|

Howlgal balaadhan oo ciidanka Kenya ka fuliyeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Nairobi(OWN)- Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in  ciidamada booliska ee dalka kenya  ay .

Waxaanay howlgalkaas  ku soo qabqabteen 15 qof oo laga shakiyay,  kadib qaraxii habeenkii Khamiista ka dhacay magaalada nairobi  ayaa ciidamo isugu jira GSU iyo booliska ay ka fuliyeen baadhitaanada qaybo ka mid ah xaafada Islii.

 

Taliyaha booliiska Moses Ombati  howlgalkan sameeyey ayaa sheegay inay baadhitaankan ku  bartilmaameedsanayaan  danbiilayaashii fuliyay qaraxaas ka dib markii booliiska ay heleen warar sirdoon ah oo sheegaya in dadkii ka danbeeyay qaraxaas ay wali goobta ka dhaw yihiin.

Xaafada Islii ayaa waxa ka dhacay qaraxyo badan oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay, Dowladda ayaa inta badan ku eedaysa in qaraxyadan ay ka danbeeyaan xarakada Alshabab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Oodweynenews.com/Kenya

COMMENTS