|

HAMBLAYO SEDEXDA XISBI QARAN:KULMIYE-WADANI IYO UCID OOLAGA CALEEMO SAARAY MAXTOYADA.

Waxaan salaan diiran u dirayaa dhamaan umadda reer Somaliland meel kaste oo ay joogaan, waxaan kaloo salaamayaa dhamaan bahda saxaafadda meel kasta oo ay joogaan. Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan shacbiga reer Somalilanda u iftiimiyo Doorashadii lagaqabtay Somaliland ee golaha degaanka inay ahayd Doorashadii ugu Musuqmaasuq iyo cadaalad xumayd ee ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland taas oo ah inay Xukuumadda Somaliland ay qabatay Doorasho Kugurasho ah oo waraaqihii codbixinta ee Komishunka yaalaan dhamaan dariiqyada iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayadoo ay soo ifbaxayaan fadeexado hadheeyey doorashadii 28ka November ee sanadkan kuwaas oo tviiyada lagusoo bandhigay magaaladda Ceerigaabo oo  sanduuqyadii Codbixinta lala tagay geed hoostiis oo lagu guranayo waraaqihii Xisbiga Kulmiye iyo Ururdawladeedka Wadani kuwaas oo laystusay ayagoo shaabadihii Komishinka isticmaalaya. Waxay kaloo soo bandhigeen musharaxiinta Golaha degaanka ee Ceerigaabo warqadihii codbixinta ee Ceerigaabo oo ayagoo ilaa 600 cod ah kabadan lagu daadiyey shaaricyadii kuwaas oo ahaa cododkii muwaadiniintu ku doorteen Xisbiga iyo Musharaxa ay doonayeen laguna bedelay sanaaduuq cusub oo warqado codbixin beenabuur ah lagu soo gurtay oo Kulmiye iyo Ururada ay dawladu wadato loogu soo guray codadkaas oo kale oo magaalo walba iyo gobol walba Kulmiye iyo wadani iska dhigeen kaalinta kowaad iyo tan labaad halka Kaalmahaas hadii ay doorasho xaq iyo Xalaal ah ay dhici lahayd ay soo gali lahaayeen XAQSOOR IYO UMADDA taas oo ay dawladu iyo xumuumadda Siilaanyo u aragtay labadaas urur inay khatar ku yihiin Kursiga Madaxtooyada halka labadan urur ee ay soo saaartay ay kuqanacsanyihiin in tobanka sano ee soosocda loogu yeedho Gudoomiyaha Xisbiga oo aan lahayn han ay ku gaadhaan Kursiga ugu sareeya ee Madaxweynaha. Waxay shacbiga reer Somaliland aad ula yaabeen markii shalay ayadoo la sugayo in lagudhwaaqo Doorashahada Hargaysa ay Komishinkii yidhaahdeen waxaa Lumay Tiradii Codbixinta Axmed dhagax taas oo manta urur kale oo ay dawladu wadato loogu shubay Xaqsoor oo kaalinta labaad ama kowaad ahaa lagu tuuray kaalinta afraad. Waxaa manta hargaysa kadhacay Gadood ay sameeyeen dhamaan taageerayashii Ururka Xaqsoor iyo Umadda kuwaas oo ka cadhooday cadaalad darada kasoo yeedhay Komishinka qaranka oo qaatay Laaluush farabadan una fududeeyey Xukuumadda Kushubashada iyo Komsihinkii Kitaabka ku dhaartay oo Waraaqihii Codbixinta iyo sanduuqyadii lagu gudhayey Siiyey Xukuumadda Siilaanyo ayagoo qaatay lacag lagu Qiyaasay 450.000 dolar oo loo qaybiyey Xubnaha ugu sareya Gudida Doorashooyinka.

Hadaba Shacbiga reer Somaliland waxay ka gadoodeen cadaalad darada ay ku talaabsadeen Xukumadda iyo Komishinka qaranka taas oo keentay in caawa hargaysa ay dad shicib ah ku dhinteen qaarna ku dhaawacmaan. Waxaa la yidhi hadii CADAALD LAWAAYO SIDA CAWSHA LAKALA YAAB Xukuumada Siilaanyo ayadaa dalka burburinaysa oo cadaalada burburinaysa waayo waxaa dalka ka dhacay afar doorasho oo hore weli lamarag Xaashidii codbixinta oo suuqyada yaal oo dadweynihii gacanta u galee.

SIR LA HELAY: Ilo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in markii ay Xukuumadda Siilaanyo aragtay inuu shacbigu cod siinayn ay Komishinka la heshiiyeen oo uu farta ka saaray Koobigii Warqadaha Codbixintaa taas uu Wasiirak Madaxtooyadda uu yimid LONDON doorashada kahore halkaas uu ka daabacday ilaa 300 kun oo warqadaha codbixinta asagoo ka daabacay xafiiskuu ay komishinku da daabacdeen taas ayaana keentay ina ilaa manta ay Guryaha dhexdooda iyo darriqyada magaalooyinka ay dadsanyihiin Warqadihii codbixinta waxaana la sheegay in Sanduuqyadii lagu codeeyey lagu badalay sanduuqyo kale oo lagu soo gurtay warqadahaas Xirsi Gaab uu kasoo daabacay London kuwii Codaynta rasmiga ahaydna la daadiyey. Hadaba Shacbiga Reer Somaliland waa inay Ka dhiidhiyaan oo ay ku Mudaradaan Madaxtooyada Cadaalad darada kula kacday Codkoodii. Somalidu waxay ku maahmaahdaa HAL XAARAAN AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO Sadexda XISBI QARAN WAA ISKU HAL XISBI QARAN OO MADAXTOOYADA WAXAANA DOORATAY SIILAANYO LAAKIIN SHACBIGA REER SOMALILNAD WAXAY U CODEEYEEN XAQSOOR IYO UMAADA Waana inay Qaadacaan Doorashadaas Baadilka iyo Cadaalada ka fog.

.

Qalinkii: Mahamed Faarax

mohamed1977@hotmail.co.uk

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS