|

HANBALYO XISBIGA WADDANI By: Khaalid Maxamed Cisman (abii –xaniifa)

Waxan ugu horay salan udiraya habwaynta ku xidhan  webka caanka ah eeburco online news  iyo warhaadintaba  intaa kadib waxan hanbalyo udirayaa urur siyaasadeedkii WADDANI haatana isku badalay xisbi qaran

Horseedka hormoodka
hogaanka dalkeena
xisbi aan hagranayno
hawl karnimo daacad
hufnaan ku adeegad

hogaanka u dhiib
ragaan hagranayno
hanaan wacanoo
hanaqaadi karayaa
aqoon hantiyaa
WADDANI hor illahay
hubaal ku bahoobo
hankoodu mideeyay

hadaad kala buubto
talada u hanaysoo
hantida ummadeena
midaan hanbo reeebin
hadaad u halawdoo
haybtaad ku raacdood
hunguri ugu biirto
hoogbad dhaxaashayo
bulshada ku halawdee
himilada fogaatiyo
horumarka an tabayno
dhalinta hirdmaysa
marakay heliwaayeen
shaqo ay ku hagaagan
waxaan hagranaynoo
la haybsha hankooga
horseed xisbigeena
WADDANI hor ilaahay
muwaadin u hiili

dhulkeenan habooone
macadntu hirqanayse
hoobaanta bislaatay
hareer walba taalo
waxaan hagranaynoo
hubaashi ku hawlan
WADDANI hor illahay……..

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS