|

NIN KHAAKHAAYIRAY AYAA LAGA SHEEGAY HADAAN REERKA LEEYAHAY ASAAN ANIGU GUBAAYO SIDEE LAY YEELAYAA!!!!!? By: Caaqil Saxardiid Geelle

Waxaan uga horyn salaamayaa bulshada nabada jecel ee reer soomaaliland iyo bahda saxaafada , waxaan marka labaad ka xumahay kana tacsiyadaynayaa dadkii wax ku noqday dhacdadii foosha xumayD ee ka dhacday xaafada axmed dhagax ee degaanka Hargaysa.


Caaqil iyo maahmaah soomaaliyeed ama hadal wax lagula baxo lama kala waayee hadii aan maantana kalmad dhaanwade ka idhaahdo waxii dhacay; waxaa jiray baa la yidhi nin aad u fiicnaa oo raganimo badnaan jiray ayaa sidan hada reer magaalku u yidhaahdaan wuu yara khaakhaayiray waa waashay odhan maynee , dhawr jeer ayaa la arkay kolba isagoo xeradii adhiga dab ku dhejinaya oo laga qabtay waar  reerka ha iska gubiin , dhacdadu cidii ay ka dhacday la iima magac dhebin ee sidaas iyadoo looga waramo ayuunbaan garanayaa  waxaanse filayaa inay tahay hadal wax lagula baxayay uun , ninkii waa midhkaynu u socanee waxa uu yidhi kalmad murti ah oo ilaa hada laga waramo ahna ta aynu halku-dhegga uga dhignay maqaalkeenan oo ah:(HADAAN ANIGU REERKA LEEYAHAY OO ANIGU GUBAYO MAXAA LA YEELAYAA ) Markuu sidaas ula hadlay ayay u muuqatay malaa in uu hadal gar ah yidhi waxay ku adkeeyeen uun waar caruurta uun ha iska gubin, waxa uu yidhi kuwaas anaa idiinka lexejeclo badan…………


Hadaan biyadhaca kelmadaydan u gudbo KULMIYE haduu xisbigii talada hayay ahaa oo uu ku sigtay inuu dhaco oo xisbinimadiisa waayo oo ay xaqiiq ahayd inuu dhici lahaa hadii uu doorashada si xor iyo xalaal ah u qabto,  adaan kuu dhiibee hadii aanu boobin maxuu yeeli lahaa !!? taasi waxaan filayaa jawaabteedu waa iska cadahay ee waxa uun meesha ka maqnayd oo seegtay inuu lexejeclo ku daro , ama go,a yara saaro oo dee waxaa fashilisay meel walba anaa ka koowaad ahaa , waxaynu leenahay lexejeclo kumaydaan darine idinku ilaa caruurtiibaad gubteen.

Ugu damabayn hadaan talo waayeel ku daro madaxweyne adiga iyo xukuumadaada shacabkii is macasalaamayse oo hadii wasiiradaadu muraayad madow kuu galiyeen oo dadku waa inaga kugu maaweeliyeen xaqiiqda kuumay sheegin oo dadkii  markii hore aqlabiyadda codkooda kugu siiyay maanta 10% kama hayside ee waxii dambe lexejeclo ku dara , wiil dambena yuu gacantiina ku bixin.

Shacabkana waxaan leeyahay doorashadii dambe ee rasmiga ahayd ee lagu kala baxayay way inoo hadhay codkaynu ku keenaybaynu ku ridaynaaye  ballanteenu waa ( Mar i dage Alla ha dago laba jeer i dagana anay isu dagay) waxaynu cod dheer ku leenahay:

 No Falsification the election result”لا تزوير في نتائج الانتخابات .


Caaqil Saxardiid Geelle

caaqilsaxardiid@hotmail.com

—————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS