|

QALALAASAHA IYO FOOLXUMADA SOMALILAND KA TAAGAN HADA MAY BILAABMIN IMIKA EE WAXAY BILAABMATAY MARKII GOLAHA GUURTIDU 33 XILDHIBAAN OO KA MID AHI AY ASXIYEEN XEERKA AH IN URURADA LA FURO. By: political analyst sharmaarke abdi musse.

Marka hore waxaan salaamayaa saxaafada iyo hawlwadeenada website-ka iyo akhristaha maqaalkaygan furaba, intaa ka dib in dhawayd maqaal maan soo qorin, in aan  shakhsi   ama ashkhaas aan abaarana horena isku maan da yin hadana isku dayi mayo, attitude ka qof ka iyo character-ama career-ka siyaasadeed ee siyaasiga waan tix galiyaa ,walow aanay siyaasigaa  vocational-kiisa ama xirfadiisa  siyaasadeed aanay I qancinba hadana waa iga mudan yahay inaan  ku ixtiraamo ; aan u daadago dulucda  maqaalkaygan, waxa hada ka socda Somaliland wax aan la jeclaysan oo  muwaadin kastaa ka murgoonayo, ceeb iyo  isku nacayab iyo  kala durug badanina way ka dhalatay doorashoodan golaha deegaanka oo beelo ama jifooyin hal wada ahaa ayaa isku naceen marka jifo kastaa mid keensatay ama uu murashax iska soo sharaxay, hadaba nuxurka aan u imaadee anigu maan ogalayn marnaba in la furo ururada siyaasada, oo  waxaan jeclaa in saddexdaa la tayeeyo fekerkaas aniga uun maahee dad badan ayaa ila qabay, oo  siyaasiyiinta  damaca siyaasigu hayo lasoo dhaweeyo oo ay ku biiran ama horeba way igu jireene ay halkoodii kaga hayaan, oo siyaasiyiinta daalay ee  ilaa  markii aan kacaamay ee aan maqlaayo magacyadooda aqoona aan lahayn inay nastaan oo ay siyaasada ka odayeeyaan, sida odayga  IRAN  AYATULAH ALI KHAMADI, sidiisa inay odayaal Somaliland ah noqodaan ayaan doonayay oo ay nastaan, sharaf  ayey ku leeyihiin umada dhexdeeda , sharafkaas ay ku leeyihiin in siyaasada khaldan ama aan wacnayn oo ay la imaadaan sharafkooda wax yeesho ayaa macquul ah.

Sidaynu wada ogsoonahay madaxweyne siilaanyo wuxuu ku balan qaaday in ururada uu furaayo , hadalkaasina madaxweynaha wuu kasoo dhacay qalbigana kamuu ogalayn in la furo ururda siyaasiaga ah , markii madaxweyne siilaanyo uu noqday madaxweyne, wuxuu  awood u leeyahay in uu DEGRE-YTO ururada ku furo oo uu idhaahdo ururadi  degree-yto madaxweyne ayaa lagu furay, hadana madaxweynhu isagoo ruuxda iyo qalbiga ka doonayn in ururada la furo balanqaadna fuliyey taas ayaa madaxweynaha ku qasbaysay ee marnaba ruuxdiisu may ogalayn in la furo, dabadeed madaxweynuhu waxa uu magacaabay gudi , gudidaas oo loo magacaabay  kasoo talo bixinta furashada ururada siyaasiga ah,  waxa gudoomiye looga dhigay  xildhibaan DHULBAHATE AH  xildhibaan KOORE, taas oo  ah talaabo wacan oo  uu madaxweynuhu qaaday , gudidii waxay qaadeen  SERVEY, kaas uu lagu ogaanayey in shacabku furtaan ururada siyaasiga ah iyo inkale, gudidii waxay mareen gobolada Somaliland oo dhan ilaa laascaanood oo maxaa yeelay  xil. KOORE  ayaa gudoomiye u ahaa nin bari kasoo jeeda ayaana hawshaa gobalada oo dhan gaarsiin karaayey, ka dib wax bulshada lagala tashanaayey arintaa Ardayda jaamacadaha , aqoonyahanka, iyo culimo awdiinka, ama intellectuals, dabadeed gudidii waxay kusoo war celiyeen madaxweynaha statistics-kii ay sameeyaana waxay idhaahdeen dadku way ogal yihiin in ururada la furto, Madaxweynu isagoo DEGRE-YTO labaad haysta oo odhan karaaya Gudidii aan magaacabay servey goodii waxay ku ogaadeen in dadku ogal yahay in ururada la furto, ee  DEGRE-YTO ayaan ku furay isagoo oo  madaxweynuhu hadana  xaq u leh oo awoodaa leh ayaa hadan qalbiga ayaanu ka ogalayn ,oo golaha wakiilada ayuu usoo gudbiyey oo uu is yidhi bal caqli ha u noqdaan oo  xeerkaas ha demolish-gareeyaan, golaha wakiiladuna dee rag badan ayaaba orod ugu jiray inay ururo furtaan isla markiiba  xeerkaas motion iyo   kasoo baarandeg golehu umuu qaadan ee  si dhakhso ah ayey u pass-gareeyaan, xeerkii  furashada ururadu wuxuu u gudbay GOLAHA GUURTIDA.

Markay halkaas marayso anigu aad ayaana ula socdaa oo hargeysa ayaan jooga arimaha siyaasada ee  socda  aad iyo aad ayaan ugu dhuun daloolay, aniga oo ku hanwayn in GOLAHA GUURTIDU inay xeerkaas  pause- garey doonaan ama ay xeerkaas halkaas dalka kaga joojin doonaan oo aan ku han waynahay in xeerkaas ay guurtidu caqli u noqon doonto , oo  GOLE caqli ,dhaqan , xilkas, weeyaan GOLAHA GUURTIDU,   GOLE siyaasadeed sida golaha wakiilada maaha; waxaanay  GOLAHA GUURTIDU xaq u leeyihiin in  saddex meelood laba meel I inay xeerkaas ay joojin karaan, ama ay GOLAHA WAKIILDA  wax ka badel ku odhan doonaan oo ay dib ugu celin doonaan, GOLAHA GUURTIDU waa linkage ama pound-ka isku haya Somaliland oo dhan xukuumad , shacab, gole sharci dejin, intaba iyagaa linkage u ah GOLAHA GUURTIDU, markuu arin halkaa maraayo ayaa 4:15pm ka dhagaystay idaacada VOA qayba afka somaliga in  GOLAHA  GUURTIDA EE SOMALILAND AY ANSIXIYEEN  xeerkii furashada ururada siyaasada,   ( golaha waxa xaadir ku ahaa 47 xildhibaan,  33 xildhibaan waxay ku codeeyaan  haa  “ in xeerkaa la pass gareeyo oo siday golaha wakiiladu kusoo gudbiyeen loo pass- gareeyo  , 11 xildhibaan way diideen, 3 xildhibaana way ka aamuuseen), dabadeed xeerkii sidaa ayuu ansax ku yahay ayuu gudoomiye ku xigeenkii GOLAHA GUURTIDA oo nin sharaf lehe ku sheik AXMED sh. Nuur .sh.furre oo shir godoominayey ayaa ku dhawaaqay sidaa.

Anigu galabnimadii ayaan maqlay dareenkaygu wuu isbadelay, hadaan ahay political analyst, waxa waan garan karaa meelna wax  way iiga sawirnaan karaan, waxaan ogaa tii soomalia ka dhacday ee  dhowr iyo lixdanka urur lagaadhay doorooshooyinkii baarlamaan ee 60 iyo 70 somalia ka qabsoomaayey, habeenimadii ayaan aniga oo guriga aan soo gaadhin hargeysa ayan ka hadlayaa oo aan joogaa  ayaa meel sub-station ah oo aan lacagta mobile-ka kaga shubto oo inan la idhaahdo LIIBAAN haysto aan imid waa abaaro 10:00pm, aniga oo lacagtii mobile-ka laygu shubaayo ayaa warkii soo galay waa warkii  10:00PM , warka waxa ugu waaween GOLAHA GUURTIDA OO ANSIXYEY XEERKII FURASHADA URURADA SIYAASIGA AH,  markii aan qodobkaa warka aha aan daawaday ayaan liibaan ku idhi hadii (  hadii ururadaa la furay ay Somaliland dhibaato iyo  is nacayb u keenaan  waxa ka masuul ah 33 xildhibaan ee caqli u noqon waayey xeerka golaha wakiiladu soo pass-gareeyeen. Waxaan ugu daray walaahi, magacyadooda iyo qabaa’ilka ay yihiin hala soo ogaado iyagaa ka masuul noqon doona  arinka ka dhasha ansixintaa xeerkaa, maxaa yeelay iyagaa ku ansixiyey HAA). Markaan intaa liibaan ku idhi ayaa inan iimaan ah oo masjid igu dhawaa iimaan ka ahaa oo khadar la idhaahdo  oo meesha joogay oo lacag kaga shubanaayey igu yidhi dee sheikh ayaan kuu haystee GUURTIDII AYAAD HAWLAHOOGII WADAA..kkkkkkkkk.  ku darsoo markii bilaa diwaangalin la’aan iyo bilaa astaan la aan in lagu galo doorashooyinka markii Golaha wakiilada ay ansixiyeen ilayn, in Golaha Guurtidu ka qabtaan oo ay labadaa xeer ay is hor taagaan ayay ahayd.

GOLAHA GUURTIDU waa xildhibaano odayaal ah oo sharaf leh ixtiraamna way iga mudan yihiin, marxalado badana dalka way kasoo saareen, sharafna waan u hayaa.

Markaa waxaan kusoo gabe gabaynayaa sheekadii saddexda dibi ee midba maalin libaaxu cunaayey ee kii ugu danbeeyey yidhi ( maanta layma cunine, maalintii dabiga cad la cunay ayaa lay cunay).

By: political analyst   sharmaake abdi muuse            Email: Jamaal_77@hotmail.co.uk

http//www.facebook/pro sharmaake.com

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS