Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Jawaabay Cabashooyinka Kasoo Yeedhaya Qaar Ka Mida Ururada
Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Gudida doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Xamari oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Komishanku ay ku leeyihiin magaalada Hargaysa, ayaa waxaana uu sheegay in doorashadii Golayaasha degaanaku dalka uuga qabsoontay si nabad galyo ah isla markaana u dhacday si xor iyo xalaala.
Gudoomiye Ciise xamari waxa uu sheegay in ay jirto meelo cabashooyinka loo gudbiyo , natiijooyinka hordhaca ahna ay ku dhawaaqayaan komishanka degmooyinku .
Gudoomiya komishanku waxa kale oo intaasi ku daray in go’aanka doorashadu aanu ku koobnayn xarunta guud ee komishanka oo qudha, laakiin natiijooyinka hordhaca ah ay ku dhawaaqayaan gudiyada Degmooyinka halka ay guddida sare ay leedahay go’aanka kama danbaysta ah.
Sidoo kale guddoomiyuhu mar kuu ka hadlaayey cabashooyinka ka soo yeedhaya qar kamida ururada waxa uu shaagay in dastuurku dalkani u yaalaa uu dhigayo habka loo marayo, Dacwadahana loo gudbin karro Maxkamadaha heer Gobol marka la gaadho todobada maalmood ee ka danbeeya maalinta lagu dhawaaqo doorashada kama danbaysta ah.
Oodweynenews.com
Hargaysa Office
