Muraqibiinta ururada/xubiyada miyanay ahayn kuwa tiriyay sanaaduuqda lagu muran san yahay?.
Ururkasta/xusbi kasta oo doorashadani ka qayb qatay doorashada waa uu u badheedhay in dadbadani ay laba codayaan, qaladaadna iman karo markay ogalaadeen in doorashada lagu galayo diiwangalin la’aan. Ururkasta/xusbi kasta waxaa u joogay goobkasta muraqibiin ay ku kalsoonyihiin oo codadka dadka tageerayashooda u ilaaliyaan.
Marka, ururada cabanaya waa in ay muraqibiinta ay goobaha u dirateen waydiiyan siday wax u dheceen. Goobkasta oo laga codaynayay ama sanduuq la dhigay, waxaa joogay muraqibiinta ururada/xusbiyada ka socda iyo dad ka socda komishanka. Ujeeda muraqibiinta ay u joogan goobaha waxaa ay ahayd in ay ururada/xusbiyada u ilaaliyan habka loo codaynayo iyo tirada goobkasta uga codaysay.
Markii goobkasta codayntii joogsatay, waxaa isla markiiba labilaabay in goobkasta lagu tiriyowaraqihii lagu codeeyay. Muraqibiinta ururada/xusbiyada waxaa ay ka mid ahaayeen kuwa tirinayay ee goobjeega ahaa goobkasta. Tirada codadka ee kama danbasta ah ee goobkasta ama sanduuqkasta waxaa saxeexay muraaqibiinta ururada/xusbiyada. Marka haddii doorashada u dhacday sidaa, maxaa buuqa keenay.
Haddii ay jiran goobo khaladada ka dhaceen, ururkasta/xusbigakasta xaq ayuu u leeyahay in uu ummada u soo bandhigo khaladadka dhacay, gartiisana la dhagayso si qaladaadka dhacay loo saxo. Waa in la xaqiijiyo , oo dib loo eego tiradasi goobkasta ka codaysay, iyada oo la eegayo tirada goobkasta in ay tahay tiradii ay wada ogaladeen komishanka iyo muraqibiintu ururda/xusbigda . Sida daradeed looma baahna, sanadiiq dib loo tiriyo, wayo tirantu waxa ay ka dhacday goobah lagu codeeyay, waxii ka dambeeya waa in la isku gaynta iyo hubin ay noqoto.
Ururka Xaqsoor waxaa uu ku dooday in goob ka mida goobaha ay codka ka filanayeen in computer-ka laga masaxay. Waxaan waydiin lahaa mudane Xasan Ciise. Computer-ku ma isaga tirada isku shubay, mise tirada waa tirada lagu heshiiyay oo computerka la galiyay? Haddii tirada goobta ee la hayo iyo ta computerka ay kala duwan yihiin, xaq ayuu ururku u leeyihiin in tirada lagu heshiiyay ay ku jiraan computerka. Lakiin arin si hawl yar loo sixi karo, ma ah in la buun buuniyo.
Waxaan uu Mudane Xasan Ciise, marka uu ka hadlayay doorashada gobalada bariga waxa uu yidhi “ Dadku waxaa leeyihiin noo keena aanu codayne eh, lakiin urur ay ka baqanayaan ayay is leeyihiin way u-codayn”
Waxaan waydiin lahaa Mudane Xasan Ciise, haddii dadka dagagankaasi doonaya in ay codeeyan maxaad ugu tagi wayday, eed uga olalayn wayday markii aad Ceerigabo joogtay? Teeda kale, gudoomiya ku-xigeenka ururku, ee tageerada ka haysta daganka miyaanu ahayn ninka lagu afduubay Xudun.
Xukuumada Axmed Siilanyo wax badan oon ku diidanahay way jiraan, ooy ka mid tahay in uu ogalaaday xeerka asxabta, ee dalka ka abuuray ururo/xusbiyo shakhsiyada leeyihiin, dalkana u kala qayb qaybiyayBeelo ama qabaa’il. Lakiin waad og tahay in xusbiga Kulmiye ogalaaday in lala tartamo, oo ururo iminka la abuuray ay la tartaman, sida ururkaga. Marka waa ceeb in ay tidhaa waxaa ka baqayaan ururka Xaqsoor, waayo marka hore ayaanay ogalaadeenba in ururada la furo haddii ay ka baqanayaa in ururo la tartaman.
Runtii anigu waxaa jeclaa in ururka Xaqsoor uu soo baxo. Wayo waxaan arkayay in aan la doonaynin xusbiyo dadka Somaliland wada leeyihiin in dalka laga hirgaliyo. Marka waxaan u arkayay ururkan Xaqsoor inuu tageero dadka gobalada bariga (Sool iyo Sanag Bari) uu hantiyi karo, sidaa daradeed ay Somaliland ay u bahan tahay Xaqsoor. Lakiin, jujuub iyo qasab waxba laguma doono. Teeda kale, hadalada gudoomiyaha ururka Xaqsoor, Xasan Ciise, ka soo baxaya waxaan u arkay in ay aad u qaldan yihiin, nin doonaya inuu dalka xukumana kama aan filaynin inuu sida u hadlo.
Haddii qalad dhacay, waa in la saxo. Lakiin marka aad aragto in aanu ururkaagu soo baxaynin, ma ah in ummada la kiciyo, oo dalkana ceeb loo soo jiido.
Waxaa kale gudoomiyaha ururka Xaqsoor uu dadka u soo bandhigay ‘video’ cadaynaya in sanduuq meel cidlaha lala tagay oo waraqo lagu gurayo. Hadaba, waxaan waydiin lahaa gudoomiyaha.
Sanduuqan goobtee laga qaday ama goobtee ayuu u socday? Meeye muraqibiintaad u diraytay goobtaasi, dadka komishanka ka socday iyo waliba askartii ilaalinaysa? Xageese la geeyay sanduuqan markii lagu shubtay? Miyaa la tiriyay waraqahaasi? Haddii la tiriyan, yaa tiriyay? Wax macna ah ma samaynaso ‘video’ ayaan hayaa. Malaga yaaba kuwa kuu keenay in ay iyagu ‘video’-ga sameeyan oo ayna doonaynin in ay Somaliland doorasho ka dhacdo.
Teeda kale, Mudane Xasan Ciise markii Komishaka uu ka aqbalay in dib loo tiriyo waraqaha lagu codeeyay ee degmada Hargaysa, ayuu soo bandhigay waraqo lagu codayay oo la gubay, oo uu ku doodayay in ay ahaayeen kuwa loogu codeeyay ururka Xaqsoor.
Sidan hore u sheegay, goobkasta oo laga codeeyay waxaa ururkasta/xusbi kasta u joogay muraqib ilaalinayay codadka, isla markiina ka qayb qatay tirinta waraqaha lagu codeeyay, oo saxeexay tirada goobkasta ka codaysay iyo inta ururkasta/xusbikasta u codaysay. Marka ururkasta xaq ayuuu leeyahay in dib loo eego tirada goob kasta, lakiin waxaan qaba in aanu ururna xaq u lahan in dib loogu tiriyo sanduuqyo.
Teeda kale, ma laga yaaba in la tirayay waraqahani. Oo si ay doorashada muran u galiyaan, cida kuu keentay ay yihiin kuwa soo xaday waraqahani, ka dibna gubay.Mida kale, ma cadayn kartaa in warqadahasi ka yimadeen degmada Axmed Dhagax?
Komishanka waa in ay hayaan waraqadkasta serial numberkeeda iyo goobkasta oo laga codaynayay inta warqadood ee la geeyay. Haddii tasi ayna dhicina waxaa qabaa in Komishanku ay qaladkaa leeyihiin. Haddii doorashada inteeda badani u dhacday sida loogu talagalay, waxaan qaba in komishanka ay hawshoodi ka soo bexeen, doorashada dalka ka dhacdayna ay tahay in cidkasta ku qanacdo. Meelna kama dhacdo doorasho 100% sida loogu talagalay u dhacda oon qaladaad lahayn. Dalkeenuna waxaa uu ku jiraa marxalado badan oon u saamaxaynin in ay doorasho qaladaad lahayn ka dhacdo. Marka ururada cabanaya haddii ku guul daraysatay doorashada, ma ah in dalka ceebayaan, nabadana khal khal galiyaan.
Waxaan kula talinaynaa lahaa ururada cabanaya in ayna dalka khal khal galin, ceebna Somaliland u soo jeedina, ummadana iyo calamkana been u sheegina .
Somaliland Ha Noolato!!!!!
Omar Yousuf,
Oakland, California
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
