Hambalyo ku socota wasaarada waxbarashada iyo wasiirada Marwo samsam… By: abdirashid osman
dhamaan waxaan salaamayaa bahda saxaafada qaybaheeda kaladuwan iyo dhamaan shaqaalaha mudanayaal iyo marwooyinba.
waxaan runtii qalinka u qaatay inaan u hambalyeeyo wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee ay hormoodka ka tahay wasirrda samsam,hambalyadaydu waa mid xanbaarsan bogaadin iyo dhiiri gelin,
waxaa marwalba aan ka duulaa anoon isfaaninayn inaan wanaaga intuu doonaba hanoqdee iyo dhinacuudoono haka soo baxee inaan soo dhaweeye una hambalyeeyo haduu shakhsiyahay ,koox,hay,ad, siyaasi,mucaarid,wasaarad ama dhamaan xukuumadaba talaabo wal oo ay hore u qaado mid waxqabad iyo midhiirigelineedba.
maalintii shalay wasaarada waxbarashadu waxay ku dhaqaaqday oo talaabo horle ah noqotay mudana ku dayasho talaabo runtii dhiirigelinaysa macalimiinta wasaarada ama shaqaalaha dowlada dhamaanba in ay laba jibaaraan tacabkooda mar hadaay arkeen abaalgudka loola diyaarkayahay khaasatan marka ay shaqagabaan,taas oo ay gudoonsiisay wasiirda samsam ee qaaliga ah kana soo dhex mudhay dhigeeda wasiirada xukuumada madaxweyne siilaanyo markay gudoonsiisay 6 macalin oo shaqagab ah,lacag gadhaysa 10,000$ yagoo lakaashaday hay,ada waxaan filayaa inay tahay markii u horaysay ee aynu aragno arin noocana.
waxaan ku soo gabagabaynayaa wasiirada samsam waa mid ku dayasho mudan haweenka somalilandna u ah mitaal ,wasaarada ay haysaana waa mid culayskeeda le,waxaan leeyahay hore iga sii mariya halkaa taagantihiin waana ku mahadsantihiin abaalmarintaa aa abaalmariseen macalimiinta ,,sida layidhaahdo((qum lil mucalimi wafiihi tabjiila kaadal mucalimu an yakuuna rasuulaa)))..sidaynu ogsoonahay macalinku waa tiir muhiima kana qaybqaata barbaarin dhalinyaro caafimaad qabta kana dhisan caqliga iyo jidhkaba.
somaliland guul shacab iyo xukuumadba.
allow wanaaga noo badi kuwii ku mahadnaqana naga yeel,,allaahuma aamiin
,,allaa mahadle..ilal amaam daaiman.
abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai
00971506972985
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
