Taliska Boliiska Soomaaliya Oo Sheegay In ay Qabteen Kaydkii Hubka Al-Shabaab

Muqdisho(OWN)-Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen Keyd hub oo ay lahayd Alshabaab kadib howlgal ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan oo dhacay 5-tii bishii April ee aynu kasoo gudubnay ayaa ciidamada amaanka ee fuliyay waxay ku guuleysteen inay helaan keydkan hubka ah oo kooxda Alshabaab ay lahayd halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo Miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jiraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa tiri” Noocyada Miinooyinka ayaa ka kooban labo nooc oo kala ah nooca dhulka lagu aaso iyo midka wadada dhinaceeda la dhigo,argagixisadu waxay doonayeen marka ay bisha Barakeysan ee Ramadaan bilaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale Sareeyo guuto Zakiya Xuseen Axmed Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay labo nin oo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Dhinaca kale Laamaha amniga ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca Caasiga loo yaqaano oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay keddib howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidamada Amniga ayaa ku qabtay Gaarigan aga-gaarka Xaawo Cabdi ee deegaanka Ceelasha Biyaha kaas oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Gobolka Banadir sida ay sheegtay Zakia Xuseen Axmed oo ah Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay Inta lagu guda jiray fur-furista Gaariga Qaraxa ay Nabad-diidku baabuurkaas qarxiyeen taas oo sababtay dhaawaca hal Askari.

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka,waxayna mudooyinkii ugu dambeeyay wadeen howlgalo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

HORSEED MEDIA 2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker