codaynta iyo tirintaba talaabo talaabo ula socotay,muraaqibiintii caalamiga ahaa ayaa goobaha oo dhan joogay oo ka markhaati furay sida hufan ee doorashado udhacday,, sida ururadu codka uga kala heleen dhamaan gobolada iyo degmooyinka hore ayaa loo filayey oo loo saadaalinayey urur waliba meesha uu taageero ku leeyahay iyo meesha aanu taageero kulahayn ee aan laga filayn in uu kuraas badan ka heloo… 95% sidii la saadaalinayey ayay u dhacday… markaa waxaan leeyahay ururada hadhay iyo taageerayaashooda saaxiibayaal calafkiinii ayaad qaadeen ee inaga daaya qaylada iyo cabashada oo kadaaya ceebaynta gudida doorashooyinka iyo dawlada iyo qaranka s/land intaba.
Bassim hussain
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
