Hanbalyo muj, macallin Mayor Ismail haji nur. Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego. daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee . Kaalayoo bal dhegayso
DHaqane: Hanbalyo Muj ,Macallin,Mayor Ismaiciil haji nur.
DHaashane: Waa markii u horaysay een ku arko adoo wax hamlayeynayee .Muxuu ahaa ninkan aad manta hanbalyeynaysaa?
DHaqane :Waa nin libaax ah oo u qalma .
DHaashane: Ma kommuunkaa?
Dhaqane:Waar kommunku wada kommun maaha dee .Qaarna waa rag qaarna ri`yo.Ninkan hooyadiibaa nin dhashay.
Dhaashane:Oo Umadii maxaa ku dhacay?
Dhaqane:Umadii waxa ku dhacay.Doorashadoo sibiibixo aheyd,Gaboosoo si xun u taagnaa iyo Kulmiyoo sinsaaro yiqiin.
Dhaashane:Oo ninkan aad amaanaysay ma kulmiyuu ka soo baxay?
Dhaqane:Waar inaadeer horta maxaa isla macnaysaan ? Kulmiye ma libaaxyaa ku jira ? waa libaax baanu ku leenee.
Dhaashane:Waayee xisbiguu ka soo baxay ?
Dhaqane: Xisbiga dadka wadanka leh dee.
Dhaashane:Waar wadanka dad gooniye ileyn ma lehee ,ma Wadani baad ka wadaa ?
Dhaqane:Horta yeelkeedee midh midhka kulmiye ee caqliga leh baad ku jirtaa.
Dhaashane:Ma is tidhi sidii Udub idiinka burburtayba Wadani baad ku sii siqaysaa.
Dhaqane:Wadani sow Udub oo shaadhkii soo bedeshay uun maaha.Mida kale itixaankii doorashooyinka ma is tidhi dirqaa ku dhaafteen.Waxa la yidhi : Nin itaal yar baa la waydiiyey weligaa nin ma legeday?Wuxuu ku jawaabay :Nin beri aanu aniga iyo abdulqadir jaylaani wada legednay mooyee .oo idhi Abdulqaadirow ila qabo mooyee nin kale ma legdin.Imika idinkiyo abdulqadir jaylaani baa isugu tegay sow maaha ?
Dhaashane:Waar dadkaa u sii wad.
Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden
Sweden
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

