MAANGADO ABAARIYO DIRAAN MAAX KA DEYA-YAAYE( FAALLO)!
Gar ma qaate warankiyo, nin gaashaanka wheheshaday, oo gudub bilaawaa, shakaddii ku giig tiray, waxan ahay gediisoo, garan-maayo taliyo, gees aan u jeedee, ee bal maxaan taransa-nayaa waa yaabe. Markaan talaabo is idhaaho u qaad dhanka toosan ee dantaydu ku jirto-ba, nasiib darro saddex baan dib u sii dhaqaaqa, waayo waxan doonaayo iyo waxa ii daran ma kalla aqaan, waxay iga qabsatay aniga baa sax ah adna khalad baad tahay, mana jirto wax kalla gar qaadanayaa ee waa ha isku marnaato illaa iyo malainta uu illaahay ugu tallo gallay in uu laalaabo carro-edegtan aynu ku dul noolahay, waxa ina maraana ma jirto in uu midba tiisa uun maroorsado mooyee, wax kalle oo inoo muuqdaa ma jirto, yaan halkaa ku raagine, waxan maanta u soo kicitimay in aan wax ku darsado arimahan isku marmay ee ka dhashay doorashadda deegaanku ku sheegga ee mulaaqmay, nin-ba meel ka fad kudiyey wax isu joojinaya, ama isu garaaba-yana aanay haba-yaraatee jirin, iyo wax laga fiirsanayaa ee aynu wadda noqonay laguma dhaamo ee dhaqaa.
Illaah naxariis-tiisa haka waraabiyo’e Carrabkii Ummaddan, abu-kaatihii ahaa ( lawyer-ka) garsoorahii cadaaladda, abwaankii Ummadda Reer Somaliland, ma gabadihii xoriyatul-qawlka ee aan waxba dedei jirin, halyey-ggii gobanimadda, geesiggii xaq sheegga, aabihii badheedhka runta u qarxin jiray, waayo’araggii aan soo bandhigi jiray tacadigga, abwaankii aqoonta, suugaan yahankii hagi jiray murtidda waa Axmed Ismaaciil Diiriye’e ( qaasim), baa wuxu ka mid ahaa ragga fara ku tiriska ah ee ciilka ugu dhintay, markii waxba laga hoos qaadi waayey, isga oo si walba, marxxalad kastaba ka hadalay, maamul walbana sheegi jiray dhaliili-hiisa oo aan waxba u habayn jirin, baa akhristaw mid-ka-mid ah murtiddii aynu la dhaxalay ee uu nooga tegay, uu ku sheegayaa in aynaan lahayn garaad iyo maskax aynu ku kalla garano waxa san ee ina anfacaaya, ta inagu ridaysa xabaasha ee iilka inoo dheeraynaysa, baa inoo cadaeeyey in ay dheguhu ina dam yihiin, oo wax gelayaa aanay jirin, yidhina waxan la hadlayaa duul meel waliba ay malaasan tahay, isaga oo ciil la tiiraan-yeysan, oo ina taabsiinaaya qaabka aynu u abuura-nahay, inaga quustay,buu tixdan gaaban ee hoose ku sharaxayaa, ee bal horta ku soo dhawaw waatane:-
Mugdi baan ka gacan haadiyaa, Maxamed Kaydoowe,
Geel baan maqaarka u sidaa, midi ka dhiiqayne,
Maangado abaariyo diraan, maax ka deya-yaaye,
Soomaali midab doorsan-taan, meeday leeyahaye,
Murti samada lagu laalay baan, muhindisaa-yaaye,
Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye,
Mawdkii adoogay dilaan, meel dhow ka arkaaye,
Mindidii boqnaha iga jartaa, madaxa ii taale,
Noloshuba macaan maleh haddaanad, magac ka reebayne.
Maan mahadin maalin-taan dhashay, ay ii mashxara-deene.
Waxan filayaa in aad intaa si wacan u fahan teen, dulucdda maqaal-kanina waa taa, hadaba maanta shaki kuma jiro in wax ka khaldan yihiin, doorashadan, ceeb-tana looma sina ee waxay dhakadda ka saaran tahay Komishanka qaranka iyo intii kalle eeku lug leh dawlad, diiwaan-gelin iyo wixii soo raaca-ba, oo aanay cidi la qaybsan waa sidda ay illa tahaye, hadday badheedh u sameeyeen iyo haddii ay sidaa uga dhacday-ba, wuxu-se yidhi xasan jigin bikh, oo fadhiiso tidhi waxa aynu u tirinayno mansuuli-yiinta gacanta ku haysay doorashadan, waxa aynu ku kacayno, ee ah foodadda iyo ceebta lala soogan yahay Tv-yadda af-Somaliga ku hadla, ugu horayn ma difaacaayo cidna, oo midna xaq uu leeyahay u diidanayn oo taas illaah igu og yahay hadaad rumaysa-nayso iyo haddii kalle-ba, haddii u khald sameeyey Komishanku, in la saxo waa waajib, laakiin waa in loo maraa dariiqo sharci ah, foodad iyo khalad-khalad ku sax meesha ma taallo, dagaal iyo gacan ka hadal, taayiro la gubo, mudaaharaado rebshdo geeri iyo dhaawc dhalaa ay ka yimaadaan, miyey idinla tahay in ay wanaag keenayso? mase noqonaysaa xal? af-garasho miyey iman kartaa? wax ma isku soo dhawynaysaa?, Xumaan wax ma ku helaynaa? faa’iido sinaba ma ugu jirtaa? dalka iyo dadka la waalayaa iyo fadqala-ladda joogtadda ahi ma wax yeellaa mise waa lagu raystaa?, yaad wax ka duminaysaa?ma naftaadda mise mid kalle?ma ka fekertay waxa aad diidan tahay in ay adiga kuu daran yihiin iyo in kalle? su’aalhaa in aad ka jawaabto bal hadda isku day inta aad rog-rogto halka ay sal dhigayaan ka soo war celi adaan kuu daayaye.
Maalmihii ka horeeyey 28/11/2012 oo ah ayaantii lagu ridaayey warqadahan foodka ee la isku haysto, baa waxan maqaal aan qoray oo darandaran ahaa aan ku idhi haddii aad akhriday, Musharaxa Madax-weynaha u taagan ee hor boodaaya Ururadda kuu doono ha ahaadee, iyo ka uu dabadda ka wado ee uu leeyahay Deegaanka buu Xildhi-baan aan ulla rabaa ( waa ka uu sharaxaayo’e), xaq iyo xeer, gar eexaad iyo mid xaq ahba, ku dagaalan iyo baryo, iib uu lacag ina siiyo, reer ku raac iyo nin jeclaysi, intaas oo dhan mid-na daw iyo xaq-toona kuuguma laha in aad dhiigaagga u daadiso, ama aad u dhisho mid kalle, dalka u burburiso, ee ka aad wadataa haduu dhaco, ku dheh kuu fooday ee hadaad wax tirsanayso u mar meelaha loo sameeyey ee khuseeya sidda Maxaka-madaha ee qawaaniinta lagu kalla baxo, ma-se taallo meesha budh iyo roomad aan la wareego baan madaxa wax ku fujinayaa ee hebel-kaan wato ha loo yeello waxa uu doonaayo, haddii kalle wax kalla socon-maayaan.
Inta nabadi joogtaa nin-ba laba nin le’eg yahay, markase ay dhabaqdo, ee sidd aad u wadaan is dhafoor taaba-taan, waxa dhab ah,( siddii hore-ba kuu soo martay dagaalkii sokeeye) in aad saxar ka yaraan doonto, haday nabadu ku deeqi waydo, iyo dawlad-nimadu waxa ku deeqi doona duli-nimo, iyo tii dusha kaa rari jirtay, tii kugu keliftay in aad barkcdo, oo curado u layso, ifkaba aad ilawdo oo aad aakhiro u hub qaadato, waa iga dhab oo walaahaya in aynaan sal dhigayn inta ay sidan tahay hadaan wax la bedelin. Shalay markii uu af-lahaarkii Ina Bare ee uu foodka ku lahaa khasab ugu rid maxaad u diidi wayday, saw indho garaadle ma ninhin, oo ka ina karbaasha ma cisayno, ka ina yidhaaha waa dimuqraadiyad-na, sidda awrka qoodha ah kaadidda kuma dhibi lisano ( uma jeedo madax-weynahan Siilaanyo iyo mid kalle toona ee hadaad doonto kaad rabto ku salax), waxan u jeedaa waxaynu nahay dameerkii la yidhi “ Al- ximaar laa yafrax illaa bil-casaa” oo micna-heedu yahay, dameerku ma farxo haddii aan la dhenga-dayn, waana shay meesha ka muuqdda.
