|

Hargeysa waxey isu badashey meel miyi ah markaa waa in caasimada magaalo kale laga dhigaa

asalamu caleykum waraxmtulaahi wb       salaan kadib  



waxaan filayaa arinta aan ka hadlayo inaad intiina badani ila ogtihiin ama ila dareensantihiin

dhawaan mar aan tagey wadankii hooyo waxaan kusoo arkey magalaadii hargeysa oo isu badashey meel miyi ah isla markaana waxey ka tagtey dhamaan wixii lagu yaqaaney magaalo

dabcan hargeysa waa caasimada JSL  markaa waxey aheyd iney u muuqato magaalo caasimad ah  laakiin nasiib daro magalaada hargeysa  dadka joogaa  %80 waa dad reer miyi ah oo dhawaan magalaada soo galey

dhinaca kale dhamaan garansiga yar yar gabi ahaanba waxaa gacanta ku haya waa dhalinyaro dhawaan miyiga kasoo gashey

dadka suuqa jooga ah ee magaalada dhex socdaa %80 waa rer miyi

taasi waxey magaaladii ka dhigtey meel iska miyi ah

dadkan miyiga kasoo galey ee magaaladii qabsadey waxey ku hayaan magaalada dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin

nadaafad xumo tii uugu darmeyd

dhaqan xumo tii uugu darneyd

nidaamkii iyo kala dambeyntii magaalada oo ay dhulka la dhaceen


dadkani ma yaqaanaan wax nadaam ah ma yaqaanaan wax nadaafad ah ma yaqaanaan wax dhaqan wanaagsan ah

ma yaqaanaan qaabkii magaalo loogu noolaan lahaa

sidaa darteed magaaladu hada waxey isu badashey meel miyi ah

hadaba waxaa fiican in caasimada loo raro magaalo kale sida maglaada berbera ama ceerigaabo ama meel kale oo ku haboon caasimad

magaaladan hargeysana laga dhigo meel ganacsi uun ah sidaas ayaa ila fiican





by  cabdinaasir          finland


naasir116@hotmail.com







—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS