|

Laba Qof Oo Lagu Diley Magaalada Gaarissa Ee Dalka Kenya.

Kenya(OWN)- Wararka imanaya magaalada Gaarissa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in  labo qof   lagu  dilay mid saddexaadna  uu ku dhaawacmay kadib markii rag hubeysan oo aan la garan ay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa goob lagu shaaho xaafada Gaarisa Yarey ee magaalada Gaarisa.

Waxaa la sheegayaa in Labada Qof uu mid ahaa Askari Kenyan ah, ka kaena qof rayid ah, lamana yaqaano sababta dilkooda ka dambeysa.

 

Ragga dilka geystay oo aan la cadeyn waxa ay ahaayeen ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday sida ay sheegayana goobjogayaal ku sugan  magaalada Gaarisa.

Xaalada magaalada Gaarisa ayaa isu bedeshay jawi cabsi leh kadiub markii ciidamo fara badan oo boolis ay goobta soo gaareen isla markaana bilaabay baaritaan saf ballaaran ah.

 

Oodweynenews.com/Kenya

COMMENTS