|

Nabadu waa qaali By: M M Eleye{Suweys}

Hadaad baahi daristaan

lama qalo bisaaskoo

bakhti hiliba lama cunno

   budhcad lama ahaadoo

   lama boobo aadmiga

   bidood laguma soo baxo

marka laga bogsoodee

laga baxo abaaraha

buro aan latirin iyo

boogbay kugu ahaataa

   ha,ukeydin bala oo

   beerxumaanna ha,ufalin

   habaylihinin ubadkoo

   berri aano yey,udhiman

2-Hadaad beri cadhootana

  lama kiciyo baaskoo

  baradaada lama gubo

bunduq lama cabaystoo

looma baaqo geerida

billood adigu dhimataa

  marka laga bogsoodee

  laga baxo collaadaha

  buro aan latirin iyo

  boogbay kugu ahaataa

ha,ukeydin bala oo

beerxumaana ha,ufalin

haabaylihinin ubadkoo

berri aano yey,udhiman.

 

         M M Eleye{Suweys}

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS