Maxaa Sababay in Madaxweyne Siilaanyo Uu u Tacsiyadayn waayey Ehelada Dadkii Boolisku Ku Dileen Rabshadihii dhiiga badani ku Daatay ee ka dhashay Natiijadii Doorashadii Deegaanka Hargeysa. Qalinka C/risaq Suudi Nuur
Odaygii la odhan jiray ALAMSAY wuxuu ahan jiray reer Burco waxanu ahaan jiray ninka magaalada Burco ugu gadhka Weyn waxayna isku Hayb ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo waxaana uu ahaan jiray nin jecel oo daneeya ciyaarta Kubada Cagta oo kaliya wax kale oo arin aduun ah oo uu yaqanay ama la weydiin jirayba may jirin hadaba waxa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah uu meel wado ah soo maray odaygii Alamsay waxana dariiqaa uu Alamsay soo maray ku sugnaa rag arin isku haya oo uu arinkuna ka tagtaagan yahay oo u baahan cid kala furdaamisa oo u garnaqda hadaba markii ragii is hayay ay arkeen odayga gadhka weyn ee soo socda oo iyagu aysan wax aqoon ah u lahayn waxay dhinacyadii is hayay isku waafaqeen inay arintooda u dhibtaan oo uu u garnaqo kalana xukumo labada dhinac ,
hadaba markii uu Alamsay soo gaadhay goobtii ragii arinka isku hayay joogeen waxay ugu yeedheen si wada jir ah waxayna odaygii ALAMSAY Ku yidhaahdeen Adeer arinbaanu isku haynaa nin oday ahna wad tahay ee noo garnaq oo na kala xukun Hadaba odaygii ALAMSAY markii uu ogaaday arinkan ay isku hayaan in uu yahay wax ka baxsan ciyaartii kubada cagta ee uu yaqaanay islamrkaana uu arkay in ragani ay soo eegteen gadhkiisan weyn wuxuu ugu jawaabay ADEER GADHKU GADHKAAD MOODEEN MAAHA kadibna wuu dhaqaaqay hadaba maanta waxay dad badani isweydiinayaan maalintii ay doorashadii golaha deegaanku sida nabadgalyada ah ay u dhacday 28/11/2012.sababta madaxweyne siilaanyo dadweynaha reer somaliland ula hadli waayay ee uga mahadcelin waayay sida wanaagsan ee nabadgalyada ah ee ay doorashada ugu soo baxeen iyada oo aad akhristow aad markhaati iiga tahay maalintii ay doorashadii golaha deegaanku sida nabadgalyada ah ay u dhacday in uu madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dadweynaha reer somaliland uu Hambalyo u soo diray isaga oo socdaal ku jooga magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya kuna amaanay sida nabadgalyada ah ee ay doorashadu u dhacday
hadaba markaa kadib markii ay soo baxday natiijadii hordhaca ahayd ee ay ku dhawaaqeen komishanka degmada Hargeysa 6/12/2012-ka waxaa ka dhashay mudaharaad rabshada watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan booliska ayaa dadkan rasaas la dhacay madaxweyne siilaanyana kama hadlin isaga oo jooga Hargeysa xataa ma tacsiyadayn ehelada dadkii ay laayeen ciidanka boolisku taasina waxay muujinaysaa sida uu raaliga uga yahay dadka la laayay waxana ayaan daro ah marka uu aargoosiga siyaasadu uu meelahan oo kale gaadho Maah Maah Soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda WAADAANTA YEESHA KA QOLOOCATAA FAYLKAY LA TAGTAA ,Samayntii ay doorashadan ku lahaayeen Madaxweyne Siilanyo iyo Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi waatan soo dibed baxday boobka iyo ku shubasha xishood la’aanta iyo arxan la’aantu wehelisaana waxay ka muuqataa boobka ka dhacay KULMIYE dhexdiisa oo ah mid aan indhaha laga qarsan karin.
Hadaba saaxiibayaal hadii uu odaygii ALAMSAY uu danayn jiray ciyaarta kubada cagta oo kaliy ah waxaad isweydiisa muxuu daneeyaa Madaxweyne Siilaanyo? Taasi jawaabteedu wey fududahay waxa uu daneeyaa Qabyaalada oo kali ah tusaale ahaan doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Burco waxaa jiray sanaaduuq ay qaateen rag xilaal muuqda iyo xilal qarsoonba ka haya xukuumada siilaanyo dhalasho ahaana ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo dushana ka huwan calanka KULMIYE,hadaba markii ay sanaaduuqdaasi ay ogaadeen Xisbiga UCID iyo shantii urur siyaasadeed ee tartanka doorashada ku jiray waxay dacwad u soo gudbiyeen komishankii degmada iyo kii gobolka waxayna codsadeen in sanaaduuqdaasi la joojiyo oo gabi ahaanba la kansal gareeyo madaama raga qaatay la garanayo cida ay wax ugu soo ridayaana la garanayo hadaba waxaa dhacday in komishankii degmada burco iyo kii gobolkuba ay dhagaha ka furaysteen codsigii ay u soo gudbiyeen xisbiga UCID iyo shantii urur siyaasadeed.
Hadaba waxaa dhacday in xisbiga KULMIYE uu ka helay degmada burco 2 kursi oo kali ah 7 kursi ee la shaaciyay in uu burco ka helayna shan ka mid ahi waxay ahaayen sanaquuqdaai meelaha gaarka ah lala tegay waxanu komishankii Degmadu aqbaleen codsigii KULMIYE ee ahaa in sanaaduuqdaasi loo tiriyo codadka ku jira oo dhamaantood wada KULMIYE ahaa iyada oo shanta xildhibaan ee lagu soo saaray sanaaduuqdan ay dhamaantoodba ay ahaayeen rag ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo.
Hadaba ayaan darada kale ee doorashadan ka dhacday waxay ahaad komishankii degmooyinka iyo kuwii gobolada oo laga maamulayay ama laga hagayay madaxtooyada iyo xarunta dhexe ee KULMIYE Komishankii qarankana laga dul guuray hadaba hadii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay natiijadii hordhaca ahayd ee degmada Hargeysa ee ay ku dhawaaqeen komishanka heer degmado hadii dadkaasi ay ka soo jeedi lahaayen beesha madaxweyne siilaanyo waxaa hubaal ah in uu madaxweyne siilaanyo ka hadli lahaa tacsi heer qaran ahna diri laha lana kulmi lahaa waalidiinta dadkii dhalinyarada ahaa ee boolisku laayeen hadaba isku soo wada duub oo odaygii ALAMSAY waxaa laga haya GADHKU GADHKAAD MOODEEN MAAHA, sida ay maanta wax u dhacayaan markaad eegtana waxaa ku soo baxaysa madaxweynuhu madaxweynaad moodeen maaha Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga KULMIYENA waxaa la odhan karaa ISMA OGA ATOOR QADOW BARTAY IYO UUBTA LOO QODAY.
Qalinka C/risaq Suudi Nuur
Haregysa/Somaliland
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