Wuxu yidhi Cabdilaahi suldaan ( tima-cade) illaah janadiisa fardawsa haka waraabiyo’e, oo aragtii gaar ah u lahaa afcaasha inoo dhaqanka ah ee aynaan ka gaboobin, jiil-ba-jiil u gubiyo mar uu sheegaayey baa wuxu yidhi “ Waaggii beryaba waxan arkaa waali dihinayde” mar kalle-na wuxu gabay kalle ku ku yidhi “ Waaggii dilaacaa naxdimo dihin la sheegaaye” Waxa la yidhi hadalka haddii aan runta laga sheegin wax ka xun baa uu dhalaa oo ah munaafaqad iyo, godob, isku dir, cuqdad, eex, gacan ka hadal, geeri, dhaawac, burbur, qax iyo qalalaase intuba ay yihiin balaayoo-yinka laga ducaysto ee rabbi laga magan gallo, mase garanayno ee marka aynu xiirta gu’gii ka dibirno baynu casarka ciyaar qabsanaa kibir heesid ah, abaarta dhaqan uma lihin in aynu is dillo oo biyo dhaamsi iyo alle la cuskay baynu akhrinaa, nebi amaan iyo roob doon, oo marka aynu kadan nahay baynu alle naqaan, marka uu rabbi inaga saaro-na inata aynu dabadda xoor marsano baynu isku dhugtanaa, waxa la yidhi “ Dameero sayax daaqay iyo sabool dibiray-ba danaani-goodda baa laga baxaaye” saw maah-maah ina haysata maaha, waa kee ka-ka murmayaa ee sidaa dacwadda ka qabaa?
Waxan ku soo koobay qoraalkan, waar khalad wuu jiraa, oo hore baa loo sii sheegay in madmadaw ay yeelan doonto doorasha-dani, eedo badana waa ay jireen, laakiin xal ma u doonay mise meel baartool yaallo baynu dab ki sii qabanay, waxa waa la sheegaa, oo loo tilmaamaa cidda ugu fara dhuudhuuban ee u xil saaran inta boogta farta la saaro halka uu mililku kaga jiro, Garta maxakamad baa qaadda, inakuna Garta xabad baa ka ah xaq soore, Nabarka dhakhtar baa dhaya, inakuna tooray saddex geeslay ah baan ku sii fadaadaynaa, Cashar wadaad baa qora, inaguna habeedda geella baan is cabsiinaa, Salaad-ba wakhtiheedda baa la tukadaa, inaguna Salaadda subax iyo ta cisho baynu rakcadaha is dhaafinaa.
Taallo markay taagan tahay baa sidda ugu haboon loo gacan geliyaa, inaguna markay ciin daaqdo baynu hadhaw kabash-kabash-laynaa, duhur baynu habeen ku sheegnaa, cadona waa inoo gudcur, macaan waa inoo qadhaadh, cudurna waa inoo dawo ee goorma baynu sidda bini’aadamka wax kalla soo ci doonaa, hala dijiyo arimaha, oo suldaanaw, caaqilaw, odayaw, danaha reerka ku hadh ka bax siyaasad iyo beesha-yadda, u dir xildhi-baanka kaa soo jeedda isga bay shaqadda loo dortay tahaye, oo in uu cabashadda reer gaadh-siiyo halka ay khusayso’e, adidu madax-dhaqmeedaw ku ku filaw hawlihii reeraha u dhaxayn jiray ee magta loo kalla qaadi jiray, iyo nabadaynta beelaha, tan wax ka garan-mayside.
* N.B Maan mahadin maalin-taan dhashay ay ii mashxara-deene.
Abdi Shotaly,
Oodweynenews.com.
