|

Muqdisho : Fanaan Axmed Heybe Caraalle Oo Geeriyooday

Muqdisho (OWN)-Allaha u naxariistee Fanaan Axmed Heybe Caraalle ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho goor dhaweyd.

 

Fanaanka ayaa u geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday sida ay  sheegeen ehellada iyo asxaabta fanaanka qaarkood.

 

C/risaaq Axmed Heybe oo ah wiil uu dhalay Fanaanka oo isna goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Aabihiis Axmed Heybe Caraalle uu u geeriyooday xanuun deg deg ah oo galabta kusoo booday.

 

Allaha u naxariistee Axmed Heybe Caraalle ayaa waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta Qaranka ee Waaberi.

 

Oodweynenews.com,Muqdisho Office

COMMENTS