|

Horta somalidu miyaaney ogeyn nadaafad daradu iney cudur tahey ? by cabdinaasir finland

dhamaantiin asalamu caleykum wrwb   salaan kadib



sida aan la wada socono  nadaafad daradu waxey ka mid tahey  wax yaabaha uugu badan ee sababa xanuunada iyo cudurada faafa

waxaan ogney nadaafadu iney tahey nolosha bini aadamka ah

waxaan ogney diinteena islaamku iney aad u amaantey nadaafada

hadaba dhawaan mar aan tagey meel ka mid ah dhulka ay somalidu tagto

meeshaas waxaan kusoo arkey wax yaabo aan la yaabey  oo ah nadaafad xumo aad u baahsan oo heer xun gaadhey

tusaale ahaan waxaan arkey hotel cuntada  laga cuno oo inta hotelka hortiisa lagu shubo biyaha weelka lagu meydho ayaa meesha biyaha lagu shubo oo hotelka hortiisa ah waxaa kasoo kacaya dukhsi aad u badan

dukhsigaasi wuxuu fuulayaa cuntadii uu qofku cunayey

waxa kale oo aan arkey meel cunto lagu karinayo oo meel  kale oo 6 talaabo u jirtaana ay tahey meel kaadida iyo saxarada lala tago oo dabcan dukhsiga meesha kasoo duulayaa oo imanayo cuntada uu qofku cunayo  


waxaan is weydiiyey  talow dadkani miyaaney ogeyn nadaafad xumadu iney tahey aabaha cudurada ?


mise dadkani nolasha ayeyey naceen ??






by cabdinaasir    helsinki    finlnad



naasir116@hotmail.com 

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS