Natiijadii Ay Maxakamaddu Dib Ugu Celisay Komishanka Oo Khilaaf Ka Dhex Abuurtay Komishanka
Hargeysa (OWN)- Natiijadii ay maxakamadda degmada Hargeysa ay dib ugu celisay komishanka doorashooyinka ee ay ku ku gacan-saydhay in ay iyadu dib u eegid ku samayso natiijadii ay komishanku hore uga soo saareen codbixintii doorashada ee degmada Hargeysa ee ay maxakadda u soo gudbiyeen ayaa waxa ay khilaaf ka dhex abuurtay xubnaha komishanka .
Sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Oodweynenews waxa uu arrinkani khilaaf ka dhex dhaliyey guddoomiyaha guddida doorashooyinka Ciise Yuusuf Xamari iyo ku-xigeenkiisa Cali Khadar Xasan Cismaan ( Cali-kubad) khilaaf kaas oo salka ku haya guddoomiye Ciise Xamari oo doonaya in ay iyagu guddi ahaan ay dib u tiriyaan iyo ku-xigeenkiisa oo soo jeediyey in ay sidii hore ugu dhawaaqaan natiijadna sideedii hore, taas oo khilaaf xoogan ka dhex aloostay labadan masuul.
Markii uu soo ifbaxay khilaafkan u dhexeeya guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo markii hore la sheegay in uu gudoomiye Xamari Uu xilka iska calisay ayaa haddana waxa la sheegay in uu yahay uun khilaafkaa u dhexeeya isaga iyo ku-xigeenkiisa Cali-kubad ee aanay jirin cid xilka iska casishay .
Arrinkan ayaa waxa uu dhallin karaa muran xoogan oo sii xididaysta oo u dhexeeya komishanka iyo ururada iyagu hore uga cabanayaayey natiijada doorashada.
Oodweynenews.com,Hargeysa Office
