Macaddaaladbaa aqbal musuq-maasuqa hadiikale nabada iyo jiritaanka Somalilalnd waa halis? By:Abdirahman Isamil
Kadib markii ay si badheedh ah dhaceen codkii dadwaynihii ucodaynayey golalaha deegaanka Somaliland, xisbiga talada dalka haya iyo maamulka sare ee dawlada xukuumada siiraanyo, iyagoo adeegsanaya shaqsiyaadad kamid ah gudida doorashada, ayaa waxaa ay dadwaynaha reer Somalilan ugu caga juglaynayaan, haddii aad ka dhiidhidaan musuq-maasuqa iyo wax isdabamarinta ama ku shubashada waxaad meel kaga dhacaysaan jiritaanka iyo nabadgalyada qaranimada Somaliland.
Haddaba, Macaddaaladbaa aqbal, musuq-maasuqa si aad uillaaliso nabada iyo jiritaankaSomalilalnd? Aniga xagayga arintani waxaa ay ilatahay mid cawaaqib xumo ku reebayaa taariikhda is qoraysa ee Somaliland, waxaa ay kaloo u gogol xaadhayaa siyaasiyiinta danbe ee xukuumadaha soo socda ee dalka katalin doona in musq-maasuqa iyo wax idaba marintu caadi tahay, kana midta waxyaabaha shacbiwaynaha laguqancinkaro ama qayb ka ah hab maamuleedka dalka.
Marlabaadka, waxaa ay meelkadhac wayn ama in ay kafiirsadaan noqonay saa caalamku kalsoonidii uu ku qabay jitaanka iyo geedisocodka democracy system
Ka Somaliland kajiray, waxaa kaloo ay niyad jabinay saa dadwayne badan oo reer Somaliland ah oo ku hamiyayey in dalkoodii uu hore umaray oo manta dunida soo koraysa wax laqaybsakaro .
Waxaan, anigu qoraalkaygan gaaban ku soo gabo gabaynayaa, in reer Somaliland arintan aan sidaa yare e fudud ku qaadan, ee ay dawlad kusheegta iyo ururkii loo doortay in ay maamulkeeda lahaadaan, doorashooyinkan jawaab lagu qanco oo cadaalad ku tiirsan soo saaraan , waxba yaanay ku meeraysan nabada iyo jiritaanka jamhuuriyada.
Allah Bless Somaliland
BY:Abdirahman Isamil//////////////////////////////////////////// Buuni
M A H A D S A N I D I N
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
