Madaxweynaha Silaanyo Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Ay Yeelanayso Wasaaradda Cadaaladda +SAWIRO
Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aya maanta waxa uu dhagaxdhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso wasaaradda cadaaladda Somaliland.
xurunta oo m dhanka bari ka xigta madaxtooyada ayaa waxa noqon doontaa xurunta wasaaradda Cadaaladda , waxaana munaasabaddan lagu dhagax-dhigayey ka soo qayb-galay madaxweynaha Somaliland shir guddoonka golaha wakiiadaiyo saraakiil ka socotay hay’adda bixisay maan-gelibta dhisamaha xarunta .
wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo hadal kooban ka jeediyey dhagax-dhiga xaruntan ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay ay wasaaradda cadaaladu yeelato dhisme weyn oo kan oo kale ah .
waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale duwan oo ka socday hay’adda maali-gelinaysa dhismahan .

ugu dambayntii waxaa dhagax-dhigay goobta madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siiilaanyo)
OOdweynenews.com,Hargeysa Office



