“ Qaladka Ugu Weyn Ee Ay Komishanku Galeen Waa Ku Noqoshada Natiijada, Komishankuna Waxay Lumiyeen Kalsoonidii Dadweynaha , Mana Qabo In Uu Komishanku……….” Waraysi Gaar ah Cabdiraxmaan Cadami Guddoomiyihii hore Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Hargeysa (OWN)-Guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdraxmaan Ismaaciil Cadami ayaa ka waramay arragtidiisa doorashadii Somaliland ka qabsoontay 28kii bishii 11 ee sannadkan , natiijooyinka ka soo baxay doorashadaasi, sida uu u arko dib u eegista lagu samanayey in natiijada degmada Hargeysa , iyo warar sheegaya in loo magacaabayo isaga badhasaabka goboka Maroodi-jeex iyo arrimo kale .
Cabdiraxmaan Cadami oo waraysi dheer siiyey shabakadda Oodweynenews waxa uu ugu horayn ka hadlay aragtidiisa ku aadan qaabkii ay doorashada golayaasha deegaanku u qabsoomeen iyo natiijooyinka ka soo baxay waxa uu yidhi “ Rubtii doorashadani tii inoogu horaysay maaha waxaanu soo galnay 4 doorasho waxaan filaayey in ay noqoto mid ka wanaagsan kuwii hore madaama aynu isa soo tijaabinay , runtiise may noqonm waxaanse odhankaraa way ka xumayd kuwii hore aniga oo ka garaabaya duruufaha inagu xeeran, waxa dhacay qaladaad hase ahaatee waxaa u dhacday si fiican marka si guud loo eego”.
Guddoomiyihii hore ee shaqaalaha dawladda Cabdiraxmaan Cadami oo faah-faahin ka bixinayey qalaad uu sheegay in ay dheceen intii doorashada lagu jiray waxa uu yidhi “ Qaladaadka dhacay ee ii muuqad waxay ahayd waa tii la laaley diiwaan-gelintii ,taasi oo keentay in lagu noq-noqdo iyo in la isticmaalayey khad masaxmaya oo waliba aan cid lagala dhuumanahaynin, waxa kale oo iyaguna ka mid khaladaadka kale ee dhacay Komishanka oo u adeegsaday shaqaalaha dad aqoon iyo khibrad fiican u lahayn arrimaha doorashada”.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sidoo kale ay fargo-gelin badani ka dhacdsay doorashada taasi ookaga imanaysa dhanka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “ Ra’yi caamka guud waxa uu sheegayaa in uu kulmiye uu faro-galin badan ku sameeyey doorashada macquulna maaha in uu dalka oo dhan kaalinta 1aad ka galo waayo yaa dee u footeeyey dadkii markii hore ay balla qaadka u sheegeen ee aanay haddana ka dhabaynin way kas ii jeesteen ee yaa u codeeyey Kulmiye taasi may dhici karayn suurogalna maaha inay dadkii uu hore u khiyaameeyey in ay u codeeyaan“ ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.
Cabdiraxmaan Cadami waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay shaqaaqadii ka dhalatay natiijadii hordhaca ahayd ee laga soo saaray degmada Hargeysa .
Guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in uu madaxweynuhu u magacaabayo badhasaabaka gobolka Maroodi-jeex, warkaasi oo in badan dadku ay maqaleen waxaanu yidhi “ Warkaasi waxaan ku arkay Website hase ahaatee , haba yaraatee, haba yaraatee wax ka jiraa ma jiro “.
Cabdiraxmaan Cadami waxa uu ku sababeeyey cabashada ka soo yeedhaysa ururada qaar iyo musharaxiinta ku hadhay doorashada qaladaad ka dhacay doorashada taasi oo shaki badan abuurtay “ Horta cabasho way imanaynaa wayna jirtaa , waayo haddii khaladaad dhaco dabcan shaki ayaa imanaya waxaana laga simanyahay qof khalad lagu sameeyey iyo mid aan lagu samayninba shakiga ”.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami waxa uu ku sababeeyey shakigan uu xusay komishanka o lumiyey kalsoonidii dadweynaha waxaanu hadalkiisa ka mid ahaa “ Shakigana waxa abuuray Komishanka oo lumiyey kalsoonidii dadweynaha mana qabo in ay qaban karaan doorashada soo socda khaladaad kaas ay sameeyeen awgeed , waxaana qaba khaladaadkaasi Komishanka ururada musharaxiinta kuwa hadhay iyo kuwa soo baxday aniguba sidaas ayaan qabaa “.
Waxa kale oo uu xusay Cadami in ku noqoshada natiijada degmada Hargeysa ee ay sheegeen guddida komishaka dhexe in ay ka mid tahay qaladaadka ay gashay guddida doorashooyinku waxaanu yidhi “ haddii la yidhi Hargeysa ayaa lagu celinayaa maxaa u diidayey in ay Burco ama Ceerigaabo tidhaahdo annagana ha naguula celiyo taasina waxya keeni kartaa cabashooyinkii yar –yaraa iyo shaqaaqooyinkii laga cabanaayey dhib ka weyn qaladkii ugu weynaa ee uu komishanku galayna waa Taas oo yidhi waxaa lagu celinayaa natiijadii Hargeysa ”.
Waraysigan uu Cabdiraxmaan Cadami siiyey Oodweynenews oo ahaamid aad u dheer ayaa waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabaha uu waraysiga ku sheegay Mustabalkiisa siyaasadeed isaga oo aan sidii ay xukuumaddii UDUB talada u wareejisay aan siyaasadda lagu arag waxa hadalkiisa ka mid ahaa “ UDUB wuu burburay haddana ma doonayo in aan ka sheekeeyo waxii ka dambeeyey burburkaasi waxa uu ahaa Xisbiga Qaran mar haddii uu bur-buray waa khasaare qaranka u so hoyday, taariikhadaana qori ciddii ka dambeeyey , anigu ma qabo si cad UDUB iyo Kulmiye wax aka dhexeeyey loolan adag waxa isla gaadheen meel adag oo ay mar sigatay inay wax yeeleeyaan qaranimada mana qabo qolodaasi in ay wax ku biireen ee way isdhiibeen , qolooyinkan kale eek u biiray UCID iyo Waddani waxaan iyaga odhan karaa meel bay ku biireen, aniga marka loo soo noqdo marki aan xisbigii UDUB sida uu u kala daatay waxaan sameeyey in aan gees iskaga taago aniga oo sugaayey waxa ay sameeyeen markii uu kala biiq-biiqayna midnaba ku maan biirin sidii baanan ilaa hadda meela ku jirin “. Ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami .
Waraysigan Oo Maqal ah ka filo Oodweynenews.com

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Oodweynenews.com,Hargeysa Office