|

Mujaahid Xasan Ciise Oo Tallaabada Komishanka Ku Tilmaamay Midaa Aan ku filnayn

Hargeysa (OWN) – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa  sheegay inaanay ku filnayn talaabadan dib ugu noqoshada natiijadu  isla markaana aanay ku filnayn bulshada  oo ay jiraan khaladaad badani.

Mujaahidka ayaa sidani ku sheegay  mar uu maanta la hadlaayey Idaacada  BBC-da  qaybteeda Afka Soomaaliga , waxaana uu sheegay in dib u eegista  Natiijada  Doorashadu ay tahay fikir uu hore u doonaayey in lasaxo khalaadaadkii dhacay  taas oo komishanku  sheegeen inay dib u eegis ku samaynayaan.

Xasan Ciise ayaa isagu hore u  diiday natiijadii hore isagoo sheegay inay jiraan khaladaad badan oo u baahan in la saxo waxana  isaga oo ka hadlaaya  arimahaasi  uu yidhi “Cabashooyinka ku saabsan doorashaddu may ahayn kuwa Hargeysa ku kooban oo kaliya, anaguna waxaanu hore u dalbanay imikana aanu dalbanaynaa in la saxo wax alaale iyo wixii khalad iyo gef ka soo baxay doorashadda, khaladaad badan baa dhacay oo fiidiyow baa la hayaa”.

 

Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay khaladaad uu sheegay inay ka dhaceen meelo kamida deegaanada qaar kuwaaso oo uu sheegay  inay ka jirtay ku shubayo cadaan ahi  waxaana uu ka yidhi arintaasi  ”Sanaaduuqdii oo gaadhi dushii saaran oo lagu shubanayo, iyagga oo geed hoostii lala tagay oo lagu shubanayo, waxa la hayaa Markhaatiyadii oo dhan, waxa la hayaa waraaqihii lagu coddeeyay oo sanaaduuqdii laga soo qufay”

 

Sidoo kale Mujaahid  Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata,  ayaa sheegay  inaan  ku filnay  talladani komishanku isla markaasi  ka muujiyey   kuna tilmaamay mid ay shacabku qawadayaan  “Tallaabada komiishanku naguma filna oo shacabka kuma filna”.

 

Oodweynenews.com/Hargaysa Office

COMMENTS