|

Jawaab xaqsoor iyo ummada cadaalad daraa lagu reebay ucidna waa la soo saaray Byy : Abdi Hussein

Salaaam dhamaan akhristaasha sharafta leh iyo hawl-wadeenada webka.

Waxaan aad ula yaabay ninka yidhi UCID baa la soo saaray iyo sheeko barraleey. Ucid lama soo saarine wuxuu ku jirta xusbiyada codkoodii la dhacay.

Hadii se aynu is barrabar dhigno ummmada iyo UCID miyaanu mid waliba ka soo baxin dhulkii ay ahayd inuu ka soo baxo? Ucid waa xusbi marka hore mugweyn kana mid ahaan jiray sedexdii xusbi qaran oo dalku lahaa 10 sano ee la soo dhaafay. Waana xusbi galbeed ka soo jeeda. Way iska muuqatay wax lagu daalana may ahayn in Ucid Ku adkaanayo gobalka saaxil, Maroodi jeex iyo Awdal. Halka umadu ku adkaanayay togdheer iyo sanaag. Gobalka sool oo qudha ayaa dhex ahaa kaana waxa ku guulaystay. Xusbiga ucid.

Mida kale maxaad ugu fikiri wayday sidan: Umada iyo Wadani waxay ka soo jeedaan isku gobolo sidaa darteed labaduba ha hasoo wada baxeen si hadhowto doorashooyinka danbe ay isu jebiyaan oo isu liciifiyaan. Saaxilla kulmiye u hantiyo. Kulmiye soo saarida gaboose iyo rida gaboose waxa u fiicnayd soo saarida gaboose. Arimaha dhuux. Don’t be too emotional.

Waxaan adiga iyo akhristayaashaba xusuusinaya in aanu maanta faysal cali waraabe ka sharaxnayn Ucid laakiin ninka sharaxani yahay Aqoon yahan, Abwaan, qoraa, dhaqaalahayahan Jamacaal Cali Xusseein. Waxa kale oon idin xusuusinayaa “waan hadhay waana layga badiyay ee hanbalyo waa geesinimo” u baahan inay dhaqan inoo noqoto ala erayadaasi ku adakaa oo dacarta kaga qadhaadha dadka afrikaanka ah iyo carabta. Ala ma inantooda guur beelaysa haday runta qirtaan. Ala ma moodaa inay cadaabta tegayaan haday aqbalaan? Hadba ka hadhaa cay iyo aflagaado ayuu gacanta afka gelinaya wuxuu dareemaya hadaanu sidaa yeelin in sharaftiisu dhaawacantahay!!!!!!! , waxa uu sheegayo  cilmi iyo caqli midna uma hayee, TV ayuun buu ka sii daynayaa sidaasa dhacday, cadayn waafiyana ma hayo. Mida kale hadii doorasho walba la yidha waa lagu shubtay, miyay jiri kartaa sabab cadaalad loo sameeyaa? Waayo dee markaad cadalad samayso ee la yidhaa waa lagu shubtay, aakhrika waxay ku soo biyo shubanaysa sheekadu, “kolayba waa lagu shubtay baa ka danbayne yaan ceeb iyo caydhi ina wada raacin”. Markaas hadii xataa lagu shubto waxaaabay ku qurux badantahay in la yidhaa cadaalad baa dhacday. Taasa laga yaabaa inay keento talaabooyin loo qaado xaga ididiilo caafimaad ka dhasho.

Guul iyo gobanimo.

Abdi Hussein

ahaibe@qatarairways.com.qa

————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS