|

Naanayso i soo jiitay !!! – W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan

Somaliland waa dalkaygii labaad oo kama maarmo, ugu yaraan laba ama saddex jeer baan u socdaalaa oo xaaskaygii labaad baa ii deggan caasimadda Hargeysa.

 

Bandhigga buugaagta ee Hargeysa International Book Fair oo Hargeysa lagu qabto dhayal iguma dhaafo oo waan ka qayb galaa gu’ walba. Hargeysa waxaan ku leeyahay asxaab badan oo qorayaal, abwaanno iyo akhyaar kaleba ka kooban. Waxa ka mid ah Boobe Yuusuf Ducaale, Axmed Aw Geeddi, Cabdiraxmaan-Barwaaqo oo isna dhawaan ka soo diga rogtay dalka Kanada  (Canada), Axmad Colaad (Qorane), Al-Xuseyni, Xasan Cabdi Madar, M.M. Kastam, Yuusuf-Shaacir iyo qaar kale oo badan.

 

28kii Oktoobar 2012ka oo maalin axada afartii galabnimo ayaan gegida diyaaradaha ee Jabuuti aan ka haadnay, 25miridh kadibna waxaan soo caga dhigannay madaarka Berbera. Wax yar dabadeed gaadhi bas ah baa na qaaday, siddeeddii habeennimo ayaan Hargeysa ku hoyannay. Gaadhi taksi ah oo ay xaaskayga Canab Guuleed ii ballamisay ayaa iga soo qaaday xarunta Daallo oo toos ii geeyey aqalkayga oo ku yaal xaafadda New Hargeysa.

 

Habeenkaa hurdo aad iyo aad u wacan baan seexday. Aroornimadii sidii aan u toosay aqalkaygii kama bixin maalintii oo dhan. Goor duhurnimadiiya baan wararkii idaacadaha ka ogaaday inuu maanta bilaabmay ololihii doorashada dawladaha hoose ee gobollada Somaliland. 25 kursi baa loo tartamayaa magaalada Hargeysa, waxa kuraastaa u tartamaya toddoba urur, guud ahaanna 175 mudane ayaa u beratamaya, waa tiro aad u badan.

 

Lix iyo tobankii maalmood ee aan joogay ololuhu si habsamiya ayuu u socday. Waddooyinka waaweyn, suuqyada iyo goobo kala duwan oo magaalada ah markaad marto waxay indhahaagu qabanaayeen boodhadh waaweyn iyo kuwo yaryarba oo sawirrada iyo magacyada tartamayaashu ku yaalliin. Sawir kasta markaan isha qac ku siiyo magacana waan akhrinayey, in badan oo magacyada tartamayaasha ka mida waxa ku ladhan naanaysyo. Naanaysahaa baa si gaara ii soo jiitay sababna u noqday inaan qalinka qaato oo aan maqaal kooban ka diyaariyo socdaalkaygii Somaliland. Soomaalidu waxay tidhaa ‘Nin aan naanays lahayni, waa ri’aan geeso lahayn.” Miyi iyo magaalaba goob kasta oo ay Soomaali joogto naanaysaha way la baxaan. Naanaysta ragga ayaa u badan in kastoo mararka qaar la arko dumar naanayso loogu yeedho. Markaan hilaadiyo reer Hargeysa iyo reer Jabuuti, reer Hargeysa ayaa naanaysaha aad ula baxa, weliba ku darsoo waa naanayso cajab leh. An soo qaato kuwii aan ku arkay tartamayaashii dawladaha hoose,waxa ka mida kuwan:

 

Dhoolla-yar,
Ina-Dhagoole,
Dhoylaawe,
Gaambiye,
Kaambulle,
Baandare,
Qawdhan,
Shiine,
Caga-weyne,
Qayla-weyne,
Qulumbe,
Ciyaalle,
Kibaar,
Salo,
Xaydh,
Maarshaal,
Shabeel,
Ciddin,
Dacar,
Waraabe,
Bidhaan,
Soltelko,
Dogox,
Caga-yare,
Cagaarane,
Biid,
Af-yare,
Siilaanyo (Waa nin ka sharraxnaa Oodweyne),

Shahar,
Dhega-yare,
Waxar,
Jiir,
Bucul,
Foos,
Cawl,
Magubte,
Bidhiidh,
Cirro,
Qoor-case,
Halac,
Gidaarre,
Kurtin,
Daanyeero,
Caloolley,
Ina-caano-kariye

Intaa waxa dheer boodhadhka ku dhegsan goobaha meheradaha ee Hargeysa qaarkood naanaysaha ku qoran,waxa ka mida, Cayngal stoor, Obolos Farmasi, Nootaayada Weyd-cun iyo qaar kale.Sannadihii hore waxay indhahaygu qaban jireen oo I soo jiitay makhaayad boodhkeeda lagu qoray( Maanta waa naqad berrina waa amaah.) Intaas oo dhan waxa iiga yaab badnaa oo aad iyo aad ii soo jiitay, gabadh jaad iibinaysa oo kolaygii jaadka ku sawirtay, Gacan gabdheed oo casaan u dhalatay isla markaana qurux badan, buuran, khidaaban oo weliba dahab xidhan.Gacantu waxay kor u haysaa caqaar jaada oo nuuca tayadiisu sarrayso ah (Aawadaay,) waxa hor taagan oo jeeniga midig jaadka ku qaadanaya libaax qoslaya.Waxaan is idhi ragga geesiyaasha ah umbay gabadhu jaadka ka iibisaa.Waa xayeysiis aan arko kii iigu yaabka badnaa.

Intaa iyo nabad.

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Cabdalla_xaaj@yahoo.fr

Djibouti

COMMENTS